Dawladda Britain oo ka hadashay doorashadii ka dhacday dalka Somaliland

London,  (Somaliland.org)- Dawladda dalka Ingiriiska, ayaa ka hadashay doorashadii Madaxtooyada ee Sabtidii ka qabsoontay Somaliland.
Wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan xukuumadda cusub ee wadaaga ah ee dalka Ingiriiska Mr. Henry Bellingham, ayaa sheegay in doorashadaa madaxtinimo ee Somaliland u dhacday si nabadgelyo ah, isla markaana ay tusaale u tahay is-xakamayntii ka qaybqaadatay xasiloonida uu dalku ku soo jiray. “Waan soo dhawaynayaa doorashada muhiimka ah ee Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday Sabtidii 26 June. Nidaamku ilaa hadda wuxuu ahaa mid aad u nabdoon, tusaalena u ah is-xakaynta ka qaybqaadatay degenaanshaha Somaliland ee sannadihii u dambeeyay,” ayuu yidhi wasiirka oo shalay warsaxaafadeed ka soosaaray xafiiskiisa magaalada London. “Waan ogsoonahay hawsha xirfadeed ee ay qabteen Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyo wanaaga xisbiyadu nabadgelyo ugu ololeeyeen ku horaynta maalinta doorashada.
Waxaan ku boorinayaa dhamaan xisbiyada siyaasadu inay sii wadaan ixtiraamka ay u hayaan hanaankaas iyo inay Komishanka Doorashooyinka Qaranka ka sugaan inay ku dhawaaqaan natiijada.
UK waxay sii wadayaan inay si dhaw ula shaqeeyaan Somaliland, Xisbi kastaaba ha ku guulaysto doorashadee,” ayuu raaciyay Mr. Henry Bellingham