Wasiirka Maaliyadda oo Amaan Diiran U So Jeediyey Komishanka Doorashooyinka

Hussein Ali Duale - Cawil

Wasiirka Maaliyadda Oo Amaan Diiran U Soo Jeediyey Komishanka Doorashooyinka, Xisbiyaddana La Dardaarmay.

Hargaysa(Ramaas) June 30, 2010 – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa shacbiga reer Somaliland ku amaanay sidii quruxda badnayd ee ay uga qayb qaateen Olalihii Doorashada Madaxtooyada Somaliland, taas oo uu sheegay inay u dhacday si wanaagsan oo nabadgalyo leh.

Wasiirka Maaliyaddu waxa kale oo uu dhambaal hambalyo ah u diray Guddida Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo uu sheegay inay Somaliland majaraha u qabteen, isla markaana ay suurto galiyeen qabsoomida Doorashada Madaxtooyada oo hadda natiijadeedii lagu dhawaaqaayo, waxaanu sheegay in muddadii ay socotay hawlaha Doorashada Madaxtooyadu ay wax waliba sidii loogu tallo galay u socdaan.

Wasiirka Maaliyaddu Xuseen Cali Ducaale (Cawil), waxa uu Xisbiyadda Siyaasada u soo jeediyey inay ku qancaan natiijada codbixinta doorashada madaxtooyada, taas oo ay gacanta ku hayaan Komishanka Doorashoyinka  Qaranku, waxaanu intaas raaciyey in uu Murashax waliba uu ku qanco natiijada codbixinta ee uu ka helay codbixintii shacbiga reer Somaliland.

Waxaanu sidaas ka sheegay mar uu caawa ka hadlaayey Telefehinka Qaranka Somaliland, taas oo uu shacbiga reer Somaliland, Xisbiyadda qaranka iyo Komishankaba ku amaanay sidii wanaagsanayd ee ay u dhacday Doorashadii Madaxtinnimada dalku.

Si kastaba ha ahaatee waxa hal doorka Somaliland uu baaqyo dhiiri gelin iyo hambalyo ah u dirayaa Komishanka Doorashooyinka, kuwaas oo lagu amaanay sidii quruxda badnayd ee ay uga soo baxeen hawlaha doorashada madaxtooyadda intii badnayd, taas oo hadana lagu dhiiri gelinayo inay si wanaagsan isku raaciyaan inta ka dhiman dhammaanka Doorashada Madaxtooyada, taas oo ay hada ka hadhsan tahay oo kaliya ku dhawaaqida natiijadii codbixinta doorashadu.

Ramaasnews Desk

Hargeisa.