AKHRI WARARKII WARGEYSKA DAWAN CADADKII SABTIDII MAANTA

Guddoomiyaha Wajaale oo Gaashaankana ku Dhuftay Qoraalo ay u Qoreen W/Daakhilaga iyo Badhasaabka Gabiley

“Wuxuu Diiday in uu dib ugu celiyo shaqadoodii shaqaale uu sharci darro ku eryay”

Wajaale (Somaliland.org)- Guddoomiyaha degmada Wajaale ee gobolka Gabiley, Xaashi Maxamuud Cabdi, ayaa gaashaanka ku dhuftay wareegtooyin ay u qoreen wasaaradda arrimaha gudaha iyo badhasaabka gobolka Gabiley, kuwaasi oo lagu amrayay in uu dib shaqada ugu celiyo 7 ka mid ah shaqaalaha Dawlada Hoose ee Wajaale oo uu sifo sharci darro ah shaqada uga caydhiyay.
Guddoomiyuhu waxa uu shaqadii ka eryay saddex iyo afartan shaqaale ah, ka dib markii uu sheegay in la dhimay shaqaalihii Dawlada Hoose ee shaqaalaha dalka oo dhan.
7 ka mid ah shaqaalahaasi la eryay oo cabashooyin u qortay wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa wasaaraddu qoraal ay soo saartay ku amartay badhasaabka gobolka Gabiley in lagu celiyo shaqaalahaasi shaqooyinkoodii, ka dibna waxa guddoomiyaha Wajaale uu diiday amaradaasi.
Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qoraal cabasho ah oo ay soo saareen shaqaalaaasi sharci darrada lagu eryay, kaasi oo u qoraa sida:
“Anaga oo ah shaqaalaha dawlada hoose ee degmada Togwajaale una shaqaynaynay dawalada hoose muddo 17 sanno ah ayaa lanaga fadhiisiyey shaqadii anaga oo dhan 43 shaqaale
oo aan shaqadana ka fadhinay muddo 2 bilood ah taasi oo lana soo hor dhigay waraaq shaqo dhimis ah oo ka socota badhasaabka gobolka Gabilay taasi oo sheegaysa in shaqaalaha jamhuuriyada Somaliland shaqo dhimis lagu sameeyey taasi oo markii aanu tagnay wasaarada arrimaha gudaha ay noo xaqiijisay in aan wax shaqaale ah la eryaynin oo ay na soo siisay waraaq ku socota badhasaabka oo shaqo ku celin ah badhasaabkuna uu noo soo qoray waraaq ku socota gudoomiyaha dagmada Togwajaale oo uu ku farayo in shaqada lagu celiyo shaqaalaha taasi oo uu gudoomiyuhu waraaqdii naga diiday markii aanu badhasaabkii ku noqonay badhasaabkiina uu na meermeeriyey waxaana uu nagu yidhi wax shaqo ah oo la idiin hayaa ma jirto sidaasi awgeed anaga oo ah shaqaalihiii shaqada laga eryey waxaanu ka codsanaynaa wasaarada arimaha gudaha in shaqadii la nagu celiyo taas waxaa noo dheer in lanagu yidhi xisbigii talada lagaga guulaystay ayaa idin qoray markaa sidaa daraadeed lana dafiray mushahar aanu ku lahayn dawladii hore oo dhan muddo 6 bilood ah oo uu badhasaabku nagu yidhi wax mushahar ah oo aad sheeganaysaan ma jirto oo aad leedihiin markaa waxaanu ka codsanaynaa wasaarada arimaha gudaha in arinta ka taagan dagmada Togwajaale si dagdag ah wax uga qabato taasi oo ay ku koobantahay shaqo dhimista dawlada hoose ee dagmada Togwajaale oo kali ah waxa kale oo wali shaqaynaya shaqaalihii dawlada hoose ee deegaanada kale halka laga eryey shaqaalihii deegaanka Togwajaale madaxda sharfta leh waxaan ka codsanaynaa mar labaad in arintaa si dagdag ah wax uga qabtaan ee ku kooban magaalada Togwajaale.”
Dhinaca kale waxa aanu halkan idiin ku soo gudbinaynaa qoraaladii ay guddoomiyaha u qoreen wasaaradda arrimaha gudaha iyo badhasaabka gobolka Gabiley, kuwaasi oo u qoraa sida ku qoraalkan:


Badhasaabka Awdal oo ka Hadlay Deked laga Yagleelayo Lug-haya

Boorame (Somaliland.org)- Badhasaabka gobolka Awdal, Maxamed Daahir Cabdalla, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay deked la sheegay in siyaasiyiin iyo qurbo joog reer Awdal ay ka yagleelayaan magaalada Lug-haya ee gobolka Awdal.
Badhasaabka oo aanu xalaya khadka telefoonka ugu waramayay wargeyska Dawan, ayaa xaqiijiyay jiritaanka abaabulka dekedaasi, waxaanu yidhi “Waxa jirta in muddo badan aanu canaanaynayn qurbojooga reer Awdal oo aanu ku dhaliilaynay in aanay ka qayb qaadan horumarinta gobolkooda, canaantaasi ka dib waxay qaar ka mid ah qurbajoogaas waxay noo sheegay in ay magaalada Lughaya ka dhisaan deked. Dekedan la sheegayaa abaabulkeedii ayay ku gudda jiraan qurba joogu dawladda Somaliland iyo maamulka gobolkuna talaabo talaabo ayay ula socdaan oo way ka war hayaan, dawladduna waxbay ku dari doontaa oo dhismaha dekedaasi, kaalin wax ku ool ah ayay ka gaysan doontaa.
Haddii dedekadani hirgasho waxay noqon doontaa mid qaran oo dawladdu gacantu ku hayso, mase aha deked uu yeelanayo gobol ama degmo gaar ahi.”
Badhasaabku wuxuu sheegay in meelo ka mid ah xeebta degmadda Lug-haya uu ka soo deggo shiidaal, xukuumadda Somaliland-na cashuurto, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Immikaba shiidaal ayaa ka soo dega Lug-haya, kastamadii cashuuraha dawladduna way joogaan oo ay cashuuraan shidaalka soo dega, halkaasi way u baahan tahay meel yar oo dadku wax kala soo dego in laga hirgeliyo.”
Maxamed Daahir Cabdalla oo aanu weynaynay waxyaabaha u qabsoomay maamulka gobolka Awdal wuxuu sheegay in ay dardar geliyeen dhismaha wadada u dhaxaysa Boorame iyo Awdal, waxaanu tilmaamay in 9 km ay dhammaadeen, halka xukuumadda Somaliland-na ay bilawday 4 km oo ka mid ah jidkaasi oo dhererkiisu yahay 33 km.
Badhasaabka oo ka jawaabayay sida xoriyatul qawlku uga jiro gobolkaasi oo dadka si sharci darro ah la iskaga xidhxidhi jiray, wuxuu sheegay in meesha laga saaray guddidii nabadgelayada ee gobolka isla markaana la sii daayay cidii u xidhnayd xukunkii guddida nabadgelyada.
“Gobolkani wuxuu dhinac walba kala mid yahay gobolada kale ee Somaliland, weliba xagga Somalilan-nimada gobollada badan ayaanu ka horaynaa,” ayuu yidhi badhasaabku.
Maxamed Daahir Cabdalle waxa uu sheegay in degmada Lughaya la geeyay dawooyinka lagu caadimaadiyo xoolaha ka dib markii laga soo sheegay in cudur lagu arkay geella deegaankaasi.
Badhasaabku wuxuu ku adkaystay in wada shaqaynta leemaha dawlada ee gobolka Awdal ay wanaagsan yihiin, isla markaana wada shaqayn isku xidhan oo joogta ahi ay ka dhaxayso.

Wada Hadaladii u Horeeyay ee Nabadaynta Shaqaaqadii Kal-shaale oo Maanta ka Furmaysa Maygaagle

Kal-shaale (Somaliland.org)- Waxa maanta in ay tuullada Maygaagle oo u dhaxaysa Buuhoodle iyo Qori-lugud ay ka furmaan wadahadaladii la isku soo horfadhiisinayay beelaha ood-wadaagta ah ee dhawaan shaqaaqadu ku dhex martay meesha la yidhaahdo Kal-shaale oo u dhaxaysay Buuhoodle iyo Qori-lugud.
Shirkan nabadaynta beelaha ee maanta furmaya, ayaa waxa ka qayb galaya boqolaal qof oo ergo ah, kuwaasi oo ka kala yimid deegaanada Somaliland oo dhan, Puntland iyo meelo ka mid ah Kilalka Shanaad ee dalka Itoobiya.
Shirkan ayaa waxa maamulaya Salaadiinta Somaliland iyo xubno ka mid ah golaha guurtida Somaliland, waxana la sheegay in shirkan lagu dhaarin doono wax garadka labada beelood ee shaqaaqadu ka dhex dhacday.
Warar ka ka imanaya deegaankaasi waxay sheegay in ergada ka qaybgalays kulamada nabadaynta labadaasi beelood ay sii kordhayaan, kuwaasi oo weli ku sii qulqulaya deegaankaasi Maygaagle.
Shaqaaqada oo ka dhalatay muran dhinaca deegaanka ah, ayaa sababtay dhimashada 7 qof, halka ay ku dhaawacmeen toboneeyo kalena.


Madaxweynaha Somaliland Oo Khubad Ka Jeediyay Mac-hadka Caalamiga Ah ee Chatham House

London (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa beesha caalamka ka dalbaday inay aqoonsadaan Qaranimada Somaliland, oo uu sheegay inay istaahisho aqoonsi caalami ah.
Madaxweynaha Somaliland iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayo oo maalmihii la soo dhaafay socdaal ku jooga dalka Ingiriiska, wuxuu sidaasi ka sheegay shalay xarunta Mac-hadka dimuqraariyada Ingiriiska ee Chatham House ee magaalada London, waxa kale oo uu ku booriyay inay maal gashi ku sameeyaan Somaliland.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu kaga xog waramay khudbad uu ka jeediyay machadkaasi xaalada nabadgelyo, siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Somaliland iyo doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland oo xalay u waramayay laanta afsoomaaliga ee Idaacada VOA wuxuu ka hadlay socdaalkiisa wadanka Britain iyo kulamadii uu la yeeshay madaxda dalkaasi waxaanu yidhi “Dalkan si aad iyo aad ah ayaa naloogu soo dhaweeyay dawlada Ingiriiska ayaa noogu soo dhawaysay dawlada ayaanu masuuliyiin ka aragnay. Baarlamaanka ayaanu cid ka aragnay. Bulshadii reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa iyaguna na soo dhaweeyay. Markaa si aad iyo aad u wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyay.”
Madaxweynaha oo la weydiiyay inuu ku faraxsan yahay labadaasi booqasho ee uu ku soo maray wadamada Jabuuti iyo Itoobiya wuxuu yidhi “Labaduba waxay noogu dhaceen si wacan, waayo labada wadanba waa kuwa marka horeba noogu dhawaa dabcan waxay notay inaanu socdaaladayada ka bilowno labadaasi dal oo ah kuwa noogu dhow. Jabuuti ayaan socdaalkayga kaga bilaabay si aad iyo aad ah oo aan hore loo arag ayay noo soo dhaweeyeen si wanaagsanna waanu isku afgaranay.”
“Jabuuti marka horeba xidhiidhka ay la leedahay Somaliland aad iyo aad ayuu u wanaagsanaa oo muu xumayn, imikana intii ayuu ka sii dhowaaday. Jabuuti wax badan baanu ka baran karnaa, wax badan baanu is waydaarsan karnaa. Wax badan baanu isku darsan karnaa. Jabuuti Somaliland waxaanu ka doonaynaa in qadiyada aanu ka rabno IGAD iyo adduunka oo dhanba inay nagala shaqayso. Itoobiyana waxaanu ka wada hadalnay dekadayada oo ay isticmaalaan iyo Ganacsiga oo la sii xoojiyo iyo masaalix faro badan oo ka dhaxeeya labada wadan ayaanu ka wada hadalnay,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo oo la weydiiyay sida uu u arko hadal ka soo yeedhay Raysal Wasaare Ku Xigeenka Itoobiya oo sheegay inay suurto gal tahay inay aqoonsadaan Somaliland wuxuu yidhi “Aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa oo aanu jecel nahay inay na aqoonsadaan. Muftaax aad u wanaagsan ayay noo noqonaysaa.
Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay in dad badani u arkaan waxqabadkoodii ay fuliyeen boqolkii cisho ee u horreeyay xil haynta xukuumadiisa ay ahayd dhamaystirkii mashaariicdii xukuumadii hore waxaanu yidhi “Mashaariicdii aanu bilownay ee aanu dhamaynay wax ay ku luglahayd dawladii hore ma jirto, mashaariicdaasi waa mashaariic aanu fulinay. Waa mashaariic aanu balan qaaday xiligii aanu ahayn xisbiga mucaaridka ah inaanu qaban doono. Mashaariic faro badan oo si wanaagsan noogu socdaa way jiraan oo meel wanaagsan noo maraya, cid kastaaba ha bilowdee wixii aanu soo kordhinaaaba waa wax ummadda iyo dalka anfacaya.”
Md. Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay sababta ay u eryeen shaqaale taageeri jiray xukuumadii hore oo mucaaridku ku dhaliilaan xukuumadiisa wuxuu yidhi “Waxaasi waa iska kaftan waxba kama jiraan arrintaasi, dad shaqadoodii ka soo bixi waayay mooyaane’e, dad kale ma aanu eryin. Qofku marka uu shaqaale yahayna wuxuu ka shaqaynaa Civil Servent (Adeege bulsho). Dadka xuquuqdoodiina waanu ilaalinaa. Anagu dadka siyaasiyan ulamaanu isticmaalin. Shacbigu waa shacbigayagii dadkuna waa dadkayagii. Xukuumadduna waxay u shaqaynaysaa dalka iyo dadka.”

Weedha Wargeyska
Maxaa ka soo Bixi kara Socdaalada Dublomaasiyadeed?

Socdaallada dublomaasiyadeed ee ku foogan Somaliland, ayaa kordhay tan iyo intii isbeddelka siyaasadeed ka dhacay Somaliland ee xukuumadda cusubi majaraha u qabatay hoggaanka dalka.
Socdaalladaasi ayaa isugu jiray kuwo madaxda Somaliland ugu baxayeen dibadda iyo kuwo wufuud culus oo danaynaya Somaliland ku yimaadeen dalka, waxaana loo arkaa in ay ka dhasheen habkii dimoqraadiga ahaa ee doorashadii u qabsoontay iyo toobiyaha xukuumadda cusubi u jeexday siyaasadda ay dalka ku hagayso.
Marka aynu soo qaadano socdaalada masuuliyiinta Somaliland ku tageen dibadaha, waxa ka mid ah socdaalka wakhtigan madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisu ku marayaan boqortooyada Ingiriiska iyo kii uu uga sii gudbay Ingiriiska ee Itoobiya.
Waxaana ka sii horreeyay socdaalkii ibo-furka ahaa ee madaxweynuhu ku tegay Jabuuti, kaasi oo milgihii dublomaasi ee ugu sarreeyay uu ku qaabiley madaxweynaha Jabuuuti.
Waxa intaasi dheeraa socdaalladii wasiirka arrimaha dibaddu ku gaalaabixinayay dibadaha, kuwaasi oo isugu jiray socdaallo uu dhidibada ugu sii taagayay doblamiyaasiyada cusub iyo kuwo uu ugu sii gogol xaadhayay socdaallada madaxweynaha.
Socdaalladan dublomaasiyadeed waxa ay muujiyeen sida ay isu beddeshay meeqaamkii siyaasadeed ee Somaliland iyo sida caalamku inoola dhaqmayo oo halkii awal meelo kale la inoo soo mari jiray ay dalal badan xaqiijiyeen in ay hadda iyo wixii ka dambeeya ay si toos ah ula macaamilayaan Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa kale oo ay daaha ka rogeen in heerkii soo dhaweynta kor loo qaaday, lana gaadhsiiyay heerka madaxda caalamka loo qaabilo sida socdaalkii Jabuuti iyo kii Itoobiya.
Dadka qaar oo u arkayay in madaxweynuhu socdaalkiisa u horreeya ka bilaabo meel kale, waxa ay ku noqotay amakaag markii ay ku hambabareen sidii yaabka lahayd ee loogu soo dhaweeyay Jabuuti.
Hase yeeshee kuwa qabay in laga bilaabo Jabuuti oo aan dhaqan iyo dhiigba wadaagno waa ay ku diirsadeen.
Sidoo kale, socdaalka wakhtigan ee madaxweynaha ee UK, ayaa isna noqday mid tilmaaman oo sida ay wararka ku dhadhawi xusayaan ay dawladda Ingiriisku ku aqbashay in ay si toos ah ula macaamisho Somaliland.
Dhinaca kale, marka aynnu eegno muddadii ay xilka haysay xukuumadda cusubi, waxa dalka yimi wufuud miisaan leh, waxaana ka mid ahaa wefdigii Denmark ee heerka wasiir ahaa, kaasi oo xukuumadda soo gaadhsiiyay gacantii u horaysay ee dhaqaale ee si toos ah loogu fidiyo dawladda muddadii Somaliland jirtay.
Waxa kale oo dalka yimi wufuud dawli ah iyo kuwo Qaramada Midoobay ka socda, waxa xusid mudan in dawladda Maraykanku iyana shaacisay in ay si toos ula macaamilayso Somaliland.
Inkasta oo xilligii dawladdii hore ay jireen socdaallo tiro badnaa, haddana marna ma gaadhsiisnayn heerka ay maanta gaadheen. Waxaa hubaal ah in socdaallada wakhtigani yihiin kuwo la taaban karo oo huwan milgo siyaasadeed iyo in ay badka keeni karaan sida ay lama huraan u tahay in la aqbalo xaqiiqada ka jirta Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee arrimahani waxa ay muujinayaan isbeddelada siyaasiga ah iyo sida maanta caalamku ugu heelan yahay wax la qabashada Somaliland, taasi oo ay lagama maarmaan tahay in aynu ka faa’iidaysano fursadan qaaliga ah ee inala soo jaartay.

Wargeyska Madaxa Banaan ee DAWAN
dawannews@yahoo.com