Muraaqibiintii Xisbiga UDUB ee Togdheer oo ka mudaharaaday Musuq-maasuq lagu sameeyay

Burco (Somaliland.Org)- Dhalinyaro ka tirsan muraaqibiintii xisbiga UDUB ee doorashadii Madaxtooyada uga hawlgalay gobolka Togdheer, ayaa shalay mudaharaad ka dhigay magaalada Burco.

Dhalinyaradaas muraaqibiinta u ahaa xisbiga UDUB waxay mudaharaad ka hor dhigeen dugsiga Sheekh Bashir ee Burco oo ay yaaleen sanaaduuqda cod-bixinta doorashada ee gobolkaas.

Kooxdaas oo ka gadoodsanaa markii uu xisbiga UDUB siin waayay lacagtii ay ku hawlgaleen, waxay isku dayeen inay gudaha u galaan xaruntaas.

Muraaqibiintaas oo ay ciidanka ilaalada ka ah goobtaasi ka horjoogsadeen inay galaan goobta sanaadiiqdu taalay, waxay Taayiro ku gubeen jidka hormara Cusbatalka magaalada Burco.

Dadkaa mudaharaadka dhigay, waxay dhagxaan la dhaceen askarta joogtay goobtaas.

Hase yeeshee, ciidanka Booliska ayaa markii dambe rasaas ku riday dhalinyaradaa UDUB u shaqaynayay ee mudaharaadka sameeyay, isla markaana xabsiga dhigay qaar ka mid ah mudaharaadayaashaas.

Ma jirin wax khasaare ah oo ka dhashay mudaharaadkaa ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com