Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen M/weynaha la doortay iyo M/weynaha xilka wareejinaya.

Hargaysa (Somaliland.org)-Munaasibad balaadhan oo si heer qarana ah loo agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayaan madaxweynaha la doortay Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici iyo madaxwynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa lagu qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland.

Munaasiabadan oo ay ka soo qayb galeen Shir-guddoonka labada gole baarlamanka golaha wasiirada ee xukuumada xilka ka dagaysa iyo marti sharaf aad u tiro badan. Sidoo kale waxa munaasiabadan ka soo qayb galay wufuud balaadhan oo ka socda wadamada Ethiopia, Djibouti iyo Kenya.

Ugu horeyn munaasibada ay labada madaxweyne xilka ku kala wareegayeen waxa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madaxweynaha xilka wareejinayey Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu aad ugu dheeraaday qiimaha ay Somaliland ugu fadhido maalintan xilwareejinta sidoo kale Madaxweynaha wuxuu ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay madaxtinimadiisu soo martay, isagoo tilmaamay in xilka madaxweyne yahay mid aad u culus oo hawshiisa leh.

“Maanta waa maalin qiimo wayn u leh shacbiga reer Somaliland, waa taariikh taabogalka noqotay oo hirgashay geedigii aynu soo wadnay muddada dheer, waxaan halkan hambalyo uga gudbinayaa shacbiga reer Somaliland meel kasta ay joogaanba, waxa kale oo aan halkan mahad uga jeedinayaa wufuuda dalalka aanu walaalaha nahay Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

Waxa kale oo aan halkan ku soo dhawaynayaa walaalkay Axmed Maxamed Maxamuud oo ku guulaystay doorashadii madaxweynenimo ee aanu ku tartamaynay, waxaan ugu wareejinayaa si niyad sami ah farxad leh oo kalsooni ah” ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale waxaanu ballan qaaday madaxweynaha xilka ka degayaa inuu isdaba taagi doono madaxweynaha cusub

“Waxaanan ballan qaadayaa siddeed sano ayaan xilka soo hayey sanad ku meel-gaadh ah iyo todoba sano oo kale waan garan karayaa culayska xilkani uu leeyahay iyo dhibaatada hoos taala madaxweynaha maanta hawsha igala wareegaya anaa xogogaal u ah waxaan leeyahay anigu waan isdaba taagayaa gacana waan ku siinayaa shacbiga reer Somaliland waxaan leeyahay madaxweynaha xilkiisa haddaan la garab qabano ayuun buu ka soo baxayaa, haddii kale wuxuu qabtaa wuu yaraanayaa aynu u midawno inaynu isdaba taagno, wuu dhamaaday tartankii axsaabtu guul buu ku dhamaaday wax ka hadhay ma jiro inaynu dalkeena u wada shaqayno dhamaanteen inaynu gacmaha is wada qabsano oo aan meel uga soo wada jeedsano oo aynu taabo galino qaranimadeenan curdinka ee aynu muddada soo wadnay illaahay mahadiina maanta anigu waxaan ku faanayaa dimuqraadiyadii aan hirgalinteeda bilaabay. Laakiin uu lahaa madaxweynihii iga horeeyey qorshaheeda iyo barnaamijkeeda iyo ku talagalkeeda aniguna waan hirgaliyey markuu geeriyooday, maanta waxa taariikh cusub Somaliland u ah waxaan isleeyahay aniga iyo Axmedba labadii madaxweyne ee xilka la kala wareegaya ayaanu nahay, sababtoo ah aniga madaxweynihii ugu horeeyey wuu geeriyooday, isaguna markii uu la wareegaayey xil uu la wareegay muu jirin, Axmedna waxay u tahay nasiib wanaag maanta dal dhisan oo nabad ah oo wada jira oo isku xidhan oo dadkiisu wada joogaan inuu maanta la wareegaayo, waxaynu soo marnay waxyaabo badan, maalintii uu geeriyooday (AHN) madaxweyneheenii hore ee aan isugu yeedhay labadii guddi joogto ee golayaasha iyo golihii xukuumada, markii aanu isu nimi waxaanu is waydiinay maxaa talo ah madaxweyneheenii wuu geeriyoodee Cabdiqaadir Jirde ayaa distooska akhriyey waxaanu yidhi adaa madaxweyne ah lagumana murmin ee sidii ayaanu isku raacnay, isbadelka markaa dhacay ee la isla aqbalay Somaliland wuxuu ahaa mucjiso iyo waxay ku faanto la inaguna majiirtay beesha caalamka iyo dalalka aynu jaarka nahay labaduba” ayuu yidhi  Madaxynaha xilka wareejinaya, sidoo kale waxa uu si qoto dheer uga waramay marxaladii marxadihii kala duwanaa ee uu la soo maray xilka madaxweynimo iyo sidii uu u waajahay qaab dhismeedkii hawshiisa waxaanu yidhi “Waxaan ka bilaabay aniga oo markaa ahaa madaxweyne ku-xigeenka hawshii markaa taalay ee qabyada noo ahayd aniga iyo madaxweynihii geeriyooday inaan ka bilaabo nabadu inay fure ii noqoto oo aan ka dhigo furaha koowaad iyo Somaliland inta inaan isla raadiyo, waxaan markiiba ku dhaqaaqay dalalka jaarka aanu nahay inaan tago Jabuuti iyo Itoobiya sababtoo ah waxaan arkaayey nabada aynu guddaheena ku haysano haddaanay ka jaarka aan lagu kabin inaanay waxba inoo tarayn, waxaan ka bilaabay Jabuuti oo markaa xidhiidhkeenu uu yar wagash wagash uu ahaa nasiib wanaag walaalkay Ismaaciil si wanaagsan ayuu ii soo dhaweeyey waananu heshiinay, maantana wakaa weftigii uu inoo soo diray inala jooga, waxa kale oo aan tagay Itoobiya oo Ra’iisal wasaaraha aan la kulmay, waxaan culayska saaray inaan kalsooni iyo walaaltimo iyo xidhiidh sokeeye uu inaga dhexeeyo dalalka aynu jaarka nahay, Kenya-na waan tagay madaxweyneheedana waan la kulmay isaguna si fiican ayuu noo dhaweeyey waa saddexda wadan ee furaha inoo ah haddii aqoonsi aynu u baahanahay iyaga ayeynu ka bilaabaynaa inta kalena way ku xigaan.

Maanta waa taariikh aad wanaagsan waa mid guuleed waa taariikh gobanimo inaynu wada ilaalino ayeynu u baahanahay, laga bilaabo maanta waxa inoo ballan ah ul iyo diirkeed inaynu noqono madaxweynaha la doortayna inaynu iswada barbar taagno oo aynu la shqayno ku kaalino, waxaan kale oo aan uga mahadnaqayaa go’aankaan qaatay inay igu raaceen oo aan ku taageernay in doorashada lanaga helay, waxaan leeyahay haddii aan olole ku soo jirnay wuu dhamaaday laga bilaabo maanta saaxiibo ayaan nahay dhamaanteen iyo inaan u midawno Somaliland” ayuu yidhi Md. Daahir Rayaale

 Sidoo kale waxa munaasiabada ka hadlay madaxweynaha xilka la wareegayey Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanu carabka ku dhuftay inuu dalkan iyo ummadii dooratay ku hogaamin doono caddaalad kana shaqayn doono horumarkooda ‘Walaal xilka maanta ummadu ii igmatay waa xil aad wayn illaahay waxaan ka baryayaa inuu ii fududeeyo waxaan idinka ballan qaadayaa ummada sidii ay igu doorteen sidii horeba aan ugu caddeeeyey inaan u noqdo qof u siman oo aan u dedaalo oo aaan shacbiga reer Somaliland caddaalad ku dhaqo horumarkooda iyo dhqaalayntooda ayaan ballan qaadayaa insha alla bari ayaan khudbadaydii aan qaranka u jeedinayaa, markaas oo aan ku dhawaaqi doono dawladaydii xilka ila qabanaysay.

Somaliland.org

Hargaysa Desk

wararkasomaliland@gmail.com