Weftigii Guddoomiyaha Wakiilada Oo Kulamo Switzerland Ku Yeeshay

Switzerland (Somaliland.Org)- Wefdigii guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland, Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi iyo guddoomiye ku xigeenka 1aad Mudane C/casiis Maxamed Samaale ay ku marayeen dalalka Yurub, ayaa booqday dalka Switzerland. Weftigaasi waxay booqdeen xarunta Baarlamaanka dalkaasi oo ay kulamo ku yeesheen. War–saxaafadeed golaha wakiiladu ka soo saareen socdaalkaasi waxa uu u dhignaa sidan: “Xarunta Baarlamaanka Adduunka […]

Madbacada oo markii u horaysay la timi agabkii daabacaada oo dhamaystiran

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madbacada qaranka Jsl, ayaa maanta markii ugu horaysay la timi agabkii daabacaada oo dhamaystiran. Agabkaas oo ka koobnaa warqaahaha lagu sameeyo Dokumatiyada ay isticmaalaan hay’adaha dawlada iyo kuwa kaleba shalay, ayaa qabytii ugu horaysay lagu rogayey xarunta Madbacada iyada oo qaybo kalena ay soo socdaan Maareeyaha Madbacada Cali Siciid Raygal oo u waramayey […]

Mudaneyaal Golaha Wakiilada Horgeeyay mooshin Lagu Furayo Xeer hoosaadka Wakiilada

Mudaneyaal Golaha Wakiilada Horgeeyay mooshin Lagu Furayo Xeer hoosaadka Wakiilada Hargeysa(Somaliland,org)-Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada ayaa la horgeeyay mooshin xasaasi ah oo ay doonayaan inay wax ka bedel ku sameeyaan xeer hoosaadkooda, si ay ugu fududaato xilka qaadista shirgudoonka. Fadhigaas oo buuq iyo sawaxan ka dhashay Mooshinkan ay sababtay in Guddoomiye Ku Xigeenka labaad ahna […]

Weftigii Shirgudoonka Wakiilada Oo Jarmalka Kulamo Ku Yeeshay

Hargeysa (Somaliland.org)- Weftigii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi ee socdaalka ku marayay dalalka Yurub ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin iyo Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Jarmalka. Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Wakiilada ayaa u qornaa sidan:- “Waxa wefdiga ka socday baarlamaanka Somaliland ee uu hogaaminayey Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) , Gudoomiyaha Golaha […]

Xeer Ilaaliyaha Guud oo Sheegay in Kiiskii Ninkii Jarmalka ahaa Loo Wareejiyay Maxkamadda Gobolka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Ducaale, ayaa sheegay in nidaam sharciya la marinayo nin Jarmal ah oo loo haysto falal dhaqan xumo ah oo ka baxsan anshaxa suuban iyo Diinta Islaamka. Waxaanu sheegay in kiiska ninkaas loo wareejiyay inay dhegaysato Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Xeer-ilaaliyaha Guud oo shalay u waramayay Wargeyska DAWAN, wuxuu […]

Maxaa Ka Dhexeeya Dalkom Soomaaliya Iyo Kooxda Al Shabaab

Hargeysa, Tixraac Maqaalka Lagu Daabacay Wargayska Hargaysa Star Cadadkiisii 90aad Kuna Taariikhaysan 28/11/2010 Ee Sida Badheedhka Loogu Caayayo Madaxwaynaha Somaliland, Madaxwaynaha Djibouti, Shirkada Somcable, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Iyo Ganacsadaha Maxamed Aw Siciid. Hadaba Iyadoo Caadeysatay Hargeisa Star Cayda Madaxda Qaranka, Ganacsatada Iyo Ashqaasta Magaca Ku Leh Dalka Ayaa Waxaa Manta Si Qaawan Aan Ugu Jawaabayaa […]

Xukuumada Oo Maanta Bilowday Dhismaha 4 Km oo Waddo Laami Ah Oo Ka Mid ah Jidka Dilla Iyo Boorame

Hargeysa (Somaliland.org)- Maareeyahah Ha’yada Wadooyinka Somaliland C/Waaxid C/Qaadir C/Raxmaan, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay si rasmi ah u bilaabeen afarta KM wadada u dhaxaysa Dilla iyo Boorame ee 33 Km ah ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland dhagax dhigay 4KM oo xukuumaddu balna qaaday inay hirgalinteeda. C/Waaxid C/Qaadir wuxuu sheegay in Ha’yada SRA ay ka […]

“Cawiloow Ceebta Iska Maydh Oo Ogolow Inaad Hortagto Ha’yadaha Baadhista Hantida Qaranka” UDUB

Hargeysa (Somaliland.org)-Guddoomiyaha Siyaasada Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Cumar Jaamac Faarax, ayaa u soo jeediyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil) inuu aqbalo in baadhitaan lagu sameeyo musuq-maasuq la sheegay inuu galay xilligii uu Wasiirka Maaliyada ka ahaa xukuumaddii Rayaale ee laga adkaatay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26-kii bishii Juun ee […]

Nuxurka Khudbadii Madaxweynaha ee Xarunta Chat-ham House ee Dalka Ingiriiska

Hargeysa (Somaliland.org)- Khudbadii Dheerayd ee uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka jeediyay xarunta Chatham House ee dalka Ingiriiska, oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) wuxuu dhignaa sidan:- Mudaneyaal iyo Marwooyin, 1. Waxa i xiiso gelinaysa inaan halkan idiinku imaado aniga oo metelaya dadkayga iyo dalkayga. Waxaan mahad […]

Golaha Wakiilada Somaliland oo Mushaharkii Korodhsaday

Golaha Wakiilada Somaliland oo Mushaharkii Korodhsaday Hargeysa (Somaliland.org)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay go’aan ay musharooyinka ku kordhisteen, ka dib markii ay ansixiyeen Xeerka kala xadaynta Mushaharooyinka madaxda qaranka iyo Goleyaasha baarlamaanka5, xeerkaasi oo jidayna inay mushaharka loo kordhiyo aqalkaasi, Fadhigii maanta ee golahaasi oo ay ka soo xaadireen […]

Madaxweyne Siilaanyo oo la Kulmay Mudaneyaasha Baarlamaanka Ingiriiska ee Taageera Somaliland

London (Somaliland.Org)-Weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka ku jooga dalka UK ayaa la sheegay inuu la kulmay Xildhibaanadda Baarlamaanka Ingiriiska ee taageera qadiyada Somaliland khamiistii todobaadkii hore. War- Saxaafadeedkan oo uu kulankaasi ka soo saaray Chief Of Cabinet-ka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka mid ah weftiga Madaxweynaha Somaliland, […]

Wefti Ka Socda Xukuumada Oo Gaadhay Degmada Qori-lugud Iyo Raashin Ay U Qeybiyeen Qoysas Dan Yar ah

Qori-lugud (Somaliland.Org)- Wefti culus oo ka socda xukuumada Somaliland oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Gaashaan –dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami, ayaa maanta gaadhay magaalada Qori-lugud, halkaasi oo ay u qeybiyeen dadweynaha raashin kala duwan oo ay ugu deeqday dawlada Somaliland. Weftigan waxa xubno ka ah Wasiiradda Hawlaha Guud, Warfaafinta, Cadaalada iyo La Taliyeyaasha Madaxweynaha […]

M/Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo lagu Kordhiyay Wasaarada Caafimaadka

Hargeysa (SomalilandOrg)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu soo kordhiyay Wasaarada Caafimaadka. Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, oo ka hadlay xafladaasi wuxuu yidhi “ILAAHAY baa mahad leh waxa maanta ii farxad ah inaan xadhiga ka jarno dhismahan quruxda badan leh […]

AKHRI WARARKII WARGEYSKA DAWAN CADADKII SABTIDII MAANTA

Guddoomiyaha Wajaale oo Gaashaankana ku Dhuftay Qoraalo ay u Qoreen W/Daakhilaga iyo Badhasaabka Gabiley “Wuxuu Diiday in uu dib ugu celiyo shaqadoodii shaqaale uu sharci darro ku eryay” Wajaale (Somaliland.org)- Guddoomiyaha degmada Wajaale ee gobolka Gabiley, Xaashi Maxamuud Cabdi, ayaa gaashaanka ku dhuftay wareegtooyin ay u qoreen wasaaradda arrimaha gudaha iyo badhasaabka gobolka Gabiley, kuwaasi […]

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ka hadlay Socdaalkiisan Ingiriiska

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ka hadlay Socdaalkiisan Ingiriiska Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay socdaalkiisa wadanka Ingiriiska iyo masuuliyiintii uu la kulmay. Madaxweynaha Somaliland oo maanta saxaafada u waramayay Laanta Af-soomaaliga ee VOA-da wuxuu tafaasiil ka bixiyay Booqashada weftigiisa waxaanu yidhi “Dalkan si aad iyo aad ah ayaa naloogu soo […]

Strengthening the UK’s relationship with Somaliland- A Press Release From British Foreign Office:

Strengthening the UK’s relationship with Somaliland 25 November 2010 Minister for Africa Henry Bellingham met the President of Somaliland Ahmed Mohamed Mohamud Silanyo in London on 24 November. Minister for Africa Henry Bellingham greets the President of Somaliland Ahmed Mohamed Silanyo (crown copyright) This is the President’s first visit to the UK since his successful […]

Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Ictiraafka Somaliland oo kulan kula yeeshay Saaxiibada Somaliland

Lataliyaha Madaxweynaha Arimaha Ictiraafka Somaliland oo kulan kula yeeshay Saaxiibada Somaliland Guriga House of Lords ee Ingiriiska Mudane Dr. Mohamed Rashiid Xasan oo ah lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee u qaabilsan arimaha ictiraafka iyo isgaadhsiinta Caalamiga ayaa maanta shirar kala gedisan la yeeshay ururada u ololeeya Ictiraafka iyo horumarka Somaliland iyo Saaxiibada Somaliland ee dalka […]

Dadaalka Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Eng Hussein Abdi Dualeh waa mid ku qoto

Dadaalka Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Eng Hussein Abdi Dualeh waa mid ku qotoma sidii Caasimada Somaliland Biyo kufilan u heli lahayd. Mudo laga joogo sadex bilood kadib markii wasiirada dawlada cusubi la wareegeen xukunka wasaaradahooda ayaa waxaa socda dhaqdhaqaaqyo xoog badan oo mid waliba sare ugu qaadayo waxqabadkiisa. Hadaba wasaaradaha ilaa hada laga dareemayo […]

Wasiirka Daakhiliga Oo Tafaasiil Ka Bixiyay Kiiska Ninka Jarmalka Ah

“Anigu UCID uma shaqeeyo. Marka uu Faysal Madaxweyne noqdo isaga weydiiya” Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta ka hadlay kiiska nin jarmal ah oo loo haysto inuu falal dhaqan xumo ah ku sameeyay Haween reer Somaliland ah. Wasiirka oo galabta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa wuxuu sheegay in ninkaasi […]

Shirgudoonka Golaha Wakiilada Soamaliland oo Kulan La yeeshay Baarlamaanka Faransiiska

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo socdaal shaqo ku maraya dalka Faransiiska ayaa kulamo la yeeshay Baarlamaanka wadankaasi, sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wakiilada. Warsaxaafadeedka laga soo saaray socdaalka shirgudoonka Wakiiladu wuxuu u dhignaa sidan:- “Salaasadii 23/12/2010 waxa xarunta baarlamaannka Yurub ee magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska si balaadhan loogu […]