Wasiirka Macdanta Oo Kormeeray Xarunta Biyo-soo-saarka Hargaysa Ee Geeddeeble

Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, Geeddeeble SomalilandWasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Md Xuseen Axmed Ducaale,iyo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan wasaaradda iyo wakaaladda biyaha ayaa maanta kormeer ku soo maray Ceelasha biyuhu uga yimaaddaan caasimadda Hargeysa ee loo yaqaano Geed-deeble.

Wasiirka waxaa kormeerkaasi ku weheliyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Md. Axmed Ibraahim Suldaan iyo Maareeyahay Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis.

Waxa uu weftigani sidoo kale kormeer ku soo maray xarunta koowaad ee kaydka biyaha Hargeysa ee Biyo Shiinaha

Wasiirka wasarada macdanta iyo biyaha Somaliland Md Xuseen Axmed Ducaale oo hadalka jeediyay intii ay ku sugnaayeen deegaanka biyo soo saarka Caasimadda Hargeysa ee Geed deeble isaga oo sheegay in dhibaatada biyo yaraanta ee haysata caasimadda Hargeysa ay tahay mid aan si fudud lagu dabooli Karin balse ay intii karaan kooda ah ku dadaalayaan sidii ay caasimadu mustaqbalka u heli lahayd biyo ku filan.

waxaanu yidhi “waxaanu kormeer ku soo maray Ceelasha Biyaha ee magaalada Hargeysa waraabiya, runtii Anigoo aan dalkaba iman ayaan aad u ogsoonaa dhibaatooyinka dalkan ka haysta dhinaca biyaha oo ay ugu weyn tahay magaalada Caasimadda Hargeysa oo ay ku nool yihiin hal malyan oo qof. Maantase indho-fur weyn ayay ii tahay dhibaatooyinkii laga sheekaynayay oo aan labadayda indhood ku soo arkay. Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahim Siyaad dhawaan ayaa loo magacaabay xilka sidayda oo kale. Mudadaasna wax badan ayuu ka qabtay karaankiisa wax allaale iyo wax uu halkaasi dhaafin karaa oo uu biyo dheeraad ah Hargeysa u soo gudbin karo. Sababtuna waxa weeye nidaamka biyaha Hargeysa waxa uu ku maamulaa oo uu ka soo saaraa biyihii xaddigii biyood ee ugu sarreeyay 10-ka kun ee mitir kuyuub kama badin karo.waayo dhuumihii biyuhu soo marayeen ayaa awoodoodii intaasi aan la dhaafin karin. Waxa kaliya ee u furani waa uun inuu sii hagaajiyo qorahihii qaybinta biyaha magaalada taas oo uu gacanta kula jiro oo uu biyihii si xaq ah u qaybiyo.”ayuu yidhi wasiirku.

Agaasimaha guud ee wasaarada macdanta biyaha iyo tamarta Somaliland Md Axmed Ibraahim Suldaan oo isna kormeerkaasi manta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay biyo ugu sooo saari layaaheen caasimada intii karaan kood ah.

Hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa Agaasimaha “Guud ahaan dalku waxaa ka jirta biyo la,aan Hargeysa waa caasimaddii Somaliland milyan ayay ku dhaw yihiin dadka ku nooli waxa u biyo ahna indhahaaga ayaad manta ku aragtaa muddadii gaabnayd ee aad joogtay wasaaradda gudeheeda Hargeysa waxa aan garan karaa inta su’aal lagu waydiiyay iyo culayska ku saran inta uu le,eegyahay ee gaar ahaan biyaha lagaa waydiinayay waxaan marka hore ku leeyahay wixii Hargeysa biyaheeda u kayd ahaa waa intaa aad manta arkayso guud ahaan dalka haddii aan u baxana waxa weeyi magaalo madaxdii ayaynu joognaa tuulooyinka iyo miyigana maxaad u malaynaysaa?.

Dadaal; badan ayay muujiyeen wakaaladdu waxaan aamin sanahay nimanka jooga goobaha waxa weeyi inta ay maanta Hargeysi ku joogto ninba si uu u helaba waa la wadaagaa biyaha waxa mara beebkaasi yare ee la sheegay wershadaha aad aragteen ee Hargeysa ku yaalaa meesha ay biyaha ka qaataan waa beebkaasi yar,inta markaa magaalada Hargeysa dhextaalaa waxa weeyi mid biyaha macaan inoo soo saara iyo mid dameer ku dhaamiya iyo mid ay qasabadi gurigiisa gashaba intaasaa inoo biyo ah,waxa kale oo aan kuu sheegayaa wasiir magaaladu wax ay cabtaa biyaha in ta badan 60% waxa ay cabtaa biyaha booyadaha oo ka yimaadda inta badan harooyinka iyo Aw barkhadle,

Hargeysa baahideedii sidaas ayay u balaadhan tahay laba iyo tobankaa ceel ee ay marba toban shaqeeyaan ayaa u biyo ah,waxaad aragtay dhibta ku gadaaman ee ay ceelasha ah ama beebabka banaanka yaala ah ee markasta qarxi kara.”

Isaga oo hadalkiis sii watana waxa uu yidhi agaasimuhu “Waxa uu fikirkayagu ahaa anaga oo isku duuban in Hargeysa loo raadiyo qorshe kale oo biyo ah oo aan intan ahayn tirro koob badan ayaa la sameeyay waxa la diyaariyay qoraalo badan oo aad arki doonto oo lacag badan u baahan haddii aan soo koobana goobaha wax lagu tuhmayo waxaa ka mid ah ITUJI meel la yidhaahdo oo Arabsiyo hoosteeda ah oo la damacsanyahay in balli wayn laga sameeyo,in Geedeeble 12-kan ceel maaha ee lagu dari karo kuwo kale, Horahaadlay oo wax laga keeni karo, balligaas cas oo imika ceelkii u horeeyay ee tijaabada ahaa laga bilaabay inkasta oo aan weli la tijaabin tayada iyo xaddiga biyahaasi ay leeyihiin”.

Geba gebadii kormeerkani waxaa ka hadlay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Md. Ibraahim Siyaad Yoonis waxaanu si balaadhan uga waramay baahiyaha kala duwan ee biyaha ee ka jirta caasimadda Somaliland ee Hargeysa,waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sedan “kolay hawsha wakaaladda biyuhu way ka duwan tahay wax walba oo culayska Hargeysi ay leedahay iyo biyaha aynu u hayno aad ayay u kala duwan yihiin,laakiin waxa muhiim ah waxa karaankeena ah ee inala tag ah uun in aynu qabano,markaan anigu meesha imid maalintii labaad ee aan xilka la wareegay shaqaalaha ayaan arkay,markii aan waraystay saacadaha ay shaqeeyaan,Jimce malaha,Ciid malaha,waaba maal maha ay ugu hawsha badan yihiin maalmahaasi waxa aan is idhi wax walba ha kala horeeyaane shaqaalaha halkan jooga in aan mudnaanta koowaad siiyo oo aad ka shaqayso daryeelkooda ayaan go’aan saday maalmahaasi bishii Ramadaan ayaa dabayaaqo sii ahayd.imika intii aan joogay ceelkaa aynu imika ka nimid ee daynabooyinka lagu gurayay ee ay hawshiisu dhamaatay waa ceelkii saddexaad ee aanu dhamayno, qalab badan oo dayac tirr oo qalabka mishiinad ah ayaanu diranay todobaadkan gudihiisa in ay nasoo gaadhaan ayaanu ku rejo waynaha waxa kale oo noo soo socda mishiin wayn oo aanu diranay oo isna aanu ku wadno inuu Berbera todobaadkan soo gaadho, kolay dadaalkayagu wuu badan yahay waxaanu is leenahay wax badan ka shaqeeya laakiin waxa is waydiin leh adiga oo dadaalay,dadaalay hadana Hargaysi maxay biyo uga dhergi laada ay ? imika halkaa la joogo 22 saacadood ayay mishiinadu istaadhanyihiin maalintii ciidda ahayd 23 saacadood ayaanu ka dhignay oo ciidda dadku biyo badan ayay u baahan yihiin, saacad badhkeed ayay mishiinadaasi bakhtiisnaayeen.

Ka maamul wakaalad ahaan anagu waxaanu awoodda saaraynaa oo aanu ku dadaalaynaa hargaysa biyaheedaa aynu imika haynaa in ay sii kordhaan,waxaa jira qorshe wayn oo ay ha,adan African 70 diyaarisay oo todobaadkan gudihiisa haddii ay wasiiradu fursad u helaan in shan wasiir oo ka mid ah golaha wasiirada oo hawshaa qayb ku leh iyo maayarka caasimadda iyo wakaaladda biyuhu in aanu hool isugu nimaadno oo qolada African 70 ay soo jeedin nagu siiyaan” ayuu yidhi maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysi.

Axmed Maxamed Shaqalle
Sdwo News Desk
Hargeysa Somaliland