Mudaharad Boorama Ka Dhacay, Dadkii Cadowga S/Land taagerayay, Qaska Borama & Cida Ka Danbaysa

Mudaharad Boorama Ka Dhacay, Sadexdii Nin Ee Maleshiyada ONLF Gawadhida U Waday, Qaska Borama & Cida Ka Danbaysa

Boorama (Somaliland.Org) Waxa maanta ka dhacay Magalada Borama mudaharaad lagu diidana sadex nin oo loo xidhay arrinkii maleeshiyadii ONLF ee dhowaan kasoo degtay xeebta galbeed ee Somaliland.

Sadexda nin ee la xidhay ayaa aha sadexdi nin ee waday sadexdi gaadhi ee waaraadka ahaa ee lagu soo daabulay maleeshiyada ONLF.

Dadka mudaharadaayay ayaa la sheegay in kadib markii ay ka hor yimaadeen ciidanka Booliska Somaliland ay halkaa ku dhaawacmeen laba qof. Sidoo kale waxa wararku intaas ku darayaan in sadexdii nin e jeelka ku jiray in mid ka mid ah dadki mudaharaadayay oo qamoomsan ay jeelki kasoo jabiyeen.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in mudaharaadyadan iyo qaska ka socda gabledka Somaliland ay ka danbeeyan dad ka mid ah xukuumadii hore ee Somaliland, kuwas oo isku dayaya inay nabadgelyada Somaliland dhaawac u geystaan, iyaga dhaleecayn uga dhigaya xukuumadda Somaliland.

Dhinaca kale waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in ciidankii xeebaha galbedka Somaliland iyo rag hore masuuliyin u ahaan jiray ay fartu ku godan tahay in dhacdadan iyo qaskan ay lug ku lecithin.

Waxii kasoo kordha arrintan kala soco Somaliland.Org