Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Cabdi Oo Waraysi Dheer Siiyey..

KULMIYE muxuu ka yidhi Gobollada tirade badan ee Rayaale magacaabay?

“Markaad xisbiyo badan sii dayso saddexdii baynu u taag la’nahaye, yaa huba inay u hoggaansamayaan natiijada?”

Guddoomiyaha KULMIYE – WARAYSI GAAR AH

“Arrinta bariga, dadka aanu wada-hadallada la galaynaa laba shuruudoodbaa ku xidhan oo kala ah…”

“Ma joogno wakhti nalagu canaanto waxbay dabciyeen, anaguba markaanu mucaaradka ahayn sidaa maanu yeeli jirin”

“Ciddii masuuliyadda Ciidamada dalka dhex maray lahayd waa in ay Dawladdu..”

Muuse Biixi Cabdi

Aragti ahaan imisa Urur in la furo ayuu Xisbiga Kulmiye aaminsan yahay?

Hargeysa, 16 September, 2010 (Ogaal)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay arrimo kala duwan, ayaa ku baaqay in dawladda Somaliland baadhis ku samayso sababta keentay in Ciidamo Ajaanib ahi ka dhex tallaabaan dalka, waxaanu ka warbixiyay aragtidooda rasmiga ah ee la xidhiidha furashada Ururada, isaga oo jawaab ka bixiyay dhaliil ay xisbiyada Mucaaradku u jeediyeen xukuumadda.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Ogaal, waxa kale oo uu ka hadlay fikirkiisa la xidhiidha aragti ay dadka badankoodu qabaan oo ah in xukuumaddan cusub laga reebay Saraakiishii SNM iyo sidoo kale xaaladaha amni ee bariga iyo galbeedka dalka.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu arrimahaas iyo arrmo kaleba kaga hadlay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu shalay Xafiiskiisa ku siiyay Wargeyska Ogaal, waxaanu waraysigaasi u dhacay sedan;

S: Guddoomiye, dalka waxa ka dhacay isbedel ay ka mid tahay in lagugu wareejiyay Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE, maxaad ka odhanaysaa xaaladda dalka?

J: Shacbiga Somaliland waxay u codeeyeen isbedel, isbedelkuna wuxuu ahaa in xaalad kasta oo jirtay dhaqaale, siyaasadeed, nabadgelyo mid ka wanaagsan la gaadho, xilkaa waxa lagu aaminay xisbiga KULMIYE. Xisbiga KULMIYE imitixaan adag ayuu ku jiraa, dadkii faraha badnaa ee rejada badan saaray ee codka badan siiyey ee dhalinyaro u badnaa ee Sheekh lahaa ee Cirroole lahaa ee Carruur lahaa ee Haween lahaa, dhamaantood waxay naawilayaan isbedel horumarineed, nabadgelyo, aqooneed, caafimaad oo deg-deg ah. Islamarkaa qolada KULMIYE duco iyo taageero ayaan u baahan nahay in lanagula hawl galo. Waad arkaysaa isbedelkii imika ayuun baynu bilawnay, dhisiddii xukuumadda walina may dhamaan. Isbedelka u horeeya ee aanu samaynaynaa waxa weeye in la yareeyo ama lala dagaalamo musuqmaasuqa, maamul hufan in la sameeyo ayaa ugu horeysa, haddii kaa la helo waxay ila tahay wax baa la qaban karaa. Markaa tallaabooyinka u horeeya ee la galayaa waxa weeye, iyadoo dadkii shaqaynayeyna aan la xumaynayn oo aan xuquuqdooda lagu xadgudbayn in maamulkii la toosiyo, marka maamulka la toosiyo ayey waxqabadkii iyo hawshiina soo baxaysaa. Markaa imika waxa lagu jiraa xaaladii bilawga ahayd oo xukuumaddii ayaa gacanta lagula jiraa, markaa malaha odhan maysaan imika maxaa wax loo qaban waayey, marka lix bilood iyo sanad ayaa wax la is waydiin doonaa.

S: Guddoomiye, waxa jirtay qorshayaal aad ku ololayn jirteen wakhtigii aan doorashada la gelin, kuwaas oo ballan-qaadyo badani ku jireen, ma jiraan wax iska bedelay qorshahaas?

J: Waxba iskamay bedeline, Ciiddii markii uu Madaxweynuhu hadlaayey 100-kii maalmood barnaamijkoodii wixii qabsoomay iyo kuwa kale sida ay u qorshaysan yihiin waa kii inoo sheegay. Markaa waxay filayaan ama ay ummadda oo dhami soo eegaysaa inaanu 100-ka maalmood wixii la ballan qaaday la fulinayo. Markaa waanu ku talo-jirnaa, waxaana ka mid ah in; Biriijkan Hargaysa la dhameeyo, in la sameeyo guddidii la-dagaallanka musuqmaasuqa, in Cashuuraha sidii ay ahaayeen loo soo ururiyo, in nabadgelyada dalka oo dhan la sugo. Waad arkaysaan dagaal adag ayaa la inagula jiraa, kolba meel ayey wax ka soo butaacayaan inaga oo aan cagahaba isku taagin, markaa waxaas oo dhan ayaa socda oo aan filayo inay waqtigoodii ku socdaan. kollay dedaal yaraysan mayno, nin dadweynihii ka dambeeyaan oo la soo eegayaa oo waliba barnaamij la akhristo leh oo la leeyahay waxan maxaad ka qabatay, waanu ognahay xilkaa na saaran. Dhinaca kale, waxaanu garanaynaa shacabku inay maanta awooddoodii ogaadeen oo ay fartooda ku bedelayaan ciddii ballantay u qaaday ka soo bixi wayda.

S: Waxyaabihii uu madaxweynuhu ballan-qaaday waxa ka mid ahayd in uu kugu wareejiyo xilka guddoomiyenimo ee Xisbiga iyo in Ururada la furo, xilkii wuu kugu wareejiyay, Ururada furistoodii ka waran?

J: Horta ballanta Madaxweynaha oo keliyi qof ahaan umuu qaadin, waa barnaamij xisbi oo xisbi ayaa wada qaaday, barnaamijkii xisbigu ballan qaaday sidiisii ayuu u taagan yahay. Dooddaa ururada in la furo mabda’iyan KULMIYE wuu u aaminsan yahay waana fikrad uu keenay. Laakiin barnaamijka xisbiga iyo fikrada KULMIYE maaha xeer dalka u yaala ama sharci u ah, xisbiyo kale ayaa jira dad kale ayaa jira, fikradaasi waxay u baahan tahay in qaranku ka tashado, aragtiyo kala duwan ayaa laga qabaa, anagu waanu aaminsanahay xisbiyada in la furo oo aanu qofna odhan waxbaa la xuurtaystay. Laakiin, iswaydiintu waxa weeye goorma ayeynu furnaa? Maxaa dhibaato ah ee inaga hor iman kara? Sidaynu ugu sii diyaar-garawnaa? Maanta waynu ognahay Geeska Afrika iyo dalkeena nabadgelyadu siday tahay, markaad xisbiyo badan sii dayso oo tartama saddexdii baynu u taagi la’nahaye oo aad ogaydeen sakaraadkii ina hayey’e, awoodeedii aynu ku maamulaynay horta ma u haynaa. Xisbiyada aynu sii daynaa haddaynu nidhaahno saddex ayaa la diidee aynu toban ka dhigno, qaar ayuun baa odhanaya maxaa toban loogu xanibayaa. Nabadgelyadeena wax ma u dhimi kartaa, dalka khilaafaad badan ayaa jira; mid qabaliya ayaa jira, mid Diiniya ayaa jira, mid dhaqaale ayaa jira, haddaynu oodda ka qaadno maxaa inagaga soo baxaya. Awooddii dhaqaale, tii nabadgelyo, tii maamul ma hayno. Waxaynu iswaydiinaynaa saddex xisbi qaran oo jira ayaa waxa la magacaabay toddoba gobol oo cusub, gobolladaasi siyaasad bay ku fadhiyaan, lama kala xadayn, intaas oo degmo ayaa la magacaabay degmo, waxay ku fadhidaa siyaasad oo golayaasha ayey hunguraynaysaa, lamana kala xadayn. Markaa fikraddii hawl badan iyo cilmi-baadhis ayey u baahan tahay.

KULMIYE wuxuu aaminsan yahay in nin waliba tartan xora sida distoorka qodobka 23-aad qorayo uu waxna dooran karo, lana dooran karo. Basle, waxa daba socota, si waafaqsan sharciga. Laakiin, dawladda xilbaa saaran, wax la yidhaahdo maamul waa inaad nidaamisaa oo aan la odhan xor baa ahay ee is-qaawi. Waxaynu u baahannahay in qaran ahaan laga tashado oo dhinacyo badan laga eego. Sharcigii lagu maamuli lahaa ee 14-aad wuu baaba’ay oo muddadii hore ayuu ku ekaa, guddidii diiwaangelintu way dhamaatay. Markaa waxaanu leenahay maanta qodobo ka muhiimsan ayaa ina horyaala, nabadgelyada oo aynu dhisno ayaa inoo yaala, maamulkii dalka oo dhisno, kala dambayntii iyo nidaamkii oo aynu helno oo aynu isxakamayn karno ayaa yaala. Haddii la sii daayo xisbiyadii shan xisbi ama in ka badan ay yidhaahdaan ma ogolin natiijada ay ku dhawaaqeen guddidaasi, hadhimaayo ninkii ciidan buu wataa, ama qabali u abuurmay, ama ganacsi buu ahaa, ama koox diini ah ayey ahaayeen, rag mabda’uun isku raacay, side la yeelayaa. Rayaale markii uu yidhi waan ogolahay saacadii yarayd ee ay Cismaan Hindi iyo Xoghayuhu hadleen markiiba tashi baa ku dhacay dadweynihii. Rayaale oo 10 sanno aynu lahayn wuu qaldanaa, wuxuu soo baxay Geesi. Hadduu diidi lahaa maxaa dhici lahaa? Saddex Xisbi oo waliba codkaa lagu kala helay, ayaan lagu qanacsanayn. Markaa haddaynu xisbiyada sii dayno, yaa huba inay u hoggaansamayaan (Natiijada), haddayse qaar diidaan oo waliba ay awood leeyihiin, ka hortegiddoodu maxay noqonaysaa? Waxa la yidhaahdaa wax badso, wax beel bay leedahay, markaa waxay u baahan tahay ka-fiirsasho iyo qaranka oo ka tashada. Mar walba waxaanu taagganahay tartankaa xorta ah iyo in ay dadku tartamaan. Sida loo dhigayna maaha oo ma diiddanin in ay Xisbiyo tartamaan. Hadii nalaga badiyana, halka ay dadku doortaan ee ay raacaan ayaanu diyaar u nahay. Laakiin, waxaynu u baahannahay danteenii guud, maamulkeenii iyo nabadgellyadeenii arrintaa in loo bisleeyo. Markaa mudnaanta koowaad ee dawladdu ma noqon karto in Xisbiyo la furo oo dadka lagu dhaqaajiyo, waxa ka horreeya, shalay waad arkayseen wixii ka soo galay galbeed, waxa ka socda bari. Markaa xisbibaan doonayaa maaha in caadifad lagu garaaco, iyada oo aan la eegin dhibaatooyinka horyaala. Ka doonayaw aniga oo kula mid ah oo aynaan isku riix-riixin oo aynu tartan wada doonayno aynu hubsano tartan aynaan dhibaato ku keenin, halkaas ayaanu taaganahay.

S: Arrintan aad ku celcelisay ee wada-tashiga, dadku waxay isweydiinayaan, yaa ka wada tashanaya, goormaase laga wada tashanayaa, arrintaa maxaad ka leedahay?

J: Horta shan sanno ayaa loo dhiibay xilka Madaxweyanaha, wixii uu shan sano ku qaban lahaa laba bilood ku qabo yaan la odhanin, baahiyihii dadku way fara badan yihiin. Maanta wuxuu ku sii jeeday maamul-hufid iyo dawlad-dhisid..Markaa wada tashigii wuxuu soconayaa. Laakiin waxaynu ku soconaynaa kolba inta ahmiyaddeena ka dhiman, mar walba labada qodob ee mudnaanta koowaad lihi waa nabadgelyada iyo dhaqaale oo aynu helno, waxa soo raaca maamulka oo aynu dhisno, markaasaynu tartanka iyo garoonkii hagaajisanaynaa. Laakiin waa inaynu eegnaa maxaa inoo mudnaan ah, maxaa inala gudbood; in dhaqaalihii kor loo qaado oo dadkii mushaharo hagaagsan la siiyo oo dib la isugu noqdo. Maxaa ku xiga, maamuladeenii laba degmo oo kala xadaysani ma jiro, waa hawl inteeda le’eg, ka bacdina aynu u gudubno doorashooyinka, wax waliba waxay kala leeyihiin talaabooyin la isku maro. Markaa waxba ma diidanin mucaaradka waxaanu leenahay aynu wada tashano in yooyootano oo la is dhaliilaa waxba tari mayso. Waxaanu diyaar u nahay inaynu mar walba sida ugu mudan u tashano oo intaynu isla ogol nahay isla qaadano oo aynu yarayno inta aynu isla diidanahay, ileen is-raaci mayno oo laba xisbi ayeynu kala nahay. Laakiin, danta guud inta aynu israaci karnaba oo waliba xagga dawlada iyo xisbul-xaakimka laga rabo tanaasul badan, markaa waanu wada tashan doonaa mar walbana diyaar ayaanu u nahay.

S: Siddeeddii bishan kulan aad Xarunta Komishanka ku yeelateen Xisbiyadiina iyo Komishanku, waxa lagu gaadhay qodobo qaarkood ka hor iman kara in Ururo la furto, gaar ahaan in la soo hormariyo Doorashooyinka Deegaanka, arrintaa ka warbixi?

J: Waxay ila tahay laba isku xidhan maaha, midi waa dastuuri oo imika ayey taagan tahay, midina waa himilo siyaasadeed oo la doonayo. Midi dastuuri oo doorashadii waqtigii golayaasha la dooran lahaa wuu dhamaaday, midna imikuu dhacayaa. Golaha Deegaanka iyo Guurtida mar hore ayuu dhacay, waa distoori inay dadku doortaan oo mid cusub keenaan meesha, waa sharci dadkoo dhan saaran, qolada Golayaasha Wakiiladana imika ayuu ka dhacayaa. Markaa kuwa distoori ee taagan miyaa la hirgeliyaa, mise kuwan waxa loo dabraa himilada siyaasiga ah ee la doonayo. Waxaan qabaa haddii la yidhaahdo haloo dabro Golayaasha doorashadooda xisbiyada, waxa weeyaan afar sano oo dambe in aan dib wax loo dooran. Markaa waxaanu leenahay kuwan hala doorto oo dhibaatada hortaala ha laga hor qaado oo markay timaaddo iyana ha la qabto, uma jeedno wax ha la xannibo. Laakiin, waxa weeye doorashada lacagteedii loo hayo ee imika diyaarka ah ee waqtigeedu taagan yahay ha socoto, xisbiyadda doorashadoodu waxay inooga baahan yihiin in maamulka ka hufo, in nabadgelyada la sugo in laga heshiiyo qaabka ay noqonayaan waxyaabahan u Madaxweynuhu ballan qaaday ayey ku jirtaaye waqtiga ay kaga haboonaato aynu furno ayaan leeyahay.

S: Haddiiba wada-tashigaas aad ku xidheen furashada ururada, aragti ahaan maxaad soo jeedin lahaydeen in lagu kobo tirada Ururada?

J: Distoorku wuxuu leeyahay qof waliba wax buu dooran karaa, waana la dooran karaa si sharciga waafaqsan ayey u taalaa kelmadaasi, markaa nin baa wuxuu leeyahay aniga oo keligay ah haddaan cid waayo waan is-sharaxayaa ileen sharcigiibaa yidhiye. Haddaynu dhamaanteen wada yaacno, waxaynu galaynaa muruge aynu wax xaddidno. Anagu imika odhan mayno intaa ha ahaato, marka la isku yimaado ee fikrado badan oo tayda ka duwan la keeno ee meelo badan oo aanan anigu wax ka arkayn la iga tuso wuxuun baa la yeeli doonaa, taasa la isku raaci doonaa. Waxaan ogolahay in qof waliba uu xorriyad helo aynu ku heshiis nahay, waxna uu ku doorto, laguna dooran karo oo aan nabadgelyadeena, maamulkeena iyo wadajirkeena xumaynin.

S: Distoorku wuxuu ka mid ahaa waxyaabihii aad cuskan jirteen ee aad ku ololayn jirteen, waxaad sheegteen in aad furi doontaan, hadda diyaar ma u tihiin inaad furtaan?

J: Haa, horta wax waliba way koraan sida qofka bani’aadamka ahi u koro ee geedku u koro ayay shuruucda iyo dalka siyaasadiisuna u koraan. Markaa, waynu koraynaaye waa qasab in dastuurkeena la furaa, dastuurkeenu meelaha uu qabyada ka yahay waa in la furaa oo kolba la kordhiyaa. Anigu haddii markii aan mucaaradka ahaa cuskan jiray Dastuurka, Soomaalidu waxay tidhaahdaa, Ilaahow haa iyo maya meel ha igaga wada yeedhsiin, wixii aan qabay iyo fikradihii aan aaminsanaa ayaan imikana cuskanayaa. Waayo intaan buug kuu qoro oo aan ku idhaahdo sidaasaan kuu maamulayaan, been kama sheegi karo. Intaas oo cajaladood ayaa la iga hayaa, wixii aan diiddanaa ee aan qalad u arkayay waan arkayay, imikana waan arkayaa. Maaha kursigaan imi ka dibna waan ku saxayaa, taa uma socono anagu, waxa weeyaan in wax la saxo. Shalay waxaan ku haystay Daahir Rayaale iyo Xukuumaddiisii ma dhegaystaan dadka..ileen aniga ayaa soo arkay dhibaatadeeda marka la isdhagaysan waayo’e. Adiga iyo ninkii doonayaa inaanu la doodno, diyaar baanu u nahay inaanu aad isku qancino oo aanu isku raacno, waliba oo haddii uu iga ra’yi toosnaado waxaa uu i tuso aanu ku raacno oo aanaan ku ceeboobayn. Haddii xisbiga naga soo horjeedaa ama kooxda naga horjeedaa wax dalka dan u ah ay i tusaan, oo aanu isla aragno, waanu raacaynaa. Haddii dadku meel u bato oo xataa anaga aan noo muuqan, waanu u hogaansamaynaa, intaan dawladii hore ku haystay ayey ahayd, intaan kaa ballan qaaday ayey ahayd, intaad doorashada igu siisay ayey ahayd. Intii oo dhan waa in la iga helaa, ileen waxaynu galnay heshiis, haddii aanu qaladnana saxaafada ayaa ila hadlaysa oo shacbiga ayaa ila hadlaya.

Maxaa xukuumadda cusub uga qorshaysan gobollada tirada badan ee xukuumaddii hore magacowday, arrimaha dhulka siday u arkaan, arrimaha Buuhoodle, aragtida eedaynta mucaaradka ee xukuumadda cusub iyo dhammaan jawaabo kale oo xiiso badan oo ka mid ah waraysigan, la soco caddadka dambe…