Golaha Wakiilada Somaliland oo Mushaharkii Korodhsaday

Golaha Wakiilada Somaliland oo Mushaharkii Korodhsaday
Hargeysa (Somaliland.org)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay go’aan ay musharooyinka ku kordhisteen, ka dib markii ay ansixiyeen Xeerka kala xadaynta Mushaharooyinka madaxda qaranka iyo Goleyaasha baarlamaanka5, xeerkaasi oo jidayna inay mushaharka loo kordhiyo aqalkaasi,

Fadhigii maanta ee golahaasi oo ay ka soo xaadireen 53 Mudane, waxa Guddoominayay Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku Xigeenka labaad Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa ogolaaday meel marinta xeerkan 47 Mudane, 4 Xildhibaan ayaa diiday, 1 Mudane ayaa ka aamusay. Guddoomiyuhuna muu codayn.
Somailand.org
Hargeysa

.

Mushaharka Madaxweynaha ee bishiiba waa SL SH..45,500.000
Gunada xilka madaxweynuhu waxay bishiiba noqonaysaa SL Sh.22,750,000
Wadarta gunada iyo mushaharka madaxweynaha bishiiba waa 68,250,000

Mushaharka Madaxweyne Ku Xigeenku bishiiba wuxuu noqonayaa SL Sh. 32,500,000.
Gunada xilka Madaxweyne Ku Xigeenku waa SL Sh. 16,250,000
Wadarta Mushaharka iyo gunada Madaxweyne Ku Xigeenku waa SL Sh. 48,750,000.
Mushaharka Mudaneyaasha Golaha Wakiilada waxa mid kastaaba bishii uu noqonayaa
Sl Sh. 8,125,000.

waxa Aqalka Wakiiladdu ay meel mariyeen qaraar ay xukuumadda ugu soo jeediyeen inay mushaharka u kordhiso shaqaalaha dawlada iyo Ciidamada qalabka sida isla markaana mudnaanta koowaad ee miisaaniyad sanadeedka 2011-na iyaga la siiyo.

Soo jeedintaasi oo ka koobnayd sadex qodob waxay u dhignayd sidan:- “Golaha Wakiiladdu isagoo ka duulaya dastuurka JSL Qodobadiisa 20-aad, 38-aad iyo 53-aad.

Isagoo cuskanaya, Xeer Hoosaada Golaha Wakiilada Qodobadiisa 3-aad, 37-aad.

Isagoo daba jooga, Mooshinkii ujeedadiisu ahayd daryeelka iyo mushahar kordhinta shaqaalaha dawlada iyo Ciidamada qalabka sida ee taariikhdiisu ahayd 27/10/2010 oo ay soo jeediyeen 28 Xildhibaan iyo balan qaadkii Wasiirka Maaliyada oo ahaa inuu Golaha Horkeeni dooni 15-ka November 2010 u kordhinta mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidamada.

Golaha Wakiiladdu, isagoo garowsan inay waajib tahay daryeelka shaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida xaqna ay u leeyihiin inay helaan wax u dhigma shaqada ay hayaan.

Wuxuu xukuumadda u soo jeedinayaa :-

1- Inay meel mariso oo ay si dhakhso ah u caddayso kordhintii mushaharooyinka shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sida ee JAMHUURIYADA SOMALILAND.
2- In Wasiirka Maaliyaddu fuliyo balan qaadkiisii Golaha Wakiilada hortooda uu ku balan qaaday.
3- Golaha Wakiiladu wuxuu garowsan yahay in Mudnaanta koowaad ee Miisaaniyad sanadeedka 2011-ka ay leeyihiin shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sida ee JAMHUURIYADA SOMALILAND.”

Soo jeedintaasi waxa ogolaaday 52 Mudane, cid diiday iyo cid ka aamustay midna muu jirin Guddoomiyuhuna muu codayn.