Nuxurka Khudbadii Madaxweynaha ee Xarunta Chat-ham House ee Dalka Ingiriiska

Hargeysa (Somaliland.org)- Khudbadii Dheerayd ee uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka jeediyay xarunta Chatham House ee dalka Ingiriiska, oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) wuxuu dhignaa sidan:-

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

1. Waxa i xiiso gelinaysa inaan halkan idiinku imaado aniga oo metelaya dadkayga iyo dalkayga. Waxaan mahad weyn uga celinayaa Chatham House iyo Royal Institute for International Affairs inay noo soo fidiyeen casuumaddan. Waxay ka turjumaysaa danaha muddada dheer soo jiray iyo go’aan qaadashada wada hadal socda iyo xidhiidhka togan ee arrimaha muhiimadda leh ee saamaynaya dadka Somalida ah, oo ah midda ay Royal Institute for International Affairs iyo xubnaha ka tirsani ay tobannaan sannadood soo muujinayeen.

2. Waxa aan ogahay hawlihii aad dhawaan ka qabateen dhoofka xoolaha Geeska Afrika oo lagu daray daraasaadkii dhowaan aad ku samayseen mushkiladda jabhadaynta, argagixisada iyo xaaladda adag ee dhaqaale ee gobolka. Meelahaasi waa meelo muhiim u ah Somaliland iyo gobolka intiisa kale. Isla markaa, waxaan ogahay in danayntiina ku wajahan cidhifka aanu ku naalo dunidu ay tahay inyar oo ka mid ah hawlaha ballaadhan ee uu qabto gurigani (Chatham House), ee nuxurkiisu yahay inuu dhiirigeliyo dood caalami ah oo ku saabsan qaaradayada, Afrika.

3. Waxa kale oo aan fursadan ku hambalyaynayaa qurba joogga Somaliland ee ku nool UK oo ah kuwii taageeradooda iyo dhiirigelintooda ay siiyeen dadkooda la’aanteed ay gebi ahaanba Somaliland ahaan lahayd mid ka duwan sida ay maanta tahay.

Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmay maanta qaar metelaya jaaliyadda.

4. Waxa kale oo igu waajib ah inaan cabiro mahadnaqayga aan u hayo xukuumadda Ingiriiska, ra’iisal wasaare David Cameron, Wasiirka Afrika, Mrny Henry Bellingham iyo xubnaha (All Party Parliamentary Group) kooxda Somaliland uga dhex ololaysa baarlamanka Ingiriiska ee uu hoggaaminayo Mr Alun Michael. Waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda iyo sii wadida xidhiidhinta arrimaha khuseeya dadka reer Somaliland. Reer Somaliland ahaan waxaanu nahay qaar had iyo goor ka mahad celinaya saaxiibtinimada gaarka ah ee ka dhaxaysa labadayada umadood ee taariikhdoodu qoto dheer tahay, iyo ku dhegenaanshaha dimuquraadiyadda, xuquuqda binu-aadamka iyo xorriyadda.

Xukuumaddayda iyo aniguba waxa aanu ku rajo weynahay in aanu sii xoojino xidhiidhintaasi, iskuna garab gallo danahayaga ee waxtarka u leh labadayada dad iyo dal.

5. Farriinta aan idiin soo gudbinayaa maanta waa rajo weyn oo u timid gobolka Geeska Afrika oo beri ahaan jiray mid madow. Somaliland ma aha mid ku qanacsan in ay ahaato sheekadii wanaagsanayd ee Afrika u qarsoonayd oo kaliya (Africa’s best-kept secret) laakiin waxaanu ku dhaqaaqnay xili aan la joojin Karin oo aanu ku noqonay dawladnimo shaqaynaysa, ahna masuul xubin ka ah dawlaha beesha caalamka, anagoo ilaashanayna xuquuqdayada iyo waajibaadkayaga ee ku dhisan qawaaniinta caalamiga ah. Fursaddan waxaan uga faa’iidaysanayaa inaan maanta inyar kaga hadlo dhawaanahan waxyaabaha qabsoomay iyo arrimaha muhiimka u ah dalka.

B) Doorashooyin

6. Laga bilaabo raadkii doorashadii madaxtooyada ee 2003 iyo doorashadii 2005 ee wakiilada, doorashadii madaxtooyada ee 26 June, 2010 waxay calaamadisay labaatameeyo sannadood xilligii Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda iyo konton sannadood oo laga joogo dhamaadkii xukunkii maxmiyadda Ingiriiska.

7. Marka laga reebo khatarihii nabadgelyo ee cabsi gelintii loola dan lahaa in niyad jabiyo rabitaanka codbixiyeyaasha, haddana inka badan milyan codbixiye ayaa safafka u galay aroortii hore ee bacadka u taagnaa inay si nabadgelyo ah codkooda u dhiibtaan. Codbixiyeyaashan badankoodu waxay ahaayeen haween iyo dhalinyaro, goob joogeyaashii caalamiga ahaana waxa ay ku qiimeeyeen inay ahayd doorasho xor iyo xalaal ah. Xilkan aan hayo wuxuu ku yimid geedi-socodkaas oo ah mid ku hanweynahay, kuna shaqaynayo oo lagu daray sida nabadgelyada leh ee xil-wareejintii madaxtooyadu u qabsoontay ayay Somaliland mar kale iska dhex muujisay dalal badan oo Afrika ah, iskana soocday koone adduunyada kaga can baxay degenaansho la’aan, nabadgelyo la’aan iyo maqnaanshaha ku dhaqanka sharci.

8. Waxa aanu rumaysanahay guulaha aanu ka gaadhnay doorashooyinku in ay muujiyeen go’aankii ay Somaliland ku qaadatay qawaaniinita dimuquraadiyadda, xuquuqda binu-aadamka, ku dhaqanka sharciga iyo dawlad wanaaga oo ah mid si weyn ugu xusan qodobada shuruucda u ah Midowga Afrika. Waxaan xoog ugu hanweynahay guulaha ay dadkaygu gaadheen oo ka dhalatay halgan si ay u noolaadaan iyo garwaaqsigii takoorkii ay waajaheen iyo dhibaatadii adkayd. Waxaan doonayaa inaan fursadan uga faa’iidaysto oo aan xuso, kuna hambalyeeyo dadkayga Somaliland, waxaanan waydiisanayaa inay ahaadaan qaar ku dhaqan go’aankooda nabadgelyo, dimuquraadiyada iyo ku dhaqan qaynuunka.

9. Waxa kale oo aan rabaa inaan iftiimiyo abaalka weyn ee aanu u hayno saaxiibadayada beesha caalamka ee isa soo taraya oo ay ka mid tahay Boqortooyada Britain oo na dhinac taagnayd wakhtiyadii halkayagii oo dhan, isla markaana ah kuwa aanu taageero iyo talo uga fadhino iyo saaxiibtinimo ayaamaha, bilaha iyo sannadaha soo socda.

C. Doorashooyinka Golaha Deegaanka

10. Mid ka mid ah cawaaqibkii ay lahad doorashadii madaxtooyadu ee dib u dhacday waxay saamayn ku yeelatay inay dib u dhacaan doorashooyinkii Golaha deegaanku. Si kastaba ha ahaatee, xukuumaddu waxay ka dhigaysaa muhiimadaha ugu horreeya. Waxa aanu ku dedaalaynaa in xukuumadda oo dhan oo ay ka mid yihiin Dawlaha Hoose iyo xukuumadduba ay noqdaan qaar ay dadku la xisaabtami karaan. Waxa aanu wada xaajooda la wadnaa Guddida Doorashooyinka Qaranka, xisbiyada siyaasadda iyo qaadhaan-bixiyeyaasha, xilliga ay qabsoomayso doorashooyinka deegaanku, waxaananu rajaynaynaa in aanu soo gebogebayno dhawaan.

D. Horumarka.

11. Maamulkaygu waxa uu leeyahay himilooyin iyo qorshe horumarineed. Waxaa jirta baahi degdeg ah oo ah in wax laga qabto foqriga, lana kaabo awoodda hay’adaha dawladda, lana kordhiyo in bixiyaan adeegyada bulshada ee aasaasiga ah oo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada. Waxa aanu u baahanahay in lanagu taageero isku-taxalujintayadan.

12. waxyeelooyin badan oo naga soo gaadhay dayacaad sannado nagaga imanaysay Muqdisho oo ay wehelinayeen khilaafkii daba socday oo ay noo raacday bulshada caalamka oo nagula macaamishay wax la moodo in aanay xaqiiqada ku salaysnayn ayaa Somaliland ugu wacnaa wakhtiyadii adkaa ee ay ka soo gudubtay. Waxa aanu gaadhnay guulo waaweyn labaatankii sannadood ee tegay.

13. Maamulkaygan, waxa aanu raadcaynaynaa in aanu helo fursado cusub oo ku binaysan guulihii aanu gaadhnay labaatankii sannadood ee u dambeeyay si aanu u kobcino nolosha iyo daryeelka dhaqaale ee dadkayaga.

14. Anaga oo aad ugu faraxsan taageerada binu-aadminimo ee ay bulshada caalamku na siiso, waxa aanu rabnaa in aanu aragno faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan horumarinta si loo hubiyo kala-guuris guulaysata oo laga imanayo taageeradii binu-aadminimo oo loona gudbayo xaalad taageero oo dib-u-soo kabasho. Dadka reer Somaliland waa inay si cad u helaan dheeftii iyo midhihii nabadgelyada.

15. Waxa aanu rajaynayaa in aanu la yeelano iskaashi dhow Qaramada Midoobay iyo ururada caalamiga ah iyo sidoo kale inaanu sii xoojino xidhiidhka laba geesoodka ah ee aanu la leenahay qaadhaan-bixiyeyaasha, kuwaas oo si togan noogu ishaareeyay inay ku xoojinayaan go’aankooda qaddiyaddan.

E. Ganacsiga iyo Maalgelinta.

16. Taageerada hour-marineed oo kali ahi kuma filna inay Somaliland ka saarto faqriga. Maalgelinta iyo isweydaarsi dhaqaale ayaa ah muftaaxa illaa iyo intii uu KULMIYE xukunka la wareegay, waxay samaysay dedaal muuqda oo dakhli lagu ururinayo, ballaadhisana khayraadka. Natiijadii ka dhalatay afar bilood (rubuc sannad) waxa kordhay 24% dakhligii. Haddii ay sii jirto xukuumaddu waxa ay awood u yeelan doontaa in ay dheeraad ku kharash garayso dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

17. Xukuumaddaydu waxa ay garwaaqsatay baahida loo qabo in kor loo qaado wax-dhoofinta Somaliland iyo suuq isweydaarsi. Sida waxay hirgelaysaa haddii qaddiyadda shahaadada caafimaadka xoolaha laga gudbo, ma rumaysnin in ay tahay dhalanteed in lagu himiloodo in aanu hilibka u dhoofino illaa iyo Midowga Yurub. Waxa muhiim ah oo ah hour-mar aanu soo dhawaynayno qaadista Sucudi Carabiya cuno qabatayntii saarrnayd xoolahayaga, laakiin cuno qabatayntu waxay muujisay baahida ay Somaliland u qabto in ay hesho meelo kale oo la ganacsato.

18. Somaliland waxa kale oo ay u baahan tahay waddooyin iyo isgaadhsiin mashruucii Berbera-Corridor oo ay ka mid tahay dekedda Berbera qudheedu waxay muhiimad culus u tahay mustaqbalka kobcinta dhaqaale, sidoo kale ayay muhiimad u tahay jaarkayaga aan badaha lahayn, Itoobiya. Xukuumaddu waxay raadcaynaysaa inay hesho maalgeliyeyaal shisheeye oo si toos ah u maalgeliya kaabeyaasha lagama maarmaanka u ah nolosha, waxa kale oo xukuumaddu diyaarinaysaa in ay Somaliland ka dhigto meel aad u soo jiidata shirkado shisheeye oo maalgashada. Horu-maradan oo kale waxay noqonayaan kuwo xoog dabada uga riixa inuu dhaqaaluhu koro iyo dakhligii loogu baahida badan yahay. Mashaariicda yaryar ee la heerka ah ururada maxaliga ahi iyaguna waa muhiim. Halkan, waxaan rumaysanahay in qurba-joogga Somaliland ay qayb muhiim ah ka qaataan oo ay soo geliyaan khayraad badan.

19. Somaliland waxay baahi u qabtaa in la kobciyo ganacsi iyo fursado maalgashi, tani waxay qayb ka tahay sababaha aan u joogo halkan, boqortooyada Britain oo aynu hadda ku caleemo saarnay rugta ganacsiga ee Anglo-Somaliland (23 November 2010). Toddobaadkii u dambeeyay waxa aan la kulmay hoggaamiyeyaal badan oo ganacsi iyo maalgashadeyaal rasmi ah, kuwaas oo garawshiyo u leh fursadaha gaarka u ah maalgashiga suuqayada dhaqaale ee kobcaya ee Somaliland. Waxa aan rajaynayaa in aydun sii baahin doontaan kalmadda in Somaliland u furantahay ganacsi.

F. Aqoonsiga.

20. Idiin qarin mayo xaqiiqada in xukuumaddaydu yoolkeeda kama dambaysta ahi uu yahay ictiraaf buuxa oo ah in Somaliland loo aqoonsado dal madax bannaan. Waxa aanu rumaysanahay in aqoonsi caalami ay ahayd in aanu mar hore helno oo ah kii noo furayay caawimo siyaado ah, ganacsi iyo maalgashi toos ah, illaalinta ammaanka, nolosha iyo kobcinta dhaqaalaha dadkayga.

21. Gooni isu-taagu maaha amar dusha ka yimid ee wuxuu ku yimid rabitaanka shacbiga uu ku doonayo inuu helo xuquuqda ay u leeyihiin sharciga ah caalamiga ah, isla markaana ay helaan madax banaani buuxda sida Kosovo, East Timor iyo meelo kale oo badan. Markay Somalialnd xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 1960-kii, waxay xornimo ka heshay in ka badan 35 wadan ka hor intii aanay midnimada bilaa shuruudda ah la gelin Somaliya isla sannadkaas.

22. Burburkii midowgaas iyo dib ula soo noqoshadii xornimadeeda kuwaad labaatan sannadood ka hor kumay salaysnayn dhul-ballaadhsi ee xuduudeedu wuxuu la mid yahay kii 1960-kii. Gaar ahaan sidani waxa ay waafaqsan tahay mabaadi’da ururka Midowga Afrika ee tiraabaya inay xuduuduhu ahaadaan sidii uu gumaysigu kaga tegay 1960-kii. Waxa kale oo aanu ka dhursugaynaa wixii ka soo baxa Aftida laga qabanayo Koonfurta Sudan bilowga sannadka cusub.

G. Xaaladda Somaliya.

23. Marka laga reebo muqadasnimada xornimada Somaliland ee aan gorgortan ku jirin, haddana Somaliland cuqdad uma hayso jaarkeeda Somaliya, waayo cidna dan uma aha colaadaha Somaliya oo sii kordhaa, waxaanu u rajaynaynaa maamulka madaxweyne Shariif iyo ciddii kale ee ay khusaysaba ee wadankaas joogta in ay ku guulaystaan soo afjaridda dhibaatada dadkooda.

24. Isla markaa, aragtida xukuumaddaydu waxay si qoto dheer uga murugaysan tahay rabshadaha sii socda iyo xasilooni darrida ka jirta Somaliya, waxa ay khatar toos ah ku tahay Somaliland, mandaqadda Geeska iyo dhamaan caalamka. Falalkii dhowaa ee argagixiso, ee ay ka mid ahayd Kampala wakhtigii koobka adduunka, waxay si cad u muujinaysaa baahida loo qabo iskaashi caalami ah oo arrimaha ammaanka ah.

25. Budhcad badeeda u isticmaalaysa Somaliya saldhigyo ay fuliyaan budhcadnimo – Cawaaqibkii burburkii dawladdii dhexe Somaliya wuxuu noqday mid saamayn ku yeesha badaha caalamka oo dhan. Waxaan ku faraxsanahay sida ay ku dhamaatay soo dayntii lamaanihii Chandler ee afduubka loo haystay in ka badan sannad. Dhinacayaga, waxa aanu ku guulaysanay in aanay ka hirgelin budhcad badeednimo agagagaarka xeebahayaga, waxa aanu qaadnay tallaabooyin adag si aanu uga hornimaadno khatarahaas. Waxa aanu sii wadi doonaa inta awooddayada ah in aanu illaalino marinada mandaqaddayada, lana kaashanayna beesha caalamka waxaanu u baahano.

26. Baadi goobka nabad-gelyada la la’yahay ee Somaliya waa muhiim. Inkasta oo ay bulshada caalamku ay ku kharash garaysay khayraad, wakhti iyo dedaal si xal loogu helo qalalaasaha Somaliya, haddana waxa dedaaladaa carqalad ku ahaa iyadoo badidooda dibedda laga waday. Halka arrinka Somaliland uu ahaa mid ka soo unkamay gunta, iyada oo la isticmaalayo habka ugu wanaagsan ee dhaqanka si xal loogu helo khilaafka oo ay saldhig u tahay wada hadal iyo nabad. May ahayn mid hawlyari iyo tacab la’aan ku yimid, laakiin waxa aanu rumaysanahay in dariiqadaas oo kale loo isticmaali karo Somaliya si xal loogu helo.

H. Is-dhexgalka Gobolka.

27. Somaliland maaha jasiirad: Haddii ay noqoto wanaag iyo haddii ay noqoto xumaan Somaliland saamayn bay ku yeelanaysaa waxyaabaha ka socda wadamada deriska. Way ka fogtahay in aanu dhabarka u jeedino dalalka aanu deriska nahay, xukuumaddaydu waxay rabtaa inay hagaajiso wax la qabsigooda iyo ururada gobolka sida IGAD iyo AU, si aanu u xaqiijino in Somaliland codkooda la maqlo, lana dhiirigeliyo danaheeda iyo amniga dadkeeda iyo ta deriskuba ay damaanad qaadmaan.

28. Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya waxay qayb muhiim ah ka yihiin gobolka. Isku xidid baanu nahay, waxa aanu rabnaa in aanu xidhiidh dhow la yeelano Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo hay’adooda iyo Ururka Jaamacadda Carabta. Waxa kale oo aanu rajaynaynaa in aanu xidhiidh adag gooni gooni ula yeelano qaadhaan-bixiyeyaasha, mana yaraysanayno Maraykanka oo dhawaan ku dhawaaqay siyaasaddiisa labada dhinac oo tusinaysa inay si toos ah u kordhinaysa caawimada iyo iskaashiga Somaliland. Ana waxa aan si gaar ah u soo dhawaynayaa tallaaban togan taas oo la tallaabsanaysa xaqiiqada dhabta ah.

I. Xidhiidhka Boqortooyada Ingiriiska

29. Inta aanan gunaanadin waxa aan rabaa inaan ku celceliyo xidhiidhka adag ee ka dhexeeya boqortooyada Ingiriiska iyo Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa aanu sii wadi doonaa in aanu ka filo boqortooyada Britain in ay hormood ka noqoto arrinta Somaliland, oo ay ku jirto in ay taageerto codsigayaga in aanu si rasmi ah uga mid noqono ururada caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay.

30. Waxa aaan rabaa inaan uga mahad celiyo xukuumadda iyo shacabka Ingiriiska taageerada binu-aadanimo iyo horumarineed, taas oo ay si deeqsinimo leh noo siiyaan xilliyada adag, iyo soo dhawaynta iyo hoyga ay u fidiyeen mushtamaca Somaliland ee halkan. Anaga oo haysana taageerada iyo caawimada xukuumadda Ingiriiska oo ay ka mid tahay dhinaca iskaashiga amniga iyo maalgelinta dhaqaale, waxa aanu sii wadaynaa in aanu qaadno tallaabooyin dhaadheer oo togan oo ah horumarinta dalkayaga, oo aanu abuurno xaaladihii ay dib ugu soo laaban kari lahaayeen dadkii caalamka ku baro baxay ee doonaya inay iskood ugu soo laabtaan nabadgelyo iyo sharaf.

j) Gunaanad

31. Isku soo xooriyoo, Somaliland waxay gaadhay dimuquraadiyad, nabad iyo xasilooni ay badankeeda ku keensatay dedaalkeeda oo kaliya. Inkastoo aanu nahay maamul cusub, haddana inta badan waanu ka soo baxnay inta badan ballanqaadkayagii boqolka maalmood ee u horreeyay, anaga kaashanayna dadkayaga, waxa aanu ku dedaalay in aanu u gudubno heer labaad, kuna dhisno dawladda aasaaska ku dhaqanka sharciga, mabaadi’da dimuquraadiyadda iyo maamul wanaagga. Anaga oo haysa caawimada bulshada caalamka iyo taageerada dalalka aanu wadaagno gobolka, waxa aan ku kalsoonahay inay Somaliland ay buuxin doonto.”

Somaliland.org
Hargeysa