Kulanki Wasiirka Iyo Madaxdhaqamedka: Bedelisti Taliyaha Aaga Galbeed Md Xudhuun Maxay..

Kulanki Wasiirka Iyo Madaxdhaqamedka: Bedelisti Taliyaha Aaga Galbeed Md Xudhuun Maxay Ka Yidhahden Reer Awdal

Boorama (Somaliland.Org) Waxa maanta ka dhacay magaaladda Boorama kulan dhex maray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Gabose iyo madax dhaqameedka gobolka Awdal. Kulankan waxa uu ka dhashay cabashooyin madaxdhaqameedka reer Awdal kasoo jeediyeen bedelaadii xukuumadi Somaliland ku bedeshay taliyahii ciidamada Somaliland ee Awdal. Md Maxamed Xudhuun.

Ugu horeyn kulankaas waxa ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Md Gabose isaga oo tilmamay sida hanaanka dawladnimo tilmaamayso in sarkaal walba, ha noqdo mid militari ama shaqale dawladed, in shaqada laga eryi karo ama la bedeli karo. Sidaas si la mid ah waxa uu usoo jediyey madax dhaqamedkan inuu dhagaysan doono cabashoyinkoda, isla markaana, yagana loga fadhiyo inay isla fahman arrimaha laga hadlayo. Isagoo arrinka ka hadlaya waxa uu yidhi Md Gabose: Waxa la bedelay oo dorasho lagu bedalay madaxweynahii dhamaa ee dalka, markaa in la diido sarkaal la bedelay oo la yidhahdo lama bedeli karoma fiicna”

Dhinaca kale madaxdhaqameedka reer Awdal ee halka ka hadlay waxa ka mid ahaa Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo sheegay in shacabka reer Awdal diideen kadib dhacdadi xeebta Galbeed maleeshiyada ONLF kasoo degtay in la bedelo taliyaha ciidanka Galbeedka. Sida muuqatay, Suldaan Ibrahim Jamac waxa uu hadalkisu u dhacayay in bedelada taliyahas ee wakhtigan ay u muuqanayso eed.

Isla madashaas waxa ka hadlay madax dhaqameedyo kale oo sheegay in reer Awdal kaliya anay ka cabanayn bedelista taliyahan, hase yeeshe, ay jirtay cabashoyin la xidhidha saamiga xukuumada Madaxweyne Silanyo laga siiyay reer Awdal.

Xukuumada Somaliland ayaa shalay takiyaha aaga Galbeed ee ciidanka qaranka Md Maxamed Xudhuun u wareejisay taliska ciidanka qaranka ee aaga Barri. Sarkaalkan Md Maxamed Xudhuun aya waxa uu taliye ka ahaa aagas, isaga oo masuuliyadisu ahayd ilaa dhanka xeebaha galbedka Somaliland, wakhti ka badan shan iyo toban sanadood.

Sababta taliyahan looga wareejiyay aagas ayaa sida ilo xog ogaal ah noo xaqiijiyen waxay la xidhiidhaa maleeshiyadii ONLF ee dhowaan kasoo degtay xeebaha galbeedka Somaliland. Sida wararkaasi sheegayan ciidamada qaranka ee xeebaha galbeedka ayaa ka warhayay oo kaantaroolada ku joojin maleeshiyadas, iyada oo ay ku andacoonayan in gawaadhida siday maleeshiyadas ahaayen gawadhida milixda oo anay uga shakisanayn in maleeshiyo saaran tahay.

(c) Somaliland.Org