Dawladda Maraykanka oo la Filayo Inay Somaliland Sannad Kasta ku Caawiso Adduun Gaadhaya

Dawladda Maraykanka oo la Filayo Inay Somaliland Sannad Kasta ku Caawiso Adduun Gaadhaya Ilaa 26 Milyan oo Doollar

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee Somaliland doonayso in laga taageero

Hargeysa (Jam)-Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa daboolka ka qaaday in dawladda Maraykanku kor u qaaday caawimooyinka uu sannadkii siiyo Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo shalay u waramay BBC-da, waxa uu sheegay in Maraykanku sannadkii siin jiray Somaliland deeqo xadigoodu gaadhayo ilaa 7 milyan oo doollar, isaga oo tilmaamay in hadda wixii ka dambeeyaa caawimooyinka Maraykanka e Somaliland gaadhi doonto ilaa 26 milyan oo dollar sannadkiiba, arrintaa oo wasiirku ku sababeeyey inay la xidhiidho isbeddelka Maraykanka ee siyaasadiisa la xidhiidha Somaliland.

“Deeqda mucaawimo ee sannadkii Maraykanku siin jiray Somaliland waxay ahayd ilaa 7 milyan oo doollar, arrintaas imika wixii ka dambeeya waxay isku beddelaysaa in sannadkii Maraykanku siiyo Somaliland ilaa 26 milyan oo dollar. Waxa halkaa ka muuqata isbeddel aad u xooggan oo dawladda Maraykanku ku caawinayso Somaliland.

Dawladda Maraykankuna waxay ka mid tahay dawladdaha aanu ka codasanay inay xoogga saran xagga biyaha iyo shaqo abuurka Somaliland, kuwaasi oo aanu u aragnay muhiimadda qaranka Somaliland leeyahay,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Waxa kale oo wasiirku soo dhaweeyey mawqifka cusub ee dawladda Maraykanku ka qaadatay Somaliland, arrintaasi oo uu ku macneeyey inay ka turjumayso arragtiyaha cusub ee wadamada caalamku ka qaadanayaan Somaliland wixii ka dambeeyey doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontahay 26 June 2010.

Wasiirka arrimaha dibedda oo faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ugu mudan ee ay doonayaan in Maraykanka iyo beesha caalamku ka caawiyaan Somaliland waxa uu yidhi; “Safarkii aanu dhawaan Nairobi ku tagnay waxaanu beesha caalamka iyo Maraykanka ula tagnay qorshe qaran oo xukuumaddu doonayso in wax laga qabto, kuwaasi waxa ugu muhiimsam oo ka mid ah sidii shacabka Somaliland looga haqab tiri lahaa biyaha, waddooyinka, dhismaha dekeddaha iyo madaaradu waxay ka mid yihiin meelaha aanu bartilmaameedka ka dhiganay, tacliinta iyo waxabarashada ayaa iyaduna ah hawl wax ka qabad u baahan, waxa kale oo aanu xoogga saaraynaa oo aanu doonaynaa iskaashiga na dhex mari doona Maraykanka in aanu kala shaqayno xagga dhaqaalaha, shaqo abuurka dhalinyarada.”

Dawladda Maraykanka, ayaa toddobaadkan ku dhawaaqday inay iskaashi kii hore ka fiican la yeelan doonto dalka Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland.