Kursi Baanu Rabnay!

Kursi baanu rabnay!!
Barkhad M. Kaariye

Telefoonka gacantu ma joojin jirin dhawaaqa, kama nasto soo-dhicitaanka khadad kala duwan. Afar ilaa shan masuul ayaa u baratami jiray inay ku kala horreeyaan wicitaanka ama garaacista Telefoonnadaas, iyaga oo la kadlaynaya farriimo isku mid ah, balse farqiga u dhaxeeyaa kaliya uu yahay dadka tebinaya oo kala da’, aqoon, xil iyo firfircooniba duwan. Kama daalaan ku cel-celinta wicitaanka, ilaa ay indhahoodu qabtaan qabyo-tirka ujeedadooda. Waxay ugu necbaayeen ereyaday ka mid yihiin; “Lambarka aad garaacday lama heli karo. Telefoonka aad garaacday lama qabanayo iyo Lambarka aad la hadashay wuu xidhan yahay,” ee kaga soo jawaab-noqda garaacista khadadkaas. Si ay u gaadhaan himilada hawlaha iyo danaha ay wataan, way fulin jireen haddiiba xitaa ay keenayso in ay gaadhi ku doonaan cidda wadata Telefoonnada ay garaacayaan ee ay danaha ka leeyihiin. “Fadlan taageerayaal cusub baan nagu soo biiraya ee cid war nooga tebisa noo soo dira wakhti hore,” waa dulucda nuxurka farriinta ay gudbinteeda u tartami jireen masuuliyiintaasi. “Haddii uu habsaamo qofkaad noo soo diraysaan, si aanu ula hadalno, fadlan ma na siin kartaan Lambarka Telefoonkiisa,” ayaa ku ladhnayd had iyo jeer.

Waa siyaasiyiin intooda badan hadda loo magacaabay xilal, balse wakhtigaas ahaa mucaarad. Waxay ahaayeen saaxiibka Suxufiga iyo Saxaafadda, isu-dhiga inay col la yihiin cid kasta oo kala saarta warbaahinta. Way ku dhaliili jireen, kuna cambaarayn jireen xukuumaddii hore war-siin-la’aanta Warbaahinta iyo kala qoqobka Saxaafadda, iyaga oo ku tilmaami jiray in inaanay masuuliyiintu xog bixinin ay xorriyatul-qawlka ka hor imanayso. Balse, hadda sawirkaas ma leh. Wax waliba waxay isu-bedeleen cakiska. La-yaab ma leh in wax iska bedelaan aragtida qofku ka qabo xilka, waana la dareemi karaa xilka culayskiisa, hase yeeshee, taa macnaheedu maaha in qofku ku dhaqmo amaba ka gudbo xadka waxa uu ku dhaliili jiray masuulkii ka horreeyay. Waxay u muuqataa in aanay arkin ama ay iska indho-tirayaan dhaliil ay arkayeen ka hor intii aanay gelin xayndaabka masuuliyadda xilalka ay hadda hayaan. “Warbaahintu masuuliyad ha isa-saarto oo ha iska hubiyaan xog kasta oo ay helaan, iyaga oo ka xaqiijinaya masuuliyiinta ay khusayso,” waa ereyo uu mid ka mid ah masuuliyiinta wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen warbaahinta u doodi jiray uu ku bedelay dhaliishii masuuliyiintii ka horraysay. Waa dhab iyo mid ka mid ah mabaadii’da Warbaahinta in la hubiyo xog kasta oo la helo iyo in cid kasta oo xogtaasi gashaa xaqiijiso ama beeniso, waxase in la xuso mudan in aanay masuuliyiinta qaarkood diyaar u ahayn gudashada waajibaadkaas.

Waa aroornimo ka ordaysa barqanimo, waa xilliyada badiyaa caqliga fayow iyo culayska xilku farayo masuulka, in aan laga waayin goobta shaqada, isla markaana uu umadda u shaqeeyo oo uu guto waajibaadka qaran. Balse, u-shaqaynta umadda wuxuu kaga kalsoon yahay oo waajibaad uu gutay u yaqaanaa in uu Ciidan xooggan Albaabka dhigto. Ma darna in masuulka ammaankiisa la ilaaliyaa, waxase aan caqliga saliimka ahi qabin in Ciidankaasi qabtaan wax ka badan ilaalinta amniga, sida u-hanjabidda, riix-riixidda iyo u-cago-juglaynta muwaadin u soo kallahay in loo adeego. Raadinta xog-maalmeedka iyo xaqiijin-u-doonista wararku, waa xil gaarkiisa u saaran Suxufiga. Waxa badanka saxaafaddu u hoggaansan tahay tiirka sharciga warbaahinta iyo dardaaranka masuuliyiinta qaarkood ee ah sugidda xaqiiqada warka. Hase ahaatee, isaga oo Suxufigu riix-riixidda kala siman muwaadiniinta kale, waxase isaga u dheer mid ka mid ah waxyaabihii xukuumadda cusub ka ololayn jirtay. “Markii hore dhib iyo riix-riix ayaanu xarunta ku galnay oo ciidankaa na kadeeday, markii dambena Warbaahintoo dhan buu yidhi idiinma waramayo, waxaanu u waramay cid gaar ah,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah suxufiyiinta sida gaarka ah dhibbanaha u noqday kala-qoqobka warbaahinta oo ka warbixinayay masuul uu kala kulmay ficilkaas xubnaha Dawladda cusub qaarkood la xumaa wakhtigii mucaaradadda, balse hadda ay la quman tahay.

Haddii hawl jirta ama caqabad ka dhalata Ciidanka la hor dhoobo xafiisyada awgeed ay suurtogeli waydo in Suxufigu la kulmo masuulka uu warka xaqiiqdiisa laga raadinayo, jidka xigaa waa in lagu waraysto Khadka Telefoonkii dhawaaqa aan joojin jirin wakhtigii mucaaradnimadu, hase yeeshee, taas ayaa iyana ay ka taagan tahay carqaladda xog-la’aantu. Sababtoo ah, waa faro-ku-tiris inta masuul qabta Telefoonkiisa oo la garaacay, ha ugu darnaado oo ha iska ilaaliyaan Lambarkii ay shalay garaacis Dabka kaga ridi jireen. “Marka lambar soo galo, waxay qaarkood yidhaahdaan; ma garanayo lambarkan, oo ma qabtaan,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka goob-joogga u ah hab-dhaqankan cusub, hase ahaatee, waxa isweydiintu tahay; umadda ay u shaqaynayaan ma hal Telefoon bay wada isticmaalaan oo u kaydsan, sidee ayayse isu-qabanaysaa u adeegista Umad saddex Milyan oo qof ka badan iyo u-fikirka in loo adeegayo qof iyo laba?

Si kastaba ha ahaatee, diidmada masuuliyiinta ee inay xog bixiyaan ama cid gaar ah u-warankooda iyo in la sugo xaqiiqada warku sidee ayay isu-qabanayaan? Guud ahaan Bulshadu, gaar ahaan Warbaahintu ma waxay u qaadataa in hab-dhaqankii iyo la-macaamilkii xubnaha dawladdan cusub ay warbaahinta kula dhaqmi jireen markay mucaaradka ahaayeen ay macnaheedu tahay; Kursi baanu rabnay?

Guntii iyo gunaanadkii, weedha isbedel ee ay Xisbiga talada hayaa ku ololayn jireen ka hor wakhtiyadii Doorashada Madaxtooyada ee ay talada kula wareegeen, kaliya maaha in dhismaha xukuumadda lagu dabbaqo ama ay noqoto kelmad Afka oo kaliya laga odhan jiray oo dhaqan-gelinteedu adag tahay. Waxaase hirgelinta isbedelka ka mid ah in laga gudbo wax kasta oo caqabad ku noqon kara horumarinta dalka, gaar ahaan in laga waantoobo ficillada kor ku xusan, si ay u suurtogasho tebinta warar iyo xog salka ku haya xaqiiqada oo ay ka hadlayaan cidda sharciyan iyo awood ahaanba xaqa u lehi. Sidoo kale, waxa muhiim ah in aan hab-dhaqanka dawladda cusubi aanay u muuqan in masuuliyiintii hore kuwo cusub lagu bedelayay, balse aan laga fikirin baahida loo qabo in la bedelo hab-dhaqankii hore ee ay iyaguba dhaliili jireen.

Barkhad M. Kaariye
E-mail: kaariye104@journalist.com
Hargeysa, Somaliland.