Guddi loo saaray baadhista daynta ay Xukuumaddu la wareegtay oo warbixin soo saaray

Guddi loo saaray baadhista daynta ay Xukuumaddu la wareegtay oo warbixin soo saaray.

-Waa imisa xaddiga daynta lacageed ee Xukuumadda cusubi dhaxashay?

-Sifo noocee ah bay ku baxday, maxayse guddigu ka yidhaahdeen?

“Waxa kale oo la caddeeyay in qaabka daynta loo galay ay ahayd…”

Hargeysa (Somaliland.Org) Guddi loo saaray baadhista daynta ay ka tagtay Xukuumaddii xilka wareejisay, ayaa markii ugu horaysay warbixin ka soosaaray baadhitaan ay sameeyeen.

Ma jiro war rasmi ahaan ka soo baxay guddigaas iyo Xukuumadda midna, laakiin siday ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Ogaal, guddigan oo 10 xubnood ka koobani waxay warbixin iyo talooyin u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Warku wuxuu intaa ku daray, in guddigu warbixintooda ku caddeeyay xaddiga dayntaas oo ay sheegeen inay ku baxday sifo sharci-darro ah. “Laba boqol oo Bilyan oo Somaliland Shilin ayay noqotay lacagtii daynta ahayd, markaa waa ilaa afartan milyan oo dollar,” ayuu yidhi ilo-wareedka aanu warkan ka soo xiganay, “Wasaarada Maaliyaddu iyada ayuun baa Bangiga ka qaadatay, markaa lacagtu sharciga may soo marin, miisaaniyadda may soo marin, xisaabaadka may soo marin, markaa si qayral sharci ah ayay ku baxday, markaa baadhistii ayaanu ku soo caddaynay waxyaabahaa,” ayuu raaciyay masuulkaas oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso.

Sida warku sheegay, guddigu waxay tilmaameen in haddii aanay lacagtaasi xisaabaadka sharciga ah soo marin ay adag tahay in la helo tafaasiil dhamaystiran, isla markaana ay qoraal shan bog ah u gudbiyeen Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Wasiirka Maaliyadda. “Way jireen talooyin loo gudbiyay Madaxweynaha, talooyinkaasna laba qodob ayuun baa u muhiimsanaa; markii ay wasaaradda Maaliyada tii hore maalka ay isku hayeen waxay ahayd in daynta la wareejiyo oo aanay caqabad ku noqon shaqadeeda iyo in golaha xukuumaddu go’aan ka gaadhaan waxa laga yeelayo arrintaa, waayo meelo badan ayey galaysaa,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaa ku daray, “Waxa kale oo la caddeeyay inay qayrul-sharci ahayd habkii loo galay dayntan, shuruucda maaliyadana ka baxsanayd, qoraal dheer buu ahaa o shan bog ah.”

Sida la sheegay, guddigan baadhista loo saaray waxay ka kooban 10 xubnood oo kala ah, saddex xubnood oo ka tirsan guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee golaha Wakiillada, laba xubnood oo Hanti-dhawrka ah iyo shan ka mid ah hawlwadeenada wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Ogaal