Wefti Ka Socda Xukuumada Oo Gaadhay Degmada Qori-lugud Iyo Raashin Ay U Qeybiyeen Qoysas Dan Yar ah

Qori-lugud (Somaliland.Org)- Wefti culus oo ka socda xukuumada Somaliland oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Gaashaan –dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami, ayaa maanta gaadhay magaalada Qori-lugud, halkaasi oo ay u qeybiyeen dadweynaha raashin kala duwan oo ay ugu deeqday dawlada Somaliland.
Weftigan waxa xubno ka ah Wasiiradda Hawlaha Guud, Warfaafinta, Cadaalada iyo La Taliyeyaasha Madaxweynaha Somaliland, kuwaasi oo ka mid ah ergadii xukuumada ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynuhu uu u magacaabay xal u helida shaqaaqadaasi.

Dadweynaha dan yarta ah ee ku dhaqan degmada Qori-lugud ayaa soo dhaweeyay raashinkan loogu deeqay oo isugu jiray Bariis, Saliid iyo Sonkor.

Sidoo kale shirkii u horreeyay ee la isku soo hor fadhiisinayay waxgaradka labadan beelood ayaa sheegay inuu maanta dib u dhacay in kasta oo aan war rasmi ah laga soo saarin asbaabaha dib u dhaca shirka sababay, waxase la sheegay inuu maalinta bari si rasmi ah u furmi doono.

Shaqaaqada Kalshaalle ayaa sababtay khasaaraha dhimashada in ka badan todoba qof, halka tobaneeye kalena ku dhaawacmeen. Waxaana labada beelood ee ood-wadaagta ahi ay isku hayaan muran baraago iyo deegaanka salka ku haya oo soo jiitamayay muddo sanado ah.

Somaliland.Org
Hargeysa