Toljecle Waxaa Uu u Tanaasulay Danta Qaranka, Hormuudna Ka Noqon Mayno …

Toljecle Waxaa Uu u Tanaasulay Danta Qaranka, Hormuudna Ka Noqon Mayno Mucaaridka  Tubta Ku Soo Jira Gudoomiyaha Qurba Joogta Toljecle Ahmed Ali Khayre
Hadii aanu nahay Beesha Ahmed Sheikh Isaq Toljecle oo si weyn u saluugsanayd saami qaybsigii beelaha ee golaha Wasiirada, oo aanan ka helin xaqii aanu lahayn iyo balantii na loo qaaday oo aan midna lanoo fulin, waxaanu  anagoo waafajinaynaa doonistayda xaqeed ku soo bandhignay saxafada cabasho aanu ka muujinay arintaasi, waxaase iyana aan laga tagi karin in dalku wax yar ka dib guushii lama ilaawaanka ahayd hadana dalku si lama filaana uu madexa ula sii galayo arin murugo siyaasadeed leh taaso ku imanaysaa Maamuulka cusub oo noocyo badan leh, dano gaara iyo kuwa shisheeyo lehba ay is dhex socdaan.

Waxaanu beel ahaan qaadanay mowqif aanu ku liqnay wax kasta oo tabasho ah oo aanu ka tirsanayn Madexweynaha, Anagoo indho dheer ku eegaynaa ifafalaha aan wanaagsanayn iyo hadalada aan tudhsiimaha lahayn ee laysku marinayo saxafada, taaso keensan karta cidhib xuno aad u weyn oo galaafan karta haykalka dawladnimo ee aynu wada hadhsanayno, Waxaanu si saraaxadleh u cadaynaynaa in aanu hore iyo danbaysaba Madexweynaha hiil iyo hooba kula garab taagan ahay hogaanka uu dalka u hayo, anagoo wakhti siinaynaa ku haboon in uu wax badan oo dawliya hagaajiyo isagoo aanu u rajaynayno in mar walba ku sugnaado tubta wada tashiga iyo isku keenista iyo isku soo dhawaanshaha dadka. Oo aan cidlo cidna looga tagin keensan karta in ay cid kale ka faaiidaysato.

Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan beelaha kale ee aanu walaalaha nahay in ay si wayn uga foojignaadaan dhamaanba wax kasta oo keeni kara is fahan daro, neceb iyo hadalo qalqalafsan oo dadka wada dhashay kala dhex dhigi kara cuqdad iyo cadaawad, waxaana mar walba mihiima in aynu xaqeena ku raadsano wadada sharciga walaaltinimada is xaqdhowrka iyo in aynu ahaano dad aan kala tagayn iskuguna tudhno Odhaahda iyo hadalka wanaagsan oo ah ka macruufka ah sadaqa noqon kara.

Waxaanu Beel ahayn soo dhawaynaynaa waxkasta oo dan u ah umada iyo shacbi weynaha Somaliland, Golaha xukumadana waxaanu si adag ugula dar daarmaynaa in ay ka foojignaato dibano halisa oo loo maleegayo, Madexweynaha waxaanu leenahay xidhiidhka sooyaalka ah ee inaga iyo Ethiopia waa lama taabtaan waa wax ku dhisan wada jirka labada dal waa in sida ugu dhakhsaha badan Madexweynuhuu ugu hawl galaa in uu ka Ilaaaliyo waxkasta oo keensan kara is fahan daro soo kala dhex gasha labada dal. Waxaanu Madexweynaha iyo maamuulka cusuba leenahay Ilahay haydin ku garab galo xilka culus ee laydin saaray, Umadan waxasa deeqa cadaalad taas oo si weyn laydinka sugayo in aydun oofisaan oo aan la arag cid Cadalad daro lagu xidho iyo cid  la dulmiyo midna.
Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa Beesha Ahmed Sheikh Isaq Toljecle gudo iyo dibadba in ay iska iloobaan wixii dhacay oo ay hore uga socdaan halka maanta la marayo oo ay  taageeradii ay u hayaan Madexweyne Siilaanyo sii libin laabaan iyagoo ka duulaya aragtida ku salaysan in dalkan galayo xaalad adag oo loo baahan yahay midnimo iyo in gacmaha lays qabsado si loo wada Ilaashado Qaranka Somaliland, taaso oo aan looga maarmi karin cidnaba, Somaliland waxay gashay wakhti xasaasiya maamuulka cusubna wali salka ma dhigan mana socod baran inta uu cagta si fiican ula helayo wadada waxaa inoo balan ah dhamaan Beelaha Somaliland in ay waxkasta oo keeni kara kala kaxayn, kala fogayn iyo shaki la kala dhex dhigo dadka walaalaha ah laga fogado iyadoo waxkasta oo tasasho ah oo jirtana lagu dhameeyo xaal mastuur iyo in la ogaado in aynu nahay Qaran curdina oo wax kasta oo la gaadhsiiyaa damqayaan. Waxaanu markale ogaysiinaynaa dhamaan shacbi weynaha reer Somaliland in aan Toljecle qayb ka noqon doonin Mucaaridka Ma naxaha ee la hurinayo wakhtigan Dawladana uu kala qayb qaadayanaayo hawsha qaran ee loo igmaday. Yahayna U Muxaafid danta qaranka iyo wada jirka Umada Mucaaridna Ku Yahay Waxkasta Oo Dumimnaya Qaranka Somaliand Iyo Wada Jirkeeda. Somaliland Guul Allow Garabkeeda Hay
Gudoomiyaha Qurba Joogta Toljecle
Axmed Ali Khayre
Sweden
axmedkhayraad@hotmail.com