Ma jirto Awood sharci oo Madaxwaynaha u diidaysa in uu Hay’ado iyo Sarakiil Dawladeed ma gacaabo.

Ma jirto Awood sharci oo Madaxwaynaha u diidaysa in uu Hay’ado iyo Sarakiil Dawladeed ma gacaabo.

Sharciyaqaan Mohamad A Adam

‘‘Sida qodobka ku cad habsami u socodsiint iyo maamul wanaajinta dawladeed wax uu madaxwaynu xaq’’Odhahda Qoraaga.

‘‘Magacaabida Chief of cabinet ama horjoogaha wasiiradu ee uu madaxwaynuhu magacaabay ama oo uu unkay’’ Odhahda Qoraga.

‘’ Madaxwaynu habka uu ilaa hada u maray laan saarka Guri caska hananka dawlad nimo’’Odhahda Qoraga.

Nidaamka iyo hananka siyaasadeed ee Jamuuriyada Somaliland qaadatay ayaa ah nidaamka loo yaqaano nidaamka Madaxwaynaha(presidential system). Taas oo micnaheedu yahay hogaamiyaha wadanku waa madaxwaynaha oo si toos ah loo soo doortay ama aan ku imin nidaam kale, sida (parliamentary system)

Dastuurka Jamuuriyada Somaliland ayaa si waafi ah u qeexaya awoodah iyo kala qaybtibtoodaba (separation of powers), Madaxwaynuhu waa awooda u saraysa ee wadanka xaga awoodaha iyo maamuskaba , waxa uuna wadanka ugu masuul yahay sida ku qeexan Qodobka dastuurka 90 aad Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xil- saaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo habsami-u-socodiintta maamulka dawladda.

1. Hoggaaminta siyaasadda guud ee xukuumadda.

Sida qodobka ku cada habsami u socodsiint iyo maamul wanaajinta dawladeed wax uu madaxwaynu xaq u leeyahay in uu cida uu u garto in ay maamulkisa socdsiin karayso u magacaabo xil ama mansab siyaasada.

Magacaabida Chief of cabinet ama horjoogaha wasiiradu ee uu madaxwaynuhu magacaabaay oo uu unkay iyo hay’adaha cusub ee uu madaxwaynuhu soo kordhiyay ma jirto awood sharciyadeed oo u diidaysa in uu mansabkaa magacaabo ama unko.

Muhiim maha eray bixinta uu madaxwaynu isticmali in ay la mid noqoto ta wadamada kale laga isticmalo, aduunka oo dhana luuqaduhu eray way kal qaatan ama kala amahdaan iyaga oo aan isku macno xanbaarsanayne, ama isku awoodo ahayn.hadii aan tusaale ku soo qaato,kalmadan democratic waa kalmad la wada adeegsado iyada oo wadan walba sida uu jecleyahay u adeegsado,sida Jamuuriyadii aynu ka tirsanan jirnay ee la odhan jiray Jamuuriyada Dimiqiraadiga Somaliyeed taas oo ka dheered nidaam dimuquradi iyo wadamada dimiquradiyada ku abtirsada sida ay u isticmalan, Amaba sida way labada wadan ee America iyo Japan ay u
isticmalan Chief of cabinet ka oo aad u kale fog awood ahaan ,Tasi waxa ay ku tusaysaa in kalmado ama eryo isku mid ah wadan walibo si isaga u gaar ah u isticmali karo.

Dastuurka Somaliland mellnaa kuma cayim inta wasaaradood ee ay xukumadi yeelanayso iyo saraakiisheda toona inta ay noqonayaan, balse waxaa ay waajib ku tahay madaxwaynu in uu isagu qorshaysto inta wasaaradoo, saraakiil iyo hay’ado ee uu magacaabanayo iyo hawlaha ay ka cawinayaan, Wasaarad iyo Wakaalad kasta xeer ayaa lagu dhisaa inta xeerka la ansixinayana waxa ay wood sharci u leedahay in ay si buuxda u shaqayso, Chief of cabinet kuna si la mid ah ayuu awood sharci u leeyahay.

Qodobka 113aad waxa ayaa qeexaya hadii hay’ado loo bahdo in la soo dhisayo waxa aanu odhanayaa sedan.

Hay’adaha Dawadda ee Qaranku waa:­
1.
Xeer-ilaalinta Guud
2.
Baanka Dhexe
3.
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
4.
Hanti-dhawrka Guud. Haddli loo baahdo hay’ado kale waa la dhisi karaa si xeerka waafaqsan.

Sida faqrada ugu danbaysa ku cad waxaa la soo dhisi karaa hay’ado kale ama mansabyo waa hadii loo badee, hadii uu madaxwaynu u gartay in loo bahanyahay mansabkan chief of cabinet si waafaqsan sharci ayuu madaxwaynuhu u soo magacaabay ansixintiisa iyo shaciyayntiisa iyo awoodah uu yeelanayaa waxaa madaxwaynaha xaq loogu leehaya in mudo 3 bilood gudohood ah uu ku ansixiyaan Golaha Wakiillada sida uu qobo Qodobka dastuurka 114aad faqradii 3 aad oo odhanaysa sedan.

3. Masuuliyiinta Qaranka ee Dastuurku waajibiyay in la ansixiyo si ku- meel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo ka badan saddex bilood.

Hadaba isaga oo dastuurka Qaranku sidaa u cadayay in uu madaxwaynuhu awood sharci u leeyahay in uu magacaabi karo abuuri
karo hay’ado iyo masuuliyiin dawladadeed si ay uga tageeran horu marka Dalka cida ku dacwoonays chief of cabintku waa qayral sharci
iyo dastuurku ka soo horjeeda iyadaa og mesha iyo halka uu ka keenay iyo fasirka erey bixinta uu siinayo iyo awoodaha dalalka kale e uu soo dheegta. Wanan ku hanbalyayna madaxwaynu habka uu ilaa hada u maray laan saarka Guri caska hananka dawlad nimo.

Sharciyaqaan Mohamad A Adam
London UK
m_raambe@hotmail.com