Sunday, October 31st, 2010 Comments Off
Hargaysa (Somaliland.org)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta si rasmi xadhiga uga jaray Maxjar cusub oo ay magaalada Berbera ka hergelisay shirkadda wadaniga ah ee Indhadeero. Kaas oo noqon doona Maxjarkii labaad ee uu yeesho dalka Somaliland. Maxjarkan labaad oo furitaankiisa muddo la sugayay ayaa maanta waxa si rasmi ah u [...]Sunday, October 31st, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)-Wefti culus oo ka kooban Wasiirradda iyo Xildhibaanada Goleyaasha qaranka kaga jira gobolka Awdal, oo sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Boorame, ayaa maanta markii sadexaad Hutel Rays kula kulmay salaadiinta iyo cuqaasha gobolka Awdal. Kulankan oo lagaga hadlayay sidii waxgaradka gobolka Awdal looga qancin lahaa tabashooyin la xidhiidha saamiga laga [...]Sunday, October 31st, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi, sheegay in miisaaniyada sanadka 2011-ka ee fooda inagu soo haysa lagu soo dari doono mushahar kordhintii shaqaalaha iyo Ciidamada. Waxaanu sidaasi ka sheegay fadhigii Wakiilada oo uu hortagay waxaanu yidhi “Anigu shakhsi ahaan in badan ayaan wax ka qorqori jiray lacagaha la lunsado ee aan [...]Sunday, October 31st, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)- Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay dhaqaalaha dalka Fadhigan maanta ee Aqalka odayaasha oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan. Md. Yuusuf Cabdilaahi Cawaale, oo ka hadlay doodaasi wuxuu yidhi “Marka dhaqaalaha laga hadlayo waa in waxaad soo dejisaa iyo waxaad dhoofisaa is leeg yihiin inaguna wuxuun [...]Saturday, October 30th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland)- Guddoomiyihii Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa maanta ka hadlay asbaabihii uu iskaga casilay xilkii jaamacadda oo uu ku tilmaamay inay ka dhalatay arrimo gaar ah. Guddoomiyaha oo maanta Saxaafadda ugu waramayay Huteelka Maansoor, ayaa beeniyay warar ay qaar ka mid ah Jaraa’idka ka soo baxa caasimada Hargeysa daabacayeen oo la xidhiidhay [...]Saturday, October 30th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)- Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Casiis Maxamed Samaale ayaa maanta ka waramay waxqabadkii Golahaasi ee shantii sanadood ee la soo dhaafay. Guddoomiye Ku Xigeenku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Golaha Wakiilada waxaanu sheegay in muddadii Golahaasi ay jireen ay qaranka wax badan [...]Saturday, October 30th, 2010 Comments Off
Madaxweynaha Oo Magacaabay Guddida Tayanta Caasimada Hargeysa Hargeysa (Somaliland.org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magacaabay Guddi uu u xilsaaray tayaynta caasimada Hargeysa, kuwaasi oo ka kooban shan Wasiir iyo Maayarka Hargeysa. Warsaxaafeed uu magacaabista guddidaasi ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane: [...]Friday, October 29th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jirre) ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay xildhibaan Cali Yuusuf Axmed, oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa kana soo jeeda xisbiga tallada haya ee KULMIYE, kaasi oo si ba’an u dhaliilay xukuumadda oo [...]Friday, October 29th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka hadlay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay qaraxyadii argagixiso ee magaalada Hargeysa ka dhacay 29-kii October 2008, oo sadex qarax oo ismiidaamin ah laga fuliyay xarunta Madaxtooyada, xafiiska Hayada UNDP iyo Safaaraddii Itoobiya, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay 23 qof halka ay soddameeye [...]Thursday, October 28th, 2010 Comments Off
Thursday, October 28th, 2010 Comments Off
Relatively Peaceful Foreign Minister Mohamed Abdullahi Omar sums up Somaliland's accomplishments: "We are a peaceful country," he says. "We've been running our own affairs independently for 19 years. We have a good track record on the fight against piracy, the fight against terrorism." Wednesday, October 27th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)- Wefti uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta socdaal ku tagay magaalada xeebta ku taalla ee Berbera,halkaasi oo uu xadhiga kaga jaray dhismeyaal iyo waddooyin sadexdii bilood ee la soo dhaafay ka hirgalay magaaladaasi. Weftigan ayaa waxa si wayn u soo dhaweeyay madaxda iyo maamulka gobolka iyo [...]Wednesday, October 27th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta ka hadlay aragtidooda la xidhiidha qaabka loo bixiyay isgaadhsiinta kaybalka ee badda hoosteedda, maceeshada qaaliyowday, wax ay ugu yeedheen eriga shaqaalaha dawlada, muddo kordhintii guurtidu samaysay dhawaan. Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed dheer oo uu maanta soo saaray Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Muuse X. Muxumed [...]Tuesday, October 26th, 2010 Comments Off
Berbera (Somaliland.org)- Waxa marsadda magaalada Berbera soo gaadhay saaka laba Markab oo kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidammada badda ee dalka Ingiriiska, waxaanay wadahadalo albaabadu u xidhnaayeen ay xarunta Ciidanka Ilaalada xeebaha kula yeesheen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland. Sariikiishii ingiriiska ahaa ee saarnayd laba markab waxay dekada Berbera ku soo gaadheen laba laash [...]Tuesday, October 26th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org )- Guddomiyihii Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan, ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkii Jaamacadda ka dib markii arrimo shakhsi ah oo isaga ugaar ah. Ma jiro war rasmi ah oo uu soo saaray Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan, hase yeeshee mid ka mid ah masuuliyiinta sare ee jaamacadda ayaa [...]Tuesday, October 26th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)-Wefti culus oo ka socda dalka Demark ayaa maanta socdaal ku yimid Somaliland. Weftigaasi oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Horumarinta iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee Dawlada Denmark MR. SOREN PIMD iyo afar xubnood oo kale oo ka tirsan dawlada dalkaasi. Weftigani wuxuu kulan balaadhan kula yeeshay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed [...]Monday, October 25th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal qaatay todobaad oo uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti. Wasiirka oo maanta u waramayay saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkiisu ku soo dhamaaday guul waxaanu intaasi ku daray inuu kulamo [...]Monday, October 25th, 2010 Comments Off
Gabiley (Somaliland.org)- Marwada koowaad ee Somaliland marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina Weris) ayaa maanta booqatay magaalada Gebilay ee xarunta gobolka cusub ee Gabiley, halkaasi oo ay geysay deeq kabo ah oo ay ugu talo gashay caruurta ku jirta xarunta agoomaha ee magaalada Gabiley. Marwada Madaxwaynuhu waxa ay sheegtay in ay isu xilsaartay wax u [...]Monday, October 25th, 2010 Comments Off
If Nadifa Mohamed ever had any doubts about writing her acclaimed debut novel, Black Mamba Boy, they had nothing to do with the real-life story that inspired it: that of her father.
Monday, October 25th, 2010 Comments Off
Hargeisa, Somalia - Just four months ago, Hussein Abdi Dualeh was an engineer with the Los Angeles County Metropolitan Transportation Authority (Metro), managing maintenance contracts and living a comfortable life with his wife and three sons. Today, he's helping run a self-proclaimed - although internationally unrecognized - nation in the Horn of Africa. Dualeh, 54, is typical of the highly-educated diaspora politicians who have returned to Somaliland -
Sunday, October 24th, 2010 Comments Off
Madaxweynaha Somaliland Oo Maamulka Biyaha Hoos Geeyay Wasaarada Macdanta Hargeysa ( Somaliland.org )- Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay si rasmi ah ula wareegeen maamulka Wakaalada Biyaha ee dalka, marka laga reebo Wakaaladaha Hargeysa iyo Boorame. Wasiirka Macdanta oo socdaal ku jooga magaalada Burco ee [...]Sunday, October 24th, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)- Kulan loogu magac daray “Dadkaaga la Hadal” lagu falanqaynayay tayaynta barnaamijyada iyo wararka ka baxa Warbaahinta qaranka ee dawladu maamusho ayaa maanta lagu qabtay Studio-ga TV-ga qaranka. Kulankan oo ay ka soo qeyb galee aqoon yahano, dadweyne caadi ah iyo Wakiilo ka socday Xisbiyada siyaasada ee dalka. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay [...]Saturday, October 23rd, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr, Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa beeniyay hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah Xildhibaanada aqalka odayaasha oo xukuumada cusub ku dhaliilay ilaalinta nabadgelyada dalka oo ay sheegeen inay xaalad amni xumo soo wajahday gobolada Somaliland. Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay maanta oo uu hortagay fadhigii Golaha Guurtida ee maanta [...]Saturday, October 23rd, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland.org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa manta magacaabay Maareeye Ku Xigeenka Ha’yada waddooyinka Somaliland oo uu dib ugu magacaabay Eng. Xuseen Cabdi Cali, oo hore xilkaasi u hayay. Sidaasi waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxaanu u dhignaa sidan:- Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED [...]Saturday, October 23rd, 2010 Comments Off
Hargeysa (Somaliland)- Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa maanta Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ku qabtay shir balaadhan oo lagaga hadlayay xaalada ataarta qadiimiga ah ee Somaliland. Shirkan oo uu furay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Cabdilaahi Cabdi Axmed (Cabdilaahi Kubaddo) waxa ka soo qeyb galay aqoon yahano tiro badan oo ka mid ah [...]