Iibka Xoolah Ee Saylada Hargeysa Oo Kor U Kacay + Xoolaha S/Land Oo Toos U Taga Sayladaha Sucudiga

Iibka Xoolaha Nool Ee Saylada Hargeysa Oo Sare U Kac Balaadhani Ku Yimi + Xoolaha Somaliland Oo Toos U Taga Sayladaha Sucuudiga.

“Wax caqabad ah oo wakhtigan haysta ganacastada xoolaha iyo Saylada ma jiraan, haddii laga tagi waayo, wax Jac la yidhaahdo ayaa wakhtigan noogu daran.” Guddoomiyaha Saylada Xoolaha magaalada Hargeysa Mr Maxamed Aadan Xasan.

Hargeysa(Somaliland.Org) Saylada Xoolaha ee caasimada Hargeysa, ayaa wakhtiyadan ugu dambeeyey camirnayd, taas oo ay ganacastada xoolaha dhoofisaa ay aad ugu mashquulsan yihiin iibsiga xoolaha nool ee xilliga Carafada.

Haddaba, wariyeyaal ka tirsan Shabakedda Wararka ee Ramaasnews oo maanta galinkii hore booqatay Saylada ayaa wax ka waydiiyay Guddoomiyaha Saylada Xoolaha magaalada Hargeysa Maxamed Aadan Xasan.

Guddoomiyuhu waxa uu ugu horeyn ka waramay xaalada guud ee wakhtigan ay ku sugan yihiin ganacsiga xoolaha iyo Sayladu waxanu yidhi “ Xoolaha ganacasigoodu si fiican ayey hadda u socdaan waa laga baxay wakhtigan xoolihii iska soconayey meel ay ku qoran yihiin aanay cidi garanayeyn, Sucuudiga ayey xooluhu hadda halkan si toos ah uga galaan, si wanaagsana waa loo iibsadaa, caafimaadkoodana si adag ayaa looga shaqeeyaa iyagoo markooda horeba caafimaad qaba”.

Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay qiimaha kala duwan ee noocyada xooluhu ka taagnaayeen Saylada waxaanu yidhi “Isbedelada sixirka xoolaha Ilaahay ayuun baa garanaya oo maalinba waa sixir gooniya, Waxa imika bilaabantay Carafadii oo hadda qiimaha Adhiga ee ugu sareeyaa waxa la kala siisanayaa 50 ilaa 55 Doollar, kuwa ka sii hooseeya waxa la kala siisanayaa saaka 48 Doollar, Geella haddii aan ka waramo dhawr nooc ayaa loo iibsadaa waxana ka mid ah Daabax, Dhoof iyo Geella waaweyn, waxaana mid waliba leeyahay heer iyo qiime u gaar ah. Kan ugu sareeya qiimihiisa maanta waxa la siisanayaa 4,500,000 [afar milyan iyo shan boqol oo kun shilin Somaliland], ka ku sii xiggaana 4,000,000 [afar milyan oo shilin] ka ugu hooseeyaana waxa la siisanayaa 3,500,000 [sadex milyan iyo shan boqol oo kun]. Sidoo kale qaalinta dhaqmaadka waxa la siistaa 2,000,000 [laba milyan oo shilin], ta ka hoosaysaana waa 1,600,000 [hal milyan iyo lix boqol oo kun shilin] Qaalmaha labna waa la dhoofiyaa. Lo’du uma badana iibkeedu sida xoolaha kale, waxaana aad loogu iibsadaa Saylada Tog-wajaale. Markaa sixirkeedu hadda meel ayuu taagan yahay oo daabaxeeda maanta waxa la kala siistay 3,000,000 oo shilin Somaliland ah [sadex milyan oo shilin]”.

Mar aanu waxa ka waydiinay in wax caqabad ahi ka jiraan Saylada iyo xoolaha, waxanu ku jawaabay “Wax caqabad ah oo wakhtigan haysta ganacasiga xoolaha iyo Saylada ma jiraan, haddii laga tagi waayo qolada dhakhaatiirta oo dee dalka u dan ah oo caafimaadka xoolaha ilaaliya, wax Jac la yidhaahdo ayey wakhtigan shegaan. Jacdaasna neefkii yeesha halkan ayaanu ku soo reebnaa si aanu Saylada ganacsi ee xoolaheena loo iib geeyo aanu inooga dilin, waxanan rajeynayaa in xoolaha saaka Saylada Hargeysa ka dhoofay la iibiyo wiiga dambe”.

Dawlad Cabdilaahi Maxamed oo ka mid ahayd ganacasatadii aanu saaka kula kulanay Saylada xoolaha ee magaalada Hargeysa, oo aanu wax ka waydiinay xaalada Saylada iyo nooca xoolaha ay ka ganacasato ayaa ku jawaabtay “Xooluhu wakhtigan aad iyo aad ayey wanaagsan yihiin qiimahooduna aad ayuu u sareeyaa Ilaahay ayaan ugu mahadcelinayaa Nicmadu na siiyey.” Waxa ay intaas ku sii dartay oo ay tidhi “Waxan ka ganacsadaa adhiga Daabaxaada ah oo aan ka iibsado dadka reer miyiga ah ee adhiga Saylada keena, marka dambena waxan ka sii iibiyaa dadka qala ee suuqyada Gobanimo iyo Waaheen.”

Ramaasnews Desk