Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay In Isaga Iyo Rayaale Ay

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay In Isaga Iyo Rayaale Ay Saraakiil Maraykan Ah Kula Kulmeen Jabuuti

Hargeysa (Somaliland.Org) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland C/llaahi Ismaaciil Cali (Cali) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war shalay uu daabacay wargeyska Ogaal oo sheegayay, in isaga iyo madaxwaynihii hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ay dhawaan Markab Maraykanku leeyahay oo ku sugan Jabuuti kula kulmeen Saraakiil sar sare oo Maraykan ah oo waraysi la yeeshay, waxaanu C/laahi Ciro ka dhawaajiyey in aanu warkaasi waxba ka jirin Jabuutina uu u tagay arrimo shakhsi oo gaar ah.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha C/llaahi Ismaaciil Cali (Ciro) waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf kula soo xidhiidhay khadka tilifoonka isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa.

C/llaahi Ismaaciil Cali Ciro ayaa waxa uu ka soo noqday safar shaqsiya sida uu sheegay oo uu ku tagay dalka Jabuuti, waxaanu sheegay in uu dalka Somaliland ku sugnaa markii warkan laga baahinayey.

Mr C/llaahi Ciro, isagoo ka hadlaya ujeedada safarka uu ku tagay dalka Jabuuti, waxa uu yidhi “Markii uu wargeyska Ogaal warkaas qoray waxaan ku sugnaa magaalada Hargeysa, Safarkaygaas laga been sheegay ee aan ku tagay dalka Jabuuti waxa uu ahaa mid shakhsi oo aniga ii gaar ah, waxaanan u tagay halkaas dano gaara, waxaana qurux badan in wargeyska Ogaal warka ay qorayaan ay u meel dayaan, waxay yidhaahdeen waxa ay isaga iyo madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxa ay Jabuuti kula kulmeen saraakiil Maraykan ah, waxaan shacbiga reer Somaliland u cadaynayaa in aanay waxba ka jirin warkaas, saraakiil Maraykan ah oo aan la kulmayna aanay jirin”

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (Ciro) waxa uu intaas ku daray “Warku markaad qorayso waxa uu ku wanaagsan yahay in aad xaqiiq qorto oo aad ummada ku akhrisata u baahiso, Waxaanan mar labaad u cadaynayaa ummadayda in aanay waxba ka jirin warkaas beenta ah ee la iga baahiyey, ”.

Source: Haatuf