Xoghayaha khaarajiga KULMIYE oo baaq u diray Kooxda Somaliland-diidka

Hargaysa (Somaliland.org)-Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Xisbiga toddobaadkan talada dalka la wareegaya ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa baaq u diray Kooxda Somaliland-diidka ah ee dhawaan laga abaabulay magaalada Buuhoodle. Waxaanu ka warbixiyay qorshahooda markay talada la wareegaan ee habka ay u waajahayaan. Dr. Maxamed Cabdilaahi  ayaa ka warbixiyay aragtidooda la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada Koox la baxday SSC oo laga abaabulay magaalada Buuhoodle, waxaanu tibaaxay qorshaha Dawladda cusub ee uu hoggaamiyo Axmed-Siilaanyo uga meel yaala Kooxdaas. “Qolooyinka la sheegay ee is-urursaday ee Weerarada ku soo qaaday Deegaanka Sool, waxaanu u aragnaa in ay arrintaasi tahay arrin xasiloonida Somaliland iyo ta mandaqaddaba waxyeelli karta guud ahaan, waxaananu ugu baaqaynaa Kooxahaasi inay xasillooni-darrada joojiyaan. Maamul ahaanna, maamulkayaga cusub ee Dawladda cusub ee Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweynaha ka yahay, qorshahayagu waxa weeye, in haddii ay jiraan aragtiyo iyo khilaafyo kale lagu dhammeeyo wada-hadal oo aanu wada-hadal la yeelano. Laakiin, aanay arrintu noqon mid xasilloonida Deegaanka Sool, ta Somaliland iyo ta mandaqaddaba waxyeellaysa. Waayo, taasi maaha mid faa’iido u keenaysa dhinacyada kala duwan. Mar aanu Xoghayaha arrimaha dibedda ee KULMIYE waydiinay in ay jiraan wax xidhiidh ah oo ay Kooxahaas la sameeyeen, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta, wali waxa talada dalka haya Dawladdii hore, maalinta Salaasada ee bishan July 27 tahay, ayaanu anagu talada la wareegaynaa. Markaa masuuliyaddu waxay noo bilaabmaysaa maalintaa wixii ka dambeeya, qorshahayaga siyaasiga ah ee arrintaa ku wajahanina waxa weeye, in haddii cabashooyin ku saabsan arrimaha Gobolku ay ka jiraan meelo Gobolka ka tirsan in laga wada hadlo oo aanu ka wada-hadalno dadka cabashooyinkaas qaba. Waxa kale oo qorshayaashayada ka mid ah in Dawladda Axmed Siilaanyo ka hawl-gasho sidii mashaariic horumarineed laga fuliyo gobolka oo horumarka Gobolka wax laga qabto, gaar ahaan dhinaca Biyaha iyo wax-qabadka kale. sidoo kale, in haddii khilaafaadyo siyaasi ahi jiraan laga wada hadlo. Laakiin, waxaan aaminsanahay in khilaafyo iyo saluug hoose oo dhinaca ka qaybgalka maamulka ahi jiro, taasna waxaanu qabnaa in wada-hadal lagu dhammeeyo.” Mar uu ka jawaabayay Dr. Maxamed su’aal nuxurkeedu ahaa, waxa uu uga jeedo saluugga ka-qayb-galka siyaasadda ee dadka ku dhaqan Deegaankaas iyo qaabka ay u wajahayaan, ayaa wuxuu yidhi, “Ma aaminsani in khilaafku ku salaysan yahay ka-qaybgalka xukuumadda, waxaanse filayaa inay ismaandhaaf siyaasi ah oo gobolka u gaar ah, waxaananu aaminsanahay in wada-hadal lagu dhammeeyo. Laakiin, taa macnaheedu maaha in Xukuumaddayadu arrintaa u mari doonto Xukuumadda dawliga ah. balse, wada-hadal toos ah laga wada hadlo oo xukuumaddu kaalin hoggaamineed ka qaadato wada-hadalladaas. Waxa kale oo iyana ah in Xukuumaddu dib u eegto horumar-la’aan dhinaca Gobolka ah oo aan filayo inay cabashooyinku ku salaysan yihiin oo wax laga hor-qabto.” Mar Xoghayaha la waydiiyay su’aal xidhiidhay habka ay u waajahayaan haddiiba waxyaabaha ay ku andacoonayaan Kooxda la baxday SSC ka duwanaadaan waxay filan karaan KULMIYE ahaan ee dhinaca horumarka Gobolka ah, gaar ahaan mabda’a Soomaaliweyn, ayaa wuxuu oo uu ku jawaabay, “Madax-bannaanida Somaliland waxay u martay afti dalka laga qaaday sanadkii 2001 oo mujtamaha Somaliland badankoodu u codeeyeen inay la soo noqdaan madax-bannaanidoodii. Markaa arrintaas go’aankeedu halkaas ayuu saaran yahay, maaha arrin lagala hadli karo Koox diidan arrimo gaar ah oo ku saabsan deegaan gaar ah oo Somaliland ah. Laakiin, waxaan aaminsanahay in cabashooyinku inta badan ku saabsan yihiin wax arrintaa ka sokeeya oo ay tahay in aanu dhegaysano, wixii garowshiyo lehna laga bixiyo, arrimaha horumarintana wax laga qabto. Balse, goonni-isu-taagga Somaliland wuxuu ku salaysan yahay rabitaanka shacabka Somaliland iyo go’aan ay ku gaadheen afti laga qaaday.”

Somaliland.org

Hagaysa desk

wararkasomaliland@gmail.com

Source Ogaal