BOQOLKA MAALMOOD EE UGU HOREEYA DOWLADA

BOQOLKA MAALMOOD  EE UGU HOREEYA DOWLADA XARUMAHA  WASAARADAHA IN LAGU QAYBIYO GOBALADA WAX TAR WEYN AYEY WADANKA U LEEDAHEY

Marka hore waxaa  mahad leh Ilaaha qaadira ee ina abuurtey isla markaana inagu galadeeystey diinta islaamka, nabadgalyada iyo is xaqdhowrkaba.

Marka xigtana waxaa sharaf mudan shacabka Somaliland ee isku duubnida uga soo baxey tijaabadii doorashadii wadanka ka dhacday. Waxaan kaloo halkan duco uga dirayaa Madaxweynaha la doortay iyo Ku xigeenkiisa.

Haddaba, haddii aan u gudo galo dowladu 100-ka maalmood ee ugu horreeya waxyaabaha ay tixgalinta siinayso waxqabadkeeda, waxaan ku darsan lahaa qodobo dhowr oo aan u kala qaadey:  Qaybta koowaad oo  hirgalintooda 100-ka maalmood ee ugu horreysa dowladu qorsheysato sdii ay u hirgalin laheyd iyo qaybta labaad oo  dowladu ku dhawaaqdo dhaarta madaxweynaha ka dib.

Qorshaha 100-ka maalmood ee ugu horeeya:

1.      Iyadoo laga shiidaal qaadanyo golaha wasiirada ee xarumahoodu yihiin magaalo madaxda, taasina ay keentay in shacabka Somaliland ka soo hayaamaan gobolada wadanka, una soo guuraan caasimada si ay shaqo u helaan. Waxaana xusid mudan koritaanka iyo kobaca caasimada Somaliland ee Hargeysa oo  ku socda si xawli  in uu isku dheeli tirmi waayo agabka nolosha ee aasaasiga ah ee magaalada;  sida biyaha, waddooyinka, laydhka iwm. Haddaba, si la isugu dheelitiro agabka aasaasiga ah ee nolosha iyo koritaanka magaalada waxay iila muuqataa in  Golaha Wasiirrada xarumahooda loo qaybiyo gobalada dalka oo ay ku jirto caasimadu, iyadoo gobolada dalka la geeynayo wasaarada  ku haboon gobalka. Hirgalinta barnaamijkan  oo noqon doona in laba shimbirood dhagax keliya lagu wada dilo, taas oo macnaheedu yahay in la heli doono dowlad waxtar leh oo wada gaadha waddanka iyo xakameynta baahida ka jirta magaalo madaxda. Waxaa muhiima si loo helo waxtarka qorshahan in wasaaradaha  gobolada xarumahooda laga dhigayaa wasiirradoodu  ay caasimada u yimaaddaan shirka golaha wasiirrada iyo waqtiyada lagama maarmaanka ah oo kaliya.

2.      Bedalaada lacagta Giinbaarka ah ee gobolka Togdheer

3.      Dib u habeynta Cashuuraha dowladda

4.      In maadaama ganacsatada qaar wax ka soo dejistaan dekadaha jaarka la baadho  sababaha keenay in dekedda Berbera uga qaalisan tahay dekadaha jaarka.

5.      In dawlada Ethiopia lagala xaajoodo sidii agabka ka soo baxa warshadaha Somaliland loogu fasixi lahaa cashuur la’aan (free tredare) wadanka Ethiopia.

6.      In dadka Somaliland la baro xumaanta ay lee dahey laaluusha, xatooyada hantida dawladu, musuqmaasaqa iwm.

7.      Tiro koobka dadka aan u dhalan Somaliland ee wadanka ku sugan

8.      In la diiwaangeliyo dadka aan u dhalan wadanka lagana qaado faro, sawir, iwm.

9.      In dadka aan u dhalan reer Somaliland laysweydiiyo ayaatiinkooda.

10. In madaxda wadamada kale ee wadanka booqaneysa la sameeyo xarun ay kula kulmaan warbaahinta dalka inta aaney wadanka ka tegin (Somaliland media center) iyo waliba in madaxdaasi la kulanto ardeyda jaamacadaha si loogu gudbiyo qaddiyadda Somaliland ee dhabta ah.

11.  Joojinta lacagta ay dowladu Soo daabacato ee aaney ka war hayn golayaasha sharci dajintu.

12.   In dib  loo eego sharciga ganacsiga ee wadanka si loo soo nooleeyo ganacsatada yaryar, loona abuuro shaqooyinkii ku xidhnaa, isla markaana la xadido ganacsatada waaweyni iney ku eekaadaan ganacsiga wareejinta.

13.  Dib habeynta isgaadhsiinta waddanka iyadoo ganacastada telefoonada mudo loo qabto iney company-kastaa u furo khadkiisa company-yada kale.,  si dadka reer Somaliland uga baxaan dhibaatada ka taagan khadadka talefoonada.

Qodobada dhaarta dowlada ka dib iila muuqata in lagu dhawaaqo.

1.      Baabi’inta Gudiga nabadgelyad

2.      In la joojiyo in wadanka la keeno Baabuurta midigta  laga wado marka laga reebo  baabuurta hada dekada taala ama saaran maraakiibta xeebta ku xidhan, sidoo kale isla baabuurtan  midigta laga wado aan laga soo iibsan karin wadamada  aynu jaarka nahey loona iibgeyn karin laga bilaabo marka go’aankaa dowladu ku dhawaa

3.      In Baabuurta Wadanka la keenayo noqoto baabuurta bidixda laga wado oo kaliya. Sanadkoodu aanu ka yaraan shan sano jir (Tusaale wadanka ciraaq lama keeni karo baabuur ka weyn 2009kii).

Sharcigan haddii la hirgaliyo waxa uu keenayaa shaqo abuuris,  gaadiidka hadda waddanka u ceegaaga  shaqo la’aanta, sida Baabuurta     Xamuulka, tagaasida iyo basaska farsadda A iyo B ku shaqeeya ama lagu wado in lagu kala duwo shaqo la’aan haysata aawadeed. Waxa kale oo laga faa’iidayaa wadooyinka magaalooyinka cidhiidhiga ah (sida duqa magaaladu Hargeysa cadeeyey dhawaan), ilaalinta cimilada iwm.  Hirgalinta sharcigan wadanka waxa uu ka dhigeyaa mid la jaan qaada dowladaha aduunka, isla markaana waxa yaraanaya shilalaka ay keenaan baabuurta midigta laga wado.

4.      In la joojiyo lacagta lagu qaadayo garoomada diyaaradaha ee wadanka marka rakaabku ka soo dego garoomada diyaaradaha. Lacagta Rakaabku bixinayona lagu daro sida aduunka oo kale tigidhada  marka qofku goosanyo lagulana xisaabtamo diyaaradaha dadka keenaya.

5.      In qofka wadanka soo galayaa bixiyo sida aduunka kale lacagaha laga qaado sida lacagta Airport Fee, Security Fee iyadoo lacagtan dhamaantood diyaaradda waddanka keeneysaa qaadayso toosna ugu dhacaysa qasnada dowladda.

5.      In Somalida iyo dadka aan u dhalan waddanka, isla marka ay wadanka soo galaan ay qasab noqoto iney ay is diiwaangaliyaa, loona sameeyo hay’ad Qaranka u qaabilsan arrintaa, si loo sugo nabad-galyada waddanka.

6.      Kordhinta Cashuurta Qaadka iyo sigaarka 100%

7.      Cushuurta oo si deg-dega loogu soo rogo Kaadhadhka Mobileka (mobile phone -card). Cashuurtaas oo laba gees ah oo ugu yaraan 15% uu bixinayo iibsadaha iyo 15% shirkadda telefoonada (phone Card Company).

Gunaanad

Taladan aan soo jeediyey maaha mid ay ku wada dhan tahay taladii ay ku dhaqmi laheyd dowlada cusubi. Waxayse aniga ila tahay in talo meel uun ka bilaabmato. Haddaba iyadoo boqolaal reer Somaliland ahi talo soo siinayaan dowladan cusub ee hadda la doortay ayaa waxay iila muuqatey in saddexdii qodob ee gudidugu soo qadimeen aan ku darsano talo guud.

Ilaah maa mahad leh , sharafna  Somaliland

Maxamed Xaaji Axmed Maxamuud (Guray)

Ottawa,Canada

Deeqmo@hotmail.com