Hanti Dhawrka Guud Oo Ku Guda Jira Hawlgalo Ay Ku Baadhayaan Hanti Laga Lunsaday Qaranka

Hanti Dhawrka Guud Oo Ku Guda Jira Hawlgalo Ay Ku Baadhayaan Hanti Laga Lunsaday Qaranka, Una Yeedhay Masuuliyiin Ka Tirsanaa TV-Ga, H/Guud Yo Hay’adda Wadooyinka

Hargeysa, September 26, 2010 (Haatuf) – Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa labadii Maalmood ee u dambeeyay ku guda jira hawlgal ay ku baadhayaan hay’addaha dawladda qaar ka mid ah, isla markaana u yeedhay masuuliyiin xukuumaddii hore ee Rayaale ka tirsanaa, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay lunsadeen hanti qaranku leeyahay.

Hay’adahan ayaa waxa ka mid ah Wasaarada waxbarashada gobolka Maroodi-jeex, Hawlaha guud iyo TV-ga qaranka.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhawdhaw Wasaarada Waxbarashada gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in Hanti-dhawrku qaranku ay maalmahan u dambeeyey hawlgalo baadhitaan ugu yeedheen agaasimihii maamulka Lacagta Xasan Maxamuud, ahaana Xisaabiyihii Iyo qasnajigii TV-ga Qaranka, Injineer ka tirsan wasaarada Hawlaha guud iyo Maareeyihii hore ee hay’ada waddooyinka oo la sheegay inay hanti dhawrka guud Su’aalo ka weydiinayaan hanti qaran oo ay masuul ka ahaayeen oo la tuhunsan in la musuqmaasuqay.

Sidoo kale hanti dhawrka guud ee qaranku waxa uu gacanta ku hayaa laba gaadhi oo mid ka mid ah noociisu yahay Landcruser, kaas oo W/waxbarashada gobolku lahayd, isla markaana sifo sharci daro ah loo isticmaalay, warar ku dhawdhaw Wasaarada Waxbarashada ee gobolku ayaa sheegayaa in gaadhigan oo Lambar Gt- ah marna lagu xidhay marna inta laga furo Lambar shicib lagu xidho. Halka gaadhiga kale oo noociisu yahay Xaajiyad uu wadan jiray madaxa gaadiidka wasaarada waxbarashada oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi-dheer ayaa ilo wareedyadaasi intaa ku darayaan in hanti dhawrku Su’aalo ka weydiinayo maadaama uu yahay masuulkii gaadiidka waxbarashada dalka in gadiid ka mid ahaa gaadiidkaasi sifooyin kala duwan oo sharci daro ah loo isticmaalay, baabuurtaas oo la sheegay in tiradoodu ahayd dhawr iyo sodon gaadhi oo wasaarada waxbarashada gobolada dalka loo iibiiyey xiligii xukuumaddii hore ayay ka joogaan hadda dhawr gaadhi, intii kalena noqdeen wax geerashyo la iska dhigay oo cadilmay markii hore, isla markaana geerashyadii laga sii fadhataysatay iyo kuwo sifo aan sharciga waafaqsanayn loo isticmaalay. Labadan gaadhi ee midna uu watay madaxa gaadiidka wasaarada waxbarashada ee xaajida ah iyo ka Lancruser-ka ayaa labadaasina hadda ay gacanta ku hayaan Hanti-dhawrka guud.

“Waxa wasaaradaha waxbarashada gobolada loo iibiyey xilligii xukumaddii hore ee Rayaale gaadiid dhawr iyo sodon baabuur ah, waxa ilaa imika baabuurtaas ka hadhay laba baabuur oo hanti-dhawrku hayo oo waxbarashada gobolkan Hargeysa gudoonkeedu wadan jiray mid ka mid ah oo marna Lambar shicib lagu xidhi jiray marna Nambar T-G ah lagu xidho oo guri la dhigi jiray, ka kalena waa nooc Xaajiyad ah uu wadan jiray madaxa gaadiidka Wasaarada waxbarashada, ta kale labada gaadhi imika ayaad indhihiina ku soo arki kartaan waxay yaalaan xarunta Hanti dhawrka guud, Xubno ka tirsan Hanti-dhawrka ayaa dhawr cishaba ku jira baadhitaanka musuqmaasuq baahsan oo ka dhacay Wasaarada waxbarashada gobolka.” Sidaa waxa yidhi Mid ka mid ah hawlwadeenada waxbarashada oo ka cudur daartay in magaciisa la shaaciyo, isaga oo intaa ku daray “Waxa amaan weyn ay waalidiinta aradayda dugsiyadu usoo jeednayaan wasiirka waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan wax ka qabashada lacago sharci daro ah oo ardayda dugsiyada dawlada laga qaadi jiray oo dhibaato ka haysan jirtay ardayda ka soo jeeda qoysaska danyarta, lacagtaasi waxa qaadan jiray uun maamulada dugsiyada iyo masuuliyiinta waxbarashada gobolka, taasina waxay keentay in macalimiintii wanaagsanayd u leexdaan xaga dugsiyada gaarka loo leeyahay, taasina ay sababtay tayo xumo dhinici waxbarashada ardayda soo gaadhay ilaa heer dugsiyadii gaarka loo leeyahay Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa kaalmaha u sareeya ka galeen kuwii dawladuna hoos u dhaceen. Lagactaasi ardayda laga qaadi jiray ayaa dhamaanba wasiiradu amar ku bixisay in la joojiyo qaadideeda”.