M/Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo lagu Kordhiyay Wasaarada Caafimaadka

Hargeysa (SomalilandOrg)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu soo kordhiyay Wasaarada Caafimaadka.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi “ILAAHAY baa mahad leh waxa maanta ii farxad ah inaan xadhiga ka jarno dhismahan quruxda badan leh ee ay fulisay Ha’yada UNICEF, waxaanan u mahad naqaynaa Ha’yadaasi iyo gabadha madaxda u ah Hayadaasi. Runtii UNICEF hawsha ay Somaliland u haysaa waa mid laf dhabar ah mudadii ay Somaliland jirtay waxyaabaha ugu mihiimsan ee ay ka shaqaysaa uu yahay caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada. Waxa laga yaabaa inaanay in badan dadweynuhu dareemin waxqabadka Ha’yadaha. Waxaan leeyahay waxqabadkiinii wuu muuqdaayeye’ halkaasi ka sii wada oo waliba waxaanu idinka quudaraynaynaa inaad sii laban laabtaan.oo aad meesha ka saartaan mashaariicdii horumarinta oo aad noo hirgelisaan mashaariic waaweyn oo waxtar leh.”

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Md. Xuseen Muxumed Maxamed, oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay Ha’yada UNICEF oo wasaaradiisa kala shaqaysa horumarinta adeegyada bulshada waxaanu xusay inay dawooyinka siiso 80 MCH ooo ku yaala gobolada dalka oo dhan waxaanu yidhi “Aad ayanu ugu faraxsan nahay dhismahan cusub ee wasaarada caafimaadka lagu soo kordhiyay. Waxaan halkan ka sheegayaa in Ha’yada UNICEF ay tahay laf-dhabarta wasaarada Caafimaadka waxaanay dawada siisaa 80 MCH iyo 160 goobo caafimaad. Waxay nala qabataa Talaalka oo ay keento Talaagadaha qaboojiyeyaasha ah iyo kharashka talaal fidintaba.waxa kale oo ay wax weyn ka tartaa mashaariic wax lagaga qabanayo nafaqaynta carruurta.”

Waxa kale oo uu Wasiirku si qoto dheer uga waramay adeegyada kale ee ay iska kaashadaan Ha’yada UNICEF.

Waxa kale oo ka hadlay xafladaasi madaxa Ha’yada UNICEF ee Somaliland/Somalia oo sheegtay inay go’an tahay inay sii wado wada shaqaynta ay la leeyihiin wasaarada Caafimaadka.

Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Maroodi jeex Md. Axmed Cumar X. Cabdilaahi.

Xafladaasi waxa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha, dhalinyarada iyo Dhaqanka Somaliland Maxamed Ibraahim Madar, Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qowdhan iyo saraakiil sar sare oo ka socotay Ha’yadaha caalamiga ah ee dalka ku sugan.
Somaliland.Org
Hargeysa