Wasiirka Boosaha Iyo Is-gaadhsiinta Oo Beeniyey war Lagu Baahiyey Wargeyska Waaheen

Wasiirka Boosaha Iyo Is-gaadhsiinta Oo Beeniyey war Lagu Baahiyey Wargeyska Waaheen

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdirisaq Ibraahim Madar, ayaa beeniyey war lagu baahiyey Waaheen iyo saxaafada qaarkood, warkaas oo sheegaya, in xubnaha xukuumada Cusub kaga jira beelaha Harti ay ula tageen Madaxweynaha in ay xilka iska casilayaan. Wasiirku oo aanu wax ka waydiinay arrintan ayaa noo sheegay in aanu warkaasi waxba ka jirin, wuxuuna yidhi @ warkaas wax ka jiraa ma jiro, waana war aan sal iyo raad-toona lahayn. Madaxweynaha marnaba ulama aanan tagin in aanu xilka iska casilayno iyo in aanu hawsha qaran ee uu noo magacaabay diidanahay midna. Waa war been ah warkaasi.”

Waxaanu wasiirka waydiinay in uu jiray shir ay wada yeesheen madaxweynaha, lagagana hadlay shirkaas dareen odhanaya in saamiga beelaha Harti ka heleen xukuumada kuaydaan qanacsanay? Wuxuuna noogu jawaabay.

“ Waa jiraa shirkaasi, madaxweynahana waanu kulanay, waana ka wada hadalay arrinka saami-qaybsiga, waana isla fahanay madaxweynaha dareenkaas iyo cabashada taagan ee ka soo noqotay arrinka xilalka uu magacaabay. Waxaanse marnaba jirin in aanu hadalka noocaas ah ee xil iska casilka ah aanu ula tagnay madaxweynaha Qaranka Somaliland.”

Inkastoo uu dedefeeyey warka lagu baahiyey waaheen, haddana waxa uu sheegay wasiirku in si caadiya ay Madaxweynaha cabshada ugu gudbiyeen, waana sifaha dawladnimo ayuu yidhi in laga wada hadlo hadba dareenada soo kordha iyo duruufaha taagan ee ka soo noqda talaabooyinka dawlada.

Dhanka kale waxaa isagauna arrimahaas aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino wasiirka gaashaandhiga, waxaase nasiib-daro nooo suurtogeli wayday in aanu la kulano ama uu naga qabto telefoonka. Sidoo kale waxaa cabshadaas isaguna ka hadlay saami-qaybsiga Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka soo jeeda sanaag-bari, wuxuuna sheegay in aanu u arag in talada Madaxweynuhu qaatay ee ka qaatay kuwa ku xeeran, ka turjumayso dareenka dhabta ah ee Sanaag-bari.

marka laga yimaado cabashooyinkaas, waxaa aan jirin warka nuxurkiisu yahay in ay ula tageen si casilaad, wuxuuna wasiirku ku soo noqday hadalka isaga oo leh “ wararku waxa ay ku wacan yihiin saxaafad ahaan in dhinacyada ay khusayso laga soo dheegto, haddii war soo baxo, waxaa wacan in cidda ay khusao la waydiiyo, laakiin in la sameeyaa meesha ma taal. Annaga, gaar ahaan, annigana warkaas intii aan la baahin cid wax iga waydiisay ma jirto.”

Arrinkaas danbe ee uu ka dhawaajiyey wasiirku waxaa aanu u danynaynaa waaheen oo shaacisay warka in ay k jawaabto.

Somalilandfuture Online