Warsaxaafaded: Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxas Hayadaha Kala Duwan Ee Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org) Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) Waxa uu maanta kulan Saacaddo Qaatay Xafiiskiisa kula yeeshay Madaxda Hay’adaha Madaxa Banaan ee Dalka.
Madaxweynuhu waxa uu Madaxda kulankan ka soo qayb gashay kaga Dhegaystay Warbiximo ay ka bixiyeen Hay’adaha ay Madaxda ka yihiin iyada oo masuul walba uu warbixintiisa uu si Tafatiran u soo Bandhigay Hawsha iyo xilka ay Qaranka u hayso Hay’ada uu Madaxda ka yahay, xalada ay Hay’adu ku sugantahay, Caqabadaha Horyaala iyo Kuwa ay Furdaamiyeen iyo weliba Qorshaha ay Hay’adu fulindoonto Mudada Dhaw iyo kuwa ay Damacsan tahay inay Mustaqbalka fulinayso.

Madaxweynaha JSL ayaa Madaxda kulanka ka soo qayb gashay ka Dhegaystay Warbixintaasi waxaanu masuuliyiintaa ku amaanay Sida ay ugu Diyaarsanyihiin Hawsha ay u xilsaaran yihiin, waxaanu kula dardaarmay in ay Warbiximahan Tafatiran ee ay u soo jeediyeen ka Dhabeeyaan oo ay Ficil u bedelaan.

Madaxweynuhu waxa uu masuuliyiintan u sheegay in ay yihiin Baalasha uu ka sugaayo in ay ka Dhabeeyaan isbedelka ay umadu ka sugayso Xukuumada.

Ugu Danbayna waxa uu Madaxweynuhu Maddaxda Hya’adaha Madax banaan ee kulanka ka soo qayb gashay ku wargeliyey inuu Bilkasta Laba Goor kulankan oo kale layeelandoono iyaguna waxay uga mahadnaqeen Madaxweynaha in aanay Fursadan oo kale hore u helin isla markaana waxay u balan qaadeen in ay Fulindoonaan Dardaarankiisa kana Dhabayn doonaan Maamul wanaaga uu ka rajaynaayo Madaxweynuhu.

Madaxda Hay’adaha uu madaxweynuhu Shirkan la qaatay waxay kala ahaayeen sidan:-

No Name Title State Agency
1 Axmed Mohamed Madar Gudomiye NIC
2 Cali Siciid Maareeye Madbacadda Qaranka
3 Siciid Saleebaan Mire Gudoomiye SQCC
4 Ibraahim Aadan Xisaabiye Guud Xisaabaadka Guud
5 Xasan Cismaan Aadan Maareeye Hay’adda Korontada
6 Xasan Aw Aadan Cabdi Gudoomiye H/Dib u habaynta
7 Aamina Cabdillaahi Axmed Gudoomiye Xuquuqda Iisaanka
8 Aamina Maxamuud Diiriye Maareeye Samafalka Madaxtoyada
9 Ibraahim Siyad Yoonis Maareeye W/Biyaha Hargeysa
10 Cali Cabdillaahi Daahir Gudoomiye ICT Commission
11 Cabdi Dirir Cabdi Gudoomiye Centeral Bank
12 Aadan Cabdillaahi Xasan Gudoomiye G.G.Qandaraasyadda Qaranka
13 Jamaal Caydiid Ibraahim Maareeye NDC
14 Cabdi waaxid Cabdiqaadir Maareeye SRA
15 Muxumed Aw Cabdi Gudoomiye Hay’adda Shaqalaha

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )Af-hayeenka Madaxtooyada JSL