Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ka hadlay Socdaalkiisan Ingiriiska

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ka hadlay Socdaalkiisan Ingiriiska
Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay socdaalkiisa wadanka Ingiriiska iyo masuuliyiintii uu la kulmay.
Madaxweynaha Somaliland oo maanta saxaafada u waramayay Laanta Af-soomaaliga ee VOA-da wuxuu tafaasiil ka bixiyay Booqashada weftigiisa waxaanu yidhi “Dalkan si aad iyo aad ah ayaa naloogu soo dhaweeyay dawlada Ingiriiska ayaa noogu soo dhawaysay dawlada ayaanu masuuliyiin ka aragnay. Baarlamaanka ayaanu cid ka aragnay. Bulshadii reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa iyaguna na soo dhaweeyay. Markaa si aad iyo aad u wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyay.”

Madaxweynaha oo la weydiiyay inuu ku faraxsan yahay labadaasi booqasho ee uu ku soo maray wadamada Jabuuti iyo Itoobiya wuxuu yidhi “Labaduba waxay noogu dhaceen si wacan, waayo labada wadanba waa kuwa marka horeba noogu dhawaa dabcan waxay notay inaanu socdaaladayada ka bilowno labadaasi dal oo ah kuwa noogu dhow. Jabuuti ayaan socdaalkayga kaga bilaabay si aad iyo aad ah oo aan hore loo arag ayay noo soo dhaweeyeen si wanaagsanna waanu isku afgaranay.”
“Jabuuti marka horeba xidhiidhka ay la leedahay Somaliland aad iyo aad ayuu u wanaagsanaa oo muu xumayn, imikana intii ayuu ka sii dhowaaday. Jabuuti wax badan baanu ka baran karnaa, wax badan baanu is waydaarsan karnaa. Wax badan baanu isku darsan karnaa. Jabuuti Somaliland waxaanu ka doonaynaa in qadiyada aanu ka rabno IGAD iyo adduunka oo dhanba inay nagala shaqayso. Itoobiyana waxaanu ka wada hadalnay dekadayada oo ay isticmaalaan iyo Ganacsiga oo la sii xoojiyo iyo masaalix faro badan oo ka dhaxeeya labada wadan ayaanu ka wada hadalnay,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo oo la weydiiyay sida uu u arko hadal ka soo yeedhay Raysal Wasaare Ku Xigeenka Itoobiya oo sheegay inay suurto gal tahay inay aqoonsadaan Somaliland wuxuu yidhi “Aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa oo aanu jecel nahay inay na aqoonsadaan. Muftaax aad u wanaagsan ayay noo noqonaysaa.

Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay in dad badani u arkaan waxqabadkoodii ay fuliyeen boqolkii cisho ee u horreeyay xil haynta xukuumadiisa ay ahayd dhamaystirkii mashaariicdii xukuumadii hore waxaanu yidhi “Mashaariicdii aanu bilownay ee aanu dhamaynay wax ay ku luglahayd dawladii hore ma jirto, mashaariicdaasi waa mashaariic aanu fulinay. Waa mashaariic aanu balan qaaday xiligii aanu ahayn xisbiga mucaaridka ah inaanu qaban doono. Mashaariic faro badan oo si wanaagsan noogu socdaa way jiraan oo meel wanaagsan noo maraya, cid kastaaba ha bilowdee wixii aanu soo kordhinaaaba waa wax ummadda iyo dalka anfacaya.”
Md. Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay sababta ay u eryeen shaqaale taageeri jiray xukuumadii hore oo mucaaridku ku dhaliilaan xukuumadiisa wuxuu yidhi “Waxaasi waa iska kaftan waxba kama jiraan arrintaasi, dad shaqadoodii ka soo bixi waayay mooyaane’e, dad kale ma aanu eryin. Qofku marka uu shaqaale yahayna wuxuu ka shaqaynaa Civil Servent (Adeege bulsho). Dadka xuquuqdoodiina waanu ilaalinaa. Anagu dadka siyaasiyan ulamaanu isticmaalin. Shacbigu waa shacbigayagii dadkuna waa dadkayagii. Xukuumadduna waxay u shaqaynaysaa dalka iyo dadka.”
Somaliland.Org
Hargeysa