“Cawiloow Ceebta Iska Maydh Oo Ogolow Inaad Hortagto Ha’yadaha Baadhista Hantida Qaranka” UDUB

Hargeysa (Somaliland.org)-Guddoomiyaha Siyaasada Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Cumar Jaamac Faarax, ayaa u soo jeediyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) inuu aqbalo in baadhitaan lagu sameeyo musuq-maasuq la sheegay inuu galay xilligii uu Wasiirka Maaliyada ka ahaa xukuumaddii Rayaale ee laga adkaatay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii Juun ee la soo dhaafay.
Cumar Jaamac wuxuu sidaa ku sheegay warsaxaafadeed uu caawa soo saaray, waxaanu u dhignaa sidan:
Sidaasna waxa uu guddoomiyuhu ku sheegay warsaxaafadeed kooban oo uu maanta soo saaray waxaanu u qoraa sidan:
“Waxa dhaqanka siyaasada ah in marka nin masuul ah lagu eedeeyo inuu musuqmaasuq galo inuu iska casilo xilka uu ummadda u hayo si uu isaga maydho ceebta, una hor-tago hay’adaha baadhitaanka haddaanu waxba lunsan. Waxa jirta inay soo baxayeen in Wasiirkii hore ee Maaliyada lagu tuhunsan yahay inuu lunsaday hanti badan mudadii uu xilka hayey taasoo keentay inaan lagala wareegin deyn fara badan oo faraqa uga buuxday. Hadda oo aanu xil hayn waxa haboon in Cawil hortago hay’adaha baadhitaanka si uu ceebta isaga maydho una xaqiijiyo shacabka inaanu lunsan wax hanti qaran ah.
Ma aha haddii lagu tuhmo inaad qabiil dabada la gasho oo tidhaa reernimo ayaa la igu eryanayaa, waxa haboon inay dhaqan inoo noqoto qof kasta oo lunsada hanti qaran in la hor keeni karo sharciga. Ma lihi Cawil waa danbiile oo lama odhan karo qofna waa danbiile ilaa maxkamadi ku caddayso.
Cawil wuxuu horseed ka ahaa guuldaradii la soo deristay Xisbiga UDUB waqtigii doorashada sida ay noo caddaysay baadhitaan aanu ku samaynay guul daradii xisbiga ee doorashadaii 26 June 2010. Ta kale Cawil wuxuu hadda kor u dhaafay 80 jir waxayna tahay waqtigii uu siyaasada ka bixi lahaa una bannayn lahaa jiilka cusub si ay ula wareegaan siyaasada, isagoo kor u dhaafay waqtigii hawl gabka.
Sida aan dareensan ahay Cawil waxa damac ka hayaa inuu hantiyo hoggaanka sare ee Xisbiga UDUB, waxan filayaa inay ceeb ku tahay Xisbiga inuu safka soo mariyo ragii shalay guul darada u horseeday in loo ogolaado inay hogaanka qabtaan, taas oo muujin karta inaan Xisbigu dan ka lahayn doorasho danbe inuu ku guuleysto. Sidaa darteed Cawilow Ceebta iska maydh oo ogolow hay’adaha sharcigu inay ku baadhaan oo weliba adigu si daacadnimo ku jirto u hortag si aad dadka ugu xaqiijiso inaadan lunsan wax hanti qaran. Waxaan doonayaa inay noqoto dood furan oo qof weliba ka dhiibto ra’yigiisa.”