Madaxweyne Axmed M. Maxamuud Oo Magacaabay Golihiisa Wasiirada

Madaxweyne Axmed M. Maxamuud oo ku dhawaaqay golaha wasiiraada

Madaxweyne Axmed M. Maxamuud oo ku Dhawaaqay Golaha Wasiiraada

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqay golaha wasiirada ee xukuumadda cusubi yeelandoonto. Xukuumadda uu madaxweynuhu ku dhawaaqay ayaa ka kooban 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen, waxana ku jira 3 haween ah oo laba ka mid ahi ay yihiin wasiiro. Dadka ka muuqda golaha wasiirada xukuumadda cusub ayaa qaarkood la filayay inay jagooyinkaas qaban doonaan sida Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar. Waxa aan golaha ka muuqan xubno dhowr ah oo muddo dheer ka tirsanaa xisbiga KULMIYE. Dhinaca kale inkasta oo madaxweynuhu soo koobay xukuumaddiisa waxay in yar ka badantahay tiradii ay talo ahaan ku soo jeediyeen guddidii hore uu ugu xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan qaabta xukuumadda cusubi yeelan doonto. Xukuumadda cusub marka loo eego goleyaashii xukuumadihii hore ayaa waxa ay kaga duwantahay oo ka dhex muuqda xubno tiro badan oo aqoon sare oo jaamicadeed leh.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Cusub

  Wasaarad Wasiirka Wasiir-ku-xigeeen
1. Arimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar Maxamed Yoonis Cawaale
2. Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Cismaan Garaad Soofe
3. Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Warsame Siciid Cabdi
4. Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Xuseen Axmed Caydiid Cali Cabdi Saa’iq
5. Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Samsam Cabdi Aadan Cali Xaamud Jibriil
6. Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed Nimco Xuseen Qawdhan
7. Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Ali Shire -
8. Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami -
9. Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif Axmed -
10. Xanaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday -
11. Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed -
12. Cadaalada iyo Garsoorka Prof Ismaaciil Muumin Aare -
13. Diinta iyo awqaafka Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed -
14. Shaqada iyo Ariamaha Bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac -
15. Kaluumaysiga Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekadaha Dr. Maxamd Yaasiin Xasan -
16. Macdanta Biyaha iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale -
17. Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka Maxamed Xaashi Madar -
18. Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud -
19. Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi -
20. Warfaafinta Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) -