Gaadiid kala duwan oo Daad ku qaaday magaalada Burco

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gaadiid kuwo shicib iyo dawli ah isugu jiray, ayaa shalay daad ku qaaday dooxa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Baabuurtan oo saddex ka kooban, waxa subaxnimadii shalay la tegay daad marayay dooxa weyn ee Burco.

Badhasaab kuxigeenka Togdheer Guulleed Daahir Samatar, ayaa Wargeyska Ogaal u xaqiijiyay in dadkii gawaadhidaa saarnaa ka badbaadeen daadkaas oo sida uu sheegay ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay buuralayda Galbeed ee gobolkaas. “Saddex gaadhi ayuu la tagay dooxu, kuwaas oo ay laba ka mid ahi ay iska Rogooyin ahaayeen oo shicib lahaa, dooxana ciid ka qaadayay, halka gaadhiga kale ay dawladda Hoose ee Burco lahayd, mana jiraan cid ku waxyeelawday oo waa la badbaadiyay dadkii, balse daadku baabuurtii wuu burburiyay,” ayuu yidhi guddoomiye kuxigeenka Togdheer.

Waxa uu dadka wata gaadiidka dooxa Ciida ka qaada iyo kuwa doonaya inay ka talaabaan u soo jeediyay inay ka digtoonaadaan xilli-roobaadyadan, isla markaana ay feejignaan dheeraad ah ka yeeshaan daadadka dooxa soo maraya.

Daadkaa baabuurta la tegay waxa uu ahaa mid xoogan oo ruxay laba biriish oo magaaladaas ku yaala, wuxuuna ku soo beegmay iyadoo todobaadkii u dambeeyay ay dabaylo xoogani ka dhacayeen magaalada Burco.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com