Ma Kulmiye Ayaa Guulaystay Mise UDUB Ayaa Guul Daraysatay?

Waa isku mid haddana kala kaan, oo kolba dhinaca aad ka eegto. Waxa se hubaal ah
in shacbigu guulaystay. Waxa muuqata dhaqdhaqaaq aan hore looga arag Dawladda
Hoose oo weligeed UDUB ahayd welina ah, waxa bilaabmay qurxintii iyo bilic soo
celintii magaalada Hargeysa. Waxa is-taagay shaxaadkii looga bartay askarta. Yaa
wax siiya, bal adba garo. Waxay noqdeen duul ka xishooda kaaraamo jabkii ka haystay
gacan aadmi ooy hoos dhigtaan, iyagoo habeen iyo dharaar u heegan hawl qaran.
Waxa ugu hawl badan askarta taraafiga oo jidad qaab daran, iyo darawalo aan wadis
aqoon, iyo shacbi xad dhaaf ah kala hagaaya, ayna u raacdo xoolo aan cidi wadin,
gaadhi dameer daalan, iyo ey baabuurta hoos hadhsada.

Intaas ha ahaato iidaankii maqaalka, ee aan gudo galo dhacdooyin muujiyey sida
guusha loo hantay, oon weli u qudhqudhsamin reer UDUB. Waxa weli Madax/xigeenka
Aamed Yaasiin iyo Xoghgayaha Guud si fog u baal marayaan waxa dhashay guusha
Kulmiye, iyagoo meel kaga dhacaaya garaadka dadweynaha kala doortay 5 sano
oo la mid ah 8 deedii ay soo mareen, wax-qabad la’aan, been joogta ah, laaluush,
xatooyo iyo cay daramalka ay u garaacdo warbaahintii qaranku. Bal dhegayso
dananka iyo kalsooniada ka soo baxaysa dhalintii cagta afka laga saaray…waa
Radyow Hargeysa oo dardaaran iyo dhaliilo xukuumadda cusub looga digaayo ku
adimeysay, waa TVgii qaranka oo ka hoos baxay qoyskii cunaha hayey..Maxaad
ka filaysaa tartanka waxqabadka ay hormoodka ka yihiin Mayaor Jiciir iyo Ina Xoor
Xoor. Maxa hore u diidanaa inay hawshan fuliyaan, maxay ujeedadoodu tahay?
Ha ka tegin Taliye Saqadhi.. Waxa muuqata in labada oday yihiin kuwa keliya een
garan in awoodda dadweynahu leeyahay, garaadkoodana qabaan, dad karaamo u
dhashay oon badankooda baahida haysa ayna hoos u dhigeen sharaftooda, waa kuwa
diiday inay codkooda eebshaan, waa kuwa KU CIIL BAXAY CODKOODA IYAGOO
GAAJOONAAYA OO HARAADAN.

Waxaan ahaa kormeer Kulmiye ah iyo magaalada Hargeysa. Waxaan 7.30 ee subax
u lugeeyey Dugsiga Gaandi oo dhowr talaabo u jira gurigaan deganay, xiligaas maan
haysan warqadda Kormeerka oon sugaayey. Waxaan se xidhnaa koofiyadda U CODEE
KULMIYE…waxaan galay dayrkii dugsiga oo laba saf oo midna dumar yahay midna
rag si miyir ah loo taagan yahay. Waxay garaaceen sacabka iyagoo leh ..KUNNA YUU
NA SIINE KULMIYAANU NAHAY.. waan la yaabay ciilka iyo cadhada haysa ee ayna
qarin karayn dareenkooda.. Waan dhextegay oon idhi guulaysta..Waxa horjooga afar
askari oo iyana sacabka iyo weedhaba la wadaagaaya…Wiil dhalinyaro ah ayaa kor u
yidhi..Afartaa oday ee cumaamadaha sita ayaa naga UDUB ah Waxaan idhi waa u xor
codkooda ee iska daaya cayda iyo qof-tilmaamka…Adeer waa runtaa ee ilaa shalayto
ayey kolba na lahaayeen naga iibiya codkiina.

Kolkaan bilaabay Kormeerkii oon ku wareegaynay baabuur uu weday walaalkay Cali
nalana socday Baashe Cabdi, Guddoomiyaha Ololaha Kulmiye ee Galbeedku oo
gaadhigiisii siiyey koox kale oo kormeer ah, ayaanu ka bilownay Kheyriyadda oo ah
meel dad buux dhaafshay, safafku 8 iyo wax ka badan ay yihiin ay is-dhexgaleen .
Waxa laga cabanayaa in siday safka u hayaan kolkay gudhaha galaan la odhanaayo
dib u noqda oo safka kale ayaa xarafka magacaagu ka bilaabmaa yahay. Haddana
cadho ma jirto, ee samir aan qiyaas lahayn iyo go’aan adag ayey miyir dib ugu
laabtaan… Weligiinba na celceliyaa walee KULMIYE ayey guushu raacaysaa…islaan 70
jir ah ayaa is haysan kari weyday ayaa ku tiraabtay.

Safkii oo lagu jiro ayuu nin xidhan kaadh ay ku taal magaca Komishanku soo dhexgalay
dadkii isagoo ku amray si qaldan inay safafka kala bedelaan oo buuq dhashay..deedna
koox dumar ah ayaa garatay…Waa tuug UDUB ah ee ha rumeysanina…waxa xigtay
isagoo kabta loo naco..mabuu joogsan ee degdeg ayuu dhinaca suuqa u cararay.. Waa
dareen labada oday ka qarsoon. Waxaanu gaalaa bixinay KIlinka, Biyo Dhacay, Sheekh
madar, iyo meelo kale oo ka tirsan Gacanlibaax, 26ka Juun, Koodbuur iyo Axmed
Dhegax… Waa dhacdo kale iyo agagaarka masjidka Xawaadle.. Waxaa naloo sheegay
in dadku diideen biyo iyo sharaab ay qaybinayeen reer UDUB…Ha cabina waa fal ee…
Iyana waa dareen wax ku qaadasho leh..

Ku darso oo heesaha mobileka soo dhacaaba waxuu qaadayaa… Halyeeyadii…iyo
KULMIYOW caynanaka hay…Waxa kaalinta labaad ah ..DILAAL NOO DHUUNTAYOW
DHAADHAC…isgaadhsiinta KULMIYE waa heer sare ka xoog badan oo ka xooli badan
ta CIAda..Waa Osmaan Saxardiid oo sacaad saacad nooga soo warama Oodweyne
iyo Burco Galbeed,,,,Waa Cabdilaahi Gidhigidhi oon khadkeygaba ka bixin oo ka
soo waramaaya Burco bari, waa Cali Isse oo soo kooba wararka Bari, ha ahaato
Ceelafweyn, Garadag, Ceerigaabo, Laascanood, Caynaba iyo Buuhoodle… Waa war
farxad leh oo dhammaan sheegaaya in Guushu tahay KULMIYE…maan garan xiligaas
waxa reer UDUB maqlayeen…kolayba warbaahintooda oo ku salaysnayd been iyo riyo
iyo faal wey garan weyday dareenkii dadweynaha.

Waxa ayaan darro ah in guushaas lagu sheego mid ka dhalatay is-kaashiga cadowga
Somaliland gudo iyo debedba, sida Xoghayaha UDUB sheegay. Waxa iyana gef ah
in shaki la galiyo codka dadaweynaha u guntaday danta guud, diiday in codkooda
ay siistaan qadhiidh, oo la yidhaahdo waa la farsameeyey, sida uu qabo Madax/
xigeenku. Waxa cad in hadalkaasi yahay mid lid ku ah danta qaranka, loona nisbeen
karo mid cadownimo ah, oon ka naxayn magaca iyo maamuuska uu leeyahay qaranka
Soomaliland ee ammaanta iyo sharafta ka helay doorashada sida weyn adduunku ugu
qiimeeyey.
Aqlabiyadda xoogga badan ee codka siisay KULMIYE, waa mid shacbigu ay ku
muujiyeen inay bislaadeen, gaadheen heer ay garteen inay iyagu awoodda leeyihiin,
hoggaanka ay doortaana ay badeli karaan. Waa u digniin hoggaanka cusub, waxaana
waajib noqotay in la joogteeyo la-xisaabtan cid kasta oo xil haysa. Waana mid
hoggaanka cusubi ku xisaabtamaayo, awoodeed, kartideed iyo aqoonteedna leh.
Waana sida uu ku bilaabay la-tashiga ballaadhan ee bulshada uu u fidiyey, si uu u
helo fikir iyo hab uu ku soo xulo rag iyo dumar uu ku aamino fulinta barnaamajkii uu
ummadda u soo bandhigay, shacbiguna ugu codeeyey.

Waxa iyana ah talaabo horukac ah in la dhisay Guddiga Ilaalinta iyo Dabogalka Hantida
qaranka, ood moodo in meelaha qaar laga sheegaayo in lagu dhacay hanti gaadiid
iyo qalab kale leh, iyo guryo la magac guuriyey. Intaba waxay tahay in Madaxweyne
Riyaale inta u hadhsan ka hawl galo, haddii kale iyadoo dabagal lagu samayn doono,
waxay noqon doontaa mid magac xumo ku noqon karta, taariikhdana u gali doonto,
laguna xusuusan doono.

Waa guusha KULMIYE oo loo rogo guusha dadweynaha, taasna waxa lagu gaadhayaa
in la hanto himmiladooda oo la hormariyo kolba danta guud ta ugu culus. Waxoo
dhanna waxa horseed ka ah xukuumadda cusub ee la sugaayo. Waana waajib in xilka
loo dhiibo rag iyo dumar lagu xulo aqoon, karti iyo daacadnimo, iyo waxii kale een
danta guud looga maarmeyn. Waa tan shacbigu ku codeeyey, waana tan barnaamajka
xisbigu ku dhisan yahay, hoggaankuna aaminsan yahay. Waa muraayad laga akhrisan
karo fulinta iyo ka-midho-dhalinta barnaamajkii guusha lagu dhaliyey.
Allaa mahad leh, guushana aan ka midho dhalino, Allana aan talo saarano.
Ahmed Arwo
MSc. Finance and Accounting
Hargeysa
409 6421