Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Ictiraafka Somaliland oo kulan kula yeeshay Saaxiibada Somaliland

Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Ictiraafka Somaliland oo kulan kula yeeshay Saaxiibada Somaliland Guriga House of Lords ee Ingiriiska

Mudane Dr. Mohamed Rashiid Xasan oo ah lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee u qaabilsan arimaha ictiraafka iyo isgaadhsiinta Caalamiga ayaa maanta shirar kala gedisan la yeeshay ururada u ololeeya Ictiraafka iyo horumarka Somaliland iyo Saaxiibada Somaliland ee dalka Ingiriiska(Friends of Somaliland).

Mudane Mohamed Rashiid wuxuu galinkii hore shir si wanaagsan loo soo abaabulay kula yeeshay Magaalada London Madax ka socotay Ururada Somaliland iyo hay’ado Ingiriisa oo Somaliland ka taakuleeya xagga Ammaanka badda. Mudane Mohamed wuxuu shirkaa ka sheegay qorshaha cusub ee xukuumadda Somaliland u diyaarisay horumarinta dhaqaalaha iyo Ictiraaf u raadinta dalka , taas oo ahmiyad weyn dowladdu saari doonto weji cusub oo lagu raadin doono sidii Somaliland uga mid noqon lahayd Bulshada caalamka. Wuxuu ururada Somaliland uga waramay sida xukuumadda cusub ay uga go’antahay inay wada shaqayn la yeelato Qurbajoogga Somaliland oo laf dhabar u ah dhaqaalaha iyo aqoonsi uraadiska dalkooda. Isaga oo hadalkiisii sii wata Dr. Mohamed wuxuu yidhi , waxaannu rajaynaynaa inaanu dib u soo noolayno abaabulkii iyo dhiiri galintii Qurbajoogga Somaliland, si ay halkii uga sii wadaan halgankii ay ay dibadda ugaga jireen dalkoodii hooyo.

Mudane Mohamed wuxuu galinkii danbe qado sharaf iyo shir kale guriga House of Lords kula yeeshay Saaxiibada Somaliland oo uu ka mid yahay Lord Eric Avebury oo ka mid ah Aqalka Guurtida Sare ee Ingiriiska(House of Lords) iyo ururo Ingiriisa oo Somaliland kala shaqeeya arimaha horumarinta. Shirkaa waxaa lagu lafa guray sida ugu habboon ee Somaliland aqoonsi dhaqaale uga heli lahayd shariikadaha dalkan Ingiriiska si Somaliland u gaadho horumar dhaqaale iyo sidii Saaxiibada iyo dawladda Ingiriiskuba gacan uga geysan lahaayeen dib-u –aqoonsiga Somaliland. Dr. Mohamed oo hadalkiisa sii watana , wuxuu yidhi , Somaliland maaha dal Somalia ka soo go’ay, Somaliland iyo Somalia waxay ahaayeen laba dal oo isku tagey , isku tagoodiina wuxuu ummadda Somaliland u soo jiiday burbur iyo dib u dhac , sidaa daraadeed ummadda Somaliland waxay goosatay 1991 inay calankoodii iyo qarannimadoodii la soo noqdaan. Wuxuu intaa ku daray inay dawladda Cusub ee Somaliland halgan dheer u gali doonto inay Somaliland saaxiibo cusub ku yeelato Afrika , Asia , Europe iyo America-ba.

Waxaa iyana xiiso gaara keentay Hotelkii shirkaa Somaliland lagu qabtay oo shir kale ka socday oo ku saabsanaa go’itaanka Southern Sudan. Waxayna taasi farxad ku dhalisay labadii dhinac ee abaabulayey labadaa shir. Mid ka mida guddida qaban qaabinaysay shirka Southern Sudan ayaa wuxuu yidhi, Haddaanu nahay ummadda reer Southern Sudan waxaannu si xooggan ula soconnaa mar walba qadiyadda Somaliland, waxaa hubaala inaad Geeska Africa ka samayseen wanaag iyo kala danbayn aanu idin kaga dayan doonno markaanu xornimadayada qaadano bisha soo socota 2011. Dhinacayaga Somalilander-ka waxaanu u sheegnay in aan la samaysan doono saaxiibtinimo fiican oo ka dhaxaysa labadeena dal si Geeska Africa looga dhiso xukuumado wax qabadkoodu ku salaysan yahay dimuquraadiyad iyo caddaalad.

Axmed kadleye

Kadleye024@hotmail.com

London , UK