UDUB – Xisbiga Waayay 70% Codadka Dadweynuhu Muxuu Ku Caban Karaa?

Faallo:

Shir jaraa’id oo ay soo saareen xisbiga UDUB oo wax la’aan ka jooga dadweynaha reer Somaliland ayaa xubno aan quus aqoon oo xisbigaa ka tirsani cambaarayn aan macno badan lahayn dusha ka saareen doorashada dalka ka dhacday ee la sugayay muddada 7 sannadood ah.

Xisbigooda UDUB waxa lo ogyahay inuu qabanqaabinayay qorsheyaal is huwan, Plan A, B,  C iyo kuwo kaleba oo ay ka mid ahaayeen:

  • In xisbigoodu isku dayo inaan doorashadu dalka ka dhicine marwalba dib loo dhigo isaga oo marka doorasho la soo hadal qaado soo hordhigayay caqabado cusub kuna doodayay inaan dalku diyaar u ahayn doorasho inta caqabado-beenaadkaas “xal loo helayo” taas oo u suurto gelisay inay kursiga iska sii fadhiyaan 2 sannadood oo aan doorasho lahayn
  • Qorsheyaasha xiga oo uu ka mid ahaa in si aan hore loo arag loogu tagri falo hantida, gaadiidka, warbaahinta iyo ciidanka iyo booliiska qaranka ka dhaxeeya, intaas oo iskaashanayana lagu muquuniyo codadka dadweynaha
  • In la soo daabaco lacagta Somaliland oo lagu galo doorashada laguna hafiyo codadka dadweynaha — iyada oo shaqaalaha dawladda aan wax mushahaar ah la siinin 3 bilood ugu dambeeyay
  • In la iibsado kaadhadhka muwaadiniinta si aanay ugu suurto galin inay si xor ah ugu codeeyaan ciddii ay doonaan — tan oo ka mid ah dembiyada waawayn ee lagu leexinayo masiirka shacabka
  • In wasiirada oo adeegsanaya ciidanka Booliiska ay faragelin iyo argaggax ka abuuraan goobaha codaynta si dadweynuhu ugu kala dareero safafka dhaadheer, inta codadka la tirinayana ay qashqashaad ka aloosaan
  • In jidgooyo loo galo sanaaduuqda codaynta lana xado si aanay ugu soo xeroon xarunta dhexe ee Komishanka

Markii intaas oo carqaladood iyo kuwo kale oo ay ka dambeeyaan dad la ogyahay oo xambaarsan dembiyo ay dadkaasi ka galeen qaranka, ay dhamaantood suurto gali waayeen, waxa ugu dambayntii la maqlayaa xubnahan UDUB ka tirsan oo shir jaraa’id ku dhawaaqaya hadallo liddi ku ah wixii ka soo baxay doorashadii ka dhacday dalka iyo warbixinada ururada maxaliga iyo kuwa caalamiga ahiba ku caddeeyeen in guud ahaan doorashadu u dhacday si nabadgelyo ah, xor ah oo xalaal ah taasoo ahayd wax Ilaahay looga mahadiyo dadweynuhuna ay suurto geliyeen iyaga oo kaashanaya ciidamada qaranka, booliiska iyo hawlwadeenada Guddida Doorashooyinka Qaranka. Dadweynaha iskood isugu hawlay in doorashadani noqoto mid xor ha oo xalaal ahi waxay timid markii xukuumadda Daahir Riyaale sinaba looga waayay inay daacad ka noqoto doorasho xor ah oo dalkan ka dhacda ayaa imika la arkayaa inay isku dayayso inay cabudhiso codadka dadweynaha iskood isugu xilqaamay in doorashadu guul ku dhamaato.

Xisbiga UDUB, oo intii caqliga lahayd ku qanacday in 70% dadweynuhu ka codeeyay, waxa la yaableh hadhaageeda qabtay shirka jaraa’id ee hanjabaaddu ka muuqato waxa ay yeeli doonaan haddii la meel mariyo rabitaanka shacbiga?

Ma ogyihiin xubnahan goobna aan lagu soo dooran kol ay noqoto Gole Wakiilo ama Gole Degaan – in aanay cidna metelin, shayga qudha ee ay ku leeyihiin doorashaduna inuu yahay hal cod oo qudha kaasoo ay kala simanyihiin boqolaalka kun ee sida nabadgelyada ah ku dhiibtay codadkooda wax haybad ah, miisaan ama awood intaa dheerna aanay ku lahayn qarankan, shirkoodan jaraa’idna aanu macne weyn xambaarsanayn marka laga reebo haddii cawaaqib xubo nabadgelyo ka soo baxdo inay iyaga saarantahay masuuliyaddeedu lana joogo wakhtigii ay dadweynaha uga jawaabi lahaayeen dembiyada lagu galay awoodda qaranka.

Xubnahan dhawrka ah waxay bilihii ugu dambeeyay faraha kula jireen dembiyada lidka ku ah doorashooyinka iyaga oo udub-dhexaad u ahaa qorshaha sharci darrada ah ee lagu iibsanayay kaadhadhka dhalashada iyo codaynta ee muwaadiniinta. Ma waxay ku hanjabayaan inay xasilooni darro ka abuuri doonaan dalka, mise waxa aanay qaadan karin xukuumad cusub oo kala xisaabtanta dembiyada ay faraha kula jireen ee lagu curdin dhadhinayay doorashooyin xalaal ah oo dalka ka dhaca.

Ugu dambayn Somaliland.Org waxay faalladan ku cabbiraysaa sida ay iyada ula muuqato dhacdooyinka dhowaanahan ka dhacaya dalka. Waxa aan si gaar ah dadweynaha ugu hambalyaynaynaa sida ay u muujiyeen awooddooda dimoqraadiga ah ee ay ku ridi karaan kuna dooran karaan ciddii ay u gartaan inay dalkan waddada toosan ku ridi doonto. Waxa aan aaminsanahay inaan cidina ka sarraynin sharciga, xukuumadda cusub ee maamulka qabandoontana laga sugayo inay soo celiso xuquuqdii muwaadinka ee luntay iyo haybaddii iyo milgihii dawladnimo iyada oo madaxda cusub lagu qiimaynayo hadba sida ay u ixtiraamaan

  1. xaqa muwaadinku u leeyahay inuu si xor ah ugu codayn karo ugana codayn karo siyaasiga iyo xisbiga uu doono gaar ahaan kuwa aan ku fadhiyin kursiga xukuumadda
  2. in muwaadinku dhaliil u soo jeedin karo madaxda iyo xukuumadda una soo marin karo warbaahinta iyada oo aan loogu hanjabin awoodda xukuumadeed
  3. dhexdhexaadnimada warbaahinta qaranka

Qofka madaxda/wasiirka waxaan ku qiimayndoonaa:

  1. hadba sida uu u qiimeeyo muwaadinka uu xilka u hayo, iyo
  2. sida uu u ilaaliyo sharafta kursiga loo igmaday iyo magaca Somaliland ugana adkaado dhaqankiisa qof ahaaneed
  3. sida uu uga soo dhalaalo xilka uu hayo
  4. sida uu ugu dhaqmo sharciga dalka iyo wada shaqayntiisa hay’adaha xukuumadeed ee ay ugu horayso Golaha Wakiiladu
  5. sida uu u ilaaliyo hantida guud ee qaranka