Dadaalka Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Eng Hussein Abdi Dualeh waa mid ku qoto

Dadaalka Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Eng Hussein Abdi Dualeh waa mid ku qotoma sidii Caasimada Somaliland Biyo kufilan u heli lahayd.

Mudo laga joogo sadex bilood kadib markii wasiirada dawlada cusubi la wareegeen xukunka wasaaradahooda ayaa waxaa socda dhaqdhaqaaqyo xoog badan oo mid waliba sare ugu qaadayo waxqabadkiisa.

Hadaba wasaaradaha ilaa hada laga dareemayo dhaqdhaqaaqyada xooga leh waxaa ka mida Wasaarada Macdanta iyo biyaha Somaliland oo dabada kaga jirta deeqbixiyayaasha iyo hay`adaha wax caawiya.

Eng. Hussein Abdi Dualeh oo ahaa aqoonyahan Somaliland u dhashay oo mudo dalka debeda uga maqnaa waxaa lagu yaqaanaa Daacadnimo iyo Hawalkarnimo, iyadoo taa markhaati looga dhigi karo dadkii hore ula soo shaqeeyey wasiirka oo kunool wadanka Maraykanka iyagoo aad uga xumaaday maalintii uu dhiibay ruqsadiisii shaqo ee Los-Angels,California.

Waxaa kaloo xusuus mudan hormuudnimadii uu ka qaatay SOCDAALKII GUUSHA ee North America, taasoo horseeday guusha KULMIYE ee doorashadii dalka ka dhacday, iyadoo la ogyahay inay xitaa dhalisay in dawladii Riyaale ku dhawaaqday inaan madaxweynaha hada talada hayaa soo geli Karin dalka ilaa uu cafis weydiisto.

Hadaba waxaa akhristoow muuqata sida Wasiirkan iyo wasiiro kale oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Dibeda

Wasiirka Maaliyada

Wasiirka Warfaafinta

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta

Wasiirka Duulista iyo Hawada

Wasiirka Dekedaha iyo Khayraadka Badda

Wasiirka Arimaha gudaha

Wasiirka Gaashaandhiga. Ay dhamaantood yihiin qaar xiligan aad uga dhex muuqda dawladan cusub.

Hadaba inagoo aan ka boodayn qormadeena manta eeku saabsan waxqabadka wasaarada macdanta iyo biyaha ,ayaa waxaan iftiiminayaa xidhiidhada uu kula yeelanayo Wasaarada Biyaha ee Kenya in ay horseedi doonto tababaro iyo xirfado loo fidiyo shaqaalaha Wasaarada iyo sidii taageero ay uga heli lahaayeen hayadaha iyadoo muuqata in Wasiirku ku egyahay shaqadiisa oo keliya.

Akhristoow waxaa cad in Somaliland gashay xiligii waxqabadka iyo horumarka saxaafadana looga baahan yahay dhiirigelinta dawlada ee aan loo baahnayn xiligan hore in lagu bilaabo dhabarjebin.

Dr: Jama Hiirad

Minnesota