Culimada Somaliland oo baaq u jeediyay Xisbiyada Siyaasadda iyo Komishanka Doorashada

Hargeysa (Somaliland.Org)- Culimada waaweyn ee reer Somaliland ayaa baaq ay soo saareen Xisbiyada ugu jeediyay in ay ka war sugaan Natiijada Doorashada ee la filayo in lagu dhawaaqo.

Baaq ay soo saareen Culimadu, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Mahad Ilaahay ayaa leh, nabad iyo naxariisina Nabigeena suuban korkiisa ha ahaato, inta ka dib.

Haddanaanu nahay Culimada reer Somaliland annaga oo ka duulayna maslaxadda dadka iyo dalka iyo nabad-geliyadan la haysto iyadoo la filaayo in dhawaan haddii alle ka dhigo ay soo bixi doonto. Natiijadii Doorashada ee dhawaan loo codkeeyey sidaa darteed waxa aan halkan ka soo jeedinaynaa dardaarankan iyo talooyinkan hoos ku qoran.

1-In Ilaahay laga cabsado looguna mahadnaqo sidii wanaagsanayd, Quruxda badnayd, kalsoonidda iyo nabad-gelyada lahayd ee ay inoogu dhacday doorashadii madaxtooyadu ee qarsoontay 26/6/2010.

2-In Shacbigu marwalba ilaashado nabad-gelyada iyo xasiloonida dalka isla markaana ka foojignaado wax alle wixii wax yeeli kara ama dhaawici kara nimcadaa nabad-geliyado Alle inagu galadaystay.

3-Waxa aan Xusuusinaynaa in ay waajib iyo lagama maarmaan tahay Murashaxiintii xisbiyadda tartamay, taageerayaasha xisbiyada iyo dhamaan shacbiweynaha Somaliland ee qiimaha leh in la taageero loona hoggaansamo Natiijada iyo go’aanka ay ka soo saaraan Guddiga Doorashooyinka Qaranka tartankii loo tartamay hoggaaminta dalka.

4-Waxa aan u soo jeedinaynaa taageerayaasha axsaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland in ay ka foojignaadaan kana dheeraadaan banaanbaxyada iyo xafladaha wax u dhimi kara nabad-gelyada, xasiloonida iyo Anshaxa guud.

5- Waxa aan ku ammaanaynaa guddiga Doorashooyinka Qaranka sida fiican ee ay hawsha u wadeen iyo hay’addaha amniga ee kala duwan sida hawlkarnimada leh ee ay uga shaqeeyeen sugidda Ammaanka sidoo kale waxa aan ku sii adkaysanaynaa in ay halkaa ka sii wadaan muujiyaana dhexdheaadnimo marwalba.

Magacyada Culimada

1-Sh. Yuusuf Aadan Maxamed (Hargeysa)

2- Sh. Xasan Cabdisalaan Sh. Cali (Hargeys)

3- Sh. Maxamed Aadan Muxumed (Hargeysa)

4- Sh. Cabdillaahi Sh. Cali Jawhar (Borama)

5- Sh. Maxamed Daahir Dhawal (Borama)

6- Sh. Maxamed Cali Gadhle (Hargeysa)

7- Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed (Hargeysa)

8- Sh. Ismaaciil Cabdillaahi Jaamac (Hargeysa)

9- Sh. Cabdillaahi Baashe (Burco)

10- Sh. Maxamed Shukri (Burco)

11- Sh. Cabdillaahi Cabdi Cali (Hargeys)

12-Sh. Cabdiraxmaan Axmed Aw-Cabdi (Hargeysa)

13- Sh. Maxamed Cali Geedi (Hargeys)

14- Sh. Cabdiqaadir X. Jaamac (Hargeysa)

15-Sh. Cawil Faatax (Geerigaabo)

16-Sh. Cumar Faarax Cabdillaahi (Gabiley)

17-Sh. Maxamed Ibraahim Yuusuf (Wajaale )

18-Sh. Faysal Cali Faarax (Burco)

19-Sh. Yuusuf Cabdi Cawad (Burco)

20-Sh. Mustafe Aadan (Burco)

21-Sh. Cabdillaahi Cabdi Cali (Makaawi) (Gabiley)

22- Sh. Cali Aaden Nuur (Borama)

23- Sh. Axmed Sh. Jibriil (Borama)

24- Sh. Xasan Daheeye (Borama)

25- Sh. Sh. Saleebaan Siciid Cali (Berbera )

26- Sh. Sh. Cabdiraxmaan Axmed Bulaale (Sheekh)

27- Sh. Maxamed Macalin Cabdi Carab (Hargeysa)

28- Sh. Cumar Farax Cabdillaahi (Gabiley)