Badhasaabka Awdal Oo Shaaca Ka Qaaday Qabashada Xildhibaano Ka Tirsan Dawlada Sh. Shariif Iyo

Badhasaabka Awdal Oo Shaaca Ka Qaaday Qabashada Xildhibaano Ka Tirsan Dawlada Sh. Shariif Iyo Kuwo Kale Oo Ay Ku Raad Joogaan

Boorame (Somaliland.Org) Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle ayaa shirjaraa’id oo shalay ku qabtay xafiiskiisa waxa uu shaaca kaga qaaday in xildhibaano ka tirsan dawladda Sheekh Shariif ay qabteen, kuwe kalena ay ku raadjoogaan.

Badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle ayaa sheegay in labadan xildhibaan oo magacyadooda la kala yidhaahdo Sitiin Xuseen iyo Xildhibaan Wehel oo labadooduba hore uga tirsanaan jiray Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, isla markaana, shirkii Madaxweyne Sheekh Shariif lagu soo doortay kaga qaybgalay dalka Jabuuti, halkaas oo ay kaga mid noqdeen Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya, ayaanay iyaga Boolisku ku guulaysan inay gacanta ku dhigaan.

Xildhibaanada la xidhay ee ka kirsan Baarlamanka dawladda ku meel-gaadhka ahee Somalilaya, ayaa jebiyey sharci ay 2008-dii Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ansixiyeen, kaas oo dhigaya ciddii Somaliland u dhalatay shay ee xil ka qabta Soomaaliya ama ka qaybgala shirar dawlad Soomaaliyeed lagu dhisayo in ciqaab la marinayo, isla maraana ina aanu dalka ku soo noqon karin illaa uu cafis soo dalbado, kana tanaasulo mawqifka uu aamminsan yahay.

Si toos ah, ayuu sharcigaasi u qabanayaa Xildhibaanka la xidhay oo meel kaga dhacay qarranimadii Somaliland, isla markaana dawlada Somaliland ay u taala waxa ay ka yeelayso xildhibaankaas xidhan,

waxaanu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay in dhawaan maxkamad la soo hortaagi doono, laguna qaadi doono, danbi ay ka galeen qaranka , waxa uuna sheegay in cid walba oo danbi ka gashay qaranka Somaliland, la hor keeni doono cadaalada iyo sharciga ka yaala somaliland.

Tani waxa ay noqonaysaa, talaabadii ugu horeysay ee uu qaado Mas’uulka ugu sareeyo xukuumada Siilaanyo tan iyo intii xilka lagu wareejiyay, waxa ayna dadwaynuhu is waydiinayaan, waxaa looga fadhiyaa arimo ka waawayn kuwan uu iminka gacanta ku hayo, sida dhinacyada horumarka. Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Gobolka Awdal ka Hadley kormeer dhawaan uu ku tagay deegaano ka tirsan degmada Lughaya, oo ay ka da’een roobab xoogan oo khasaare geystey.

Badhasaabku waxa uu sheegay in uu ku soo arkay deegaanadaa Xaalad naxdin leh, waxa uuna sheegay in uu ishiisa ku soo arkay, Guryo badan iyo Dugsiyo wax lagu barto, oo gabi ahaantood roobabkaasi wax yeelo xoog badan ay u gaysteen, waxa kale oo uu sheegay in xoolihii iyagna ay roobabkan aawadood noqdeen kuwa ku dhaw roobka isdaba jooga ah ee da’aya,ina ay ku laadaan,taas oo laga cabsi qabo in ay mar labaad caydhoobaan.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in dugsiyadii ay jiingadihii ay ka qaaday roobabkii da’ay dabaylo ay wateen, ardaydii wax ku dhigan jirtayna, ayna iminka ku dhigan karin maxaa yeelay, roobabka da’aya iyo dabaylaha dhacaya aawadood, taas oo ay dusha ka qaawan yihiin.

ugu danbyn waxa uu baaq u diray, Dawalada uu isagu u matalo gobolka, Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala somaliland, iyo qurba jooga ka soo jeeda goboladan Awdal/Salal, in ay kaalin mug leh ka qaataan, u taakulaynta iyo ugargaarida dadkii ay ka soo gaadheen dhibaatadan, rabaaniga ah.waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay gargaar degdega, dalka gudihisa iyo dibadiisaba.

Source Haatuf