Agasimaha dhulka D/hoose ee Hargaysa oo ka hadlay dhul la sheegay inay masuuliyiin sharciyeysteen

Hargeysa (Somaliland.org)- Agaasimaha Guud ee Arrimaha dhulka Dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa Eng. Xaashi Cumar Cige, ayaa sheegay in aanay jirin ilaa hadda wax dhul ah oo ay u sharciyeeyeen masuuliyiin ka tirsan xukumadda madaxweyne Rayaale, isla markaana aanay aqbali doonin haddii ay ula yimaadaan damacaas.Eng. Xaashi Cumar Cigge oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa dawlada hoose, isaga oo daba socday war ku soo baxay cadadkii Jamhuuriya ee shalay oo ka hadlayey in masuuliyiin xukuumada ka tirsani ku hawlan yihiin sidii ay dawlada hoose uga sharciyeysan lahaayeen dhul danguud ah oo ay qabsadeen, waxa uu sheegay in aanu arag wasiiro dhul ula yimi si loogu sharciyeeyo.

Agaasimaha guud ee arrimaha dhulka dawlada hoose oo arrimahaa ka kadlayeyna waxa uu yidhi; “Anigoo ah Agaasimaha dhulka ee dawlada Hoose ee Hargeysa waxaanu halkan idiinku yeedhnay inaanu kaga jawaabno war ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya Cadadkeedii 4240 oo soo baxay Axaddii maanta (shalay) maqaalkaasi oo ciwaankiisu yahay ‘Masuuliyiin ka tirsan xukuumadii Rayaale oo la sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay u sharciyaysan lahaayeen dhul dan guud ah oo ay qabsadee”, Arrintaasi inaan ka jawaabo ayaan idiinku yeedhay. Horta waxaad ogtihiin in masuuliyiinta qaranku ay muxaafid iyo mucaaridba ay Axsaabta ahaayeen mudadii doorashada la galay wuxuu mid waliba u cararay xagii xisbigiisa. Waxaan xasuusan nahay intii lagu jiray olalaha doorashada iyo markii ay doorashadii Madaxtooyadu dhacdayba iyo mudadan la sugayay xil wareejintaba inaanaan arag wax masuuliyiin qaran ah muddo laba bilood iyo jar jar ah gaar ahaan Wasiiro ma aanaan arag.waxa warka Jamhuuriya ku qoran ku yaala wasiiradaasi dhul ay hore u qabsadeen ayay imikana u tafo-xaydan yihiin inay sharciyaystaan.waxa haboonayd in qofka warkan qoray uu magacaabo Wasiiradan ay sheegeen isla markaana uu caddeeyo dhulka la sheegayaa halka uu ku yaalo.”

“Waxa kale oo warka ku qoran maayarka caasimada oo isaguna ku hawlan inuu dhul dan guud ah sharciyaysto arrintaasna waxba kama jiraan, waanan ka xumahay oo waa nasiib-darro, maayarku waa masuulka ugu sarreeya dawlada hoose iyo Golaha Deegaanka Hargeysa wuxuu ku maqnaa isaga iyo lix xubnood oo ka mid maayarada dalka shir caalami ah oo Addis Ababa lagu qabanayay oo dawladaha Hoose ee caalamka oo dhan lagu siinayo Borogaraam la xidhiidha horumarinta Dawladaha Hoose iyo maamul wanaaga waxaanu dalka ka ambo baxay 18-kii bishan waxaanu soo galay xalay (habeen hore),”ayuu yidhi Agaasimaha dhulka ee dawlada Hoose ee Hargeysa.

Eng. Xaashi Cumar Cigge, oo la weydiiyay in dawlad Hoose ahaan ay u sharciyaynayaan dhul Masuuliyiintii xukuumadii hore mudadan lagu jiro kala guurka ah haddii ay ula tagaan, waxaanu ku jawaabay “Awooda dhulka iyo ilaalintiisaba waxa leh dawlada Hoose ee Hargeysa cidda lagala xisaabtamayaana waa Anaga iska daa wakhtiga kala guurka wakhtiga rasmiga ah labadii dawladoodba sharci ayay ahayd oo nidaam sharci ah ayay isku bedeleen inqilaab muu dhicin doorasho dimuqraadi ah ayaa dhacday. Anagaa leh awooda dhulka iyo ilaalintiisaba. Anagana (Dawlada Hoose) waa nalagu sii ilaalinayaa. Iska daa wakhtiga kala guurka haddii xataa wakhtigii rasmiga ahaa Madaxweynuhu si khalad ah u soo qoro waanu celinaynaa, horena waanu u celinaynay. Masuul ku tagri-fal ku socda horena ugamaanu yeeli jirin imikana kama aqbalayno balse kamaanu arag.”

Agaasimaha dhulka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay in Guddida ilaalinta hantida qaranka ee xiliga kala guurka ah ee uu magacaabay Madaxweynaha la doortay ay la soo xidhiidheen iyo in kale waxa uu ku jawaabay “Maayarkii wuu maqnaa hase yeeshee Maayar Ku Xigeenka caasimada iyo Xoghayaha fulinta Dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Guddidaasi si joogto ah ayay uga wada xidhiidhayeen hantida qaranka ee dawlada Hoose ka masuulka tahay.”

 Somaliland.org

Hargaysa Desk

wararkasomaliland@gmail.com

Jamhuuriya