Halkan Ku Qor Hambalyada Ku Socota Shacbiga Somaliland

Dumar ku jira safafka codaynta

Ururo iyo dad badan ayaa soo dirayay hambalyooyin ku socda shacbiga reer Somaliland sidii nabadgelyada iyo asluubtu ku dheehnayd ee ay uga qaybgaleen doorashooyinka, taas oo muujinaysa bisaylka ummadda reer Somaliland ee dadniyo iyo dalnimaba. Haddaba qaar ka mida Hambalyooyinka nala soo gaadhsiiyay ayaa halkan ku qoran:

SSE  – Somaliland Society Europe

Maanta oo ay taariikdu tahay 26/06/2010, waxa qabsoomay arrimo taariikhiya oo ah codbixinta madaxtooyada Somaliland oo si habsami ah uga dhacday dhammaan lixda gobbol ee dalka. Codbixintu waxa ay ku beegantay maalintii Somaliland ay xornimada ka qaadatay maamulkii Ingiriiska muddo hadda 50 sannadood laga joogo. Waxaannu aad uga boogaadinaynaa shicibka Somaliland maalintan taariikhiga ah.  Halkan ka akhriso …


..

146 thoughts on “Halkan Ku Qor Hambalyada Ku Socota Shacbiga Somaliland”

  1. s/c iga gudooma salaantaa islamka bahda somalilad org walaal waxaan leeyahay hanbalyo hanbalyo wacan waxaan mahad ucelinayaa ilaaha ina abuuray waa jibadka na ina saaray walla waxan leeyahay dad kaygow waajibkii waad gudateen waad ku mahad santihiin dhamaantii sidaafiican eed isu maamusheen waxaan rajaynayaa waxkaste oo ina horyimadana in sidaa looqabto ilahna waxan kabaryay naa markaste inuu sida fiican ina waafajiyo

  2. hanbalyo anigoo ah cali buraale diiriye (indniisiya) waxaan hanbalyo idirayaa shacabka reer soomaaliland, asxaabta komishanka iyo dhamaanba dadka kaqayqaatay doorashada sitoosa iyo sdadsbanba aaad ayaan idinku hanbalyaynayaa
    guul somaliland,guul dimuqraadiya somaliland , weliba guul xisbikasta oo kuguulaysta.

  3. walal waxaan halkan ka salamaayaa dhammaan bulsha waayntaa reer somaliland meekasta oo ku noolyihiin waxan kale aad iyo aad ugu farax sahay sidaa quruxda bada ee ay ucodayeen ee nabada galyaduu ku dheeh naayd runtii waa mid lagu faraxo

  4. HAMBALYO IYO BOGAADIN AYAAN U DIRAYAA DHAMAAN REER SOMALILAND , WAANA WAX LAGU FARXU LAGUNA FAANO. WAXAAN LEETAHAT CALAN YAHAY HA DHICIN WALIGAA, NOQO KII LAGU NASTO IYO BARWAAQO LAGU GAADHO.

  5. Wacanoowanaagsan, Waxaan leeyahay hanbalyo hanbalyo,dhamaan shacabweynaha somaliland ee sida geesinimada ah uga qaybqaatay doorashadii 26 june ka dhacday gebi ahaanba dalka. waxa si gaar ah mahad u mudan, hawlwadeenada komishanka iyo ciidanka qarran ka ee u hagar baxay siday umadu u gaadhi lahayd himiladooda. Illahyna ha inooga dhigo madaxweyne, dadnta dalka iyo shacbkaba ka taliya,Amin

  6. aniga o ah haaji muuse waxaan halkan uga habalyenaaya doorasha somalilnd oo ka dhico doonto magaalada hargeyso rabi haga dhigo hokor iyo guul guul guuul guul

  7. alhamdulilah.That is all I said for the last couple of days. what an acheivment? may allah keep the peace for us and grant us with many blessings.

  8. Hambalyo dhamaan shacbiga reer Somaliland,komishanka iyo xisbiyadaba – Natiijo khayrleh iyo nabad gelyo -AHMED, ABDI GASS ( NASSER)

  9. dhamaan shacabka somaliland iyo sadexda xisbi qaran iyo ciidamada qaranka waxaan hawada usoo marinayaa hanbalyo ku aadan doorashada madax tooyada ee ay sida xalaasha ah uga qayb qaateen waxaan leeyahay hanbalyo hanbalyo
    ilahayna waxaan ka rajeey nayaa inuu mid cadaalada inooga dhigo
    waxaan kaloo hanbalyo udirayaa komishanka qaranka oo aan leeyahay taariikh da aidin cusi doonta
    wa bilaahi toow fiiq

    somaliland guul iyo gobanimo

  10. bismi laahi raxmaani raxiim

    ilaahay baa mahadi usug naatay
    waxaan hanbalyo iyo bogaadin udirayaa shacab weynaha
    somaliland

    waxaan ku hanbal yaynayaa sida sharafta iyo karaamada leh
    ee ay uguteen waajib kooda muwaadinimo kaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga qayb galeen codayntii ka dhacday dalka 26 kii bisha taas oo qof kasta oo muwaadinihi muujiyay muwaadinimadiisa iyo dal jacaylka ay uqabaan dalkooda
    waxaan amaan iyo sharf mudan ciidanka qaranka somaliland iyo cidamada amniga
    anigu ma amaanayo komishanka qaranka maxaa yeelay waxay qabsadeen hawl qaran waxaana la amaani doona amarkay najiitada kasoo baxda codadka ay dhiibteen muwaadinin tu ay si xaq ah iyagoon nina u xaglin ay ugu dhawaaqaan

    nin walbana taariikhda ayaa qoraysa wuxuu dalkiiisa iyo dadkiisa u qabto waxaan ilahay ka rajeey nayaa inay taariikhda baal dahaba ka geli doonaan taraiikhda wa bilaahi toow fiiq
    ‘Hanbalyo Hanbalyo

  11. hambalyo dhamaan umada reersomaliland meel kasta oo ay joogaan.

    waxaa amaan mudan sidii wanaagsaneyd ee ay shacbiga reer somaliland uga qeyb qaateen codeyntii doorashada madaxtooyada taas oo ay sida safafka dhaadheer iyo sida ay ugu samreen in ay codkooda ay tahay mid lagu faano oo aan somali ama geeska africa hore uga dhicta taas oo kale sida ay u dhacdey iyo sida loo maamuuseyba waanan u hanbalyeynayaa marlabaad

  12. ughoreyn waxaan halka dhambaal hambalyo uga diraya adhamaan shacbi waynaha reer somaliland marka xigtana waxaan halka aan ugu hambalyeynayaa koomishanka doorashooyinka qaranka ee somaliland oo aan leeyahay waa rag waajibkoodii saarnaa si xilkasnimo ah u gutay waanaan rag u qalma in bilad sharafeed la gudoonsiiyo,insha alaah natiijada doorashada sida ugu dhakhsaha badan ayeynu u rajaynayiinaa xisbigii ku guulaystaba,somaliland manata waa ay dhaqaaqday cadowgeediina laf dhabarta ayuu ka jabay insha alaha da next step aynu sugnaaba waa icitiraafkii oo albaabada taagan i wish u all da somalilanders good luck.
    IN SHAA ALLAH

    WAA BI LAAHI TOWFIIQ

    SOMALILAND GOOD LUCK
    fandheyare96@hotmail.com
    ama
    fandheyare96@yahoo.com

  13. asc waxaan hambalyo aan lasoo koobi karin u dirayaa dhamaan bulsho weynta somaliland marka xigta waxaan aad iyo aad ugu hambalyeynayaa komishanka qaranka, ciidamada milatariga iyo shacabka oo sida runtiiya u codeeyey si wadaninimo iyo dal jacayl ku jiro codkoodana u dhiibtay iyagoo nabadgelyada ilaalinaya, intaa ka bacdi waxaan illaahay ka rajaynaya inuu nabadgelyadaa inoo siyaadiyo oo fadligiisa balaadhana inoogu daro waxyaabaha kale ee aynu u baahanay aamiin aamiin aamiin.

    by cabdiraxmaan garadag
    bancade143@live.com

  14. asc waxaan halkan hambalyo ugadirayaa shacbiga soomaaliland meelkasta oo ay joogaan sida nabada ah ee ay ku soo gebagebowday doorashada madaxtooyadu waxaan mahad gaara u naqayaa
    komishanka doorashooyinka oo xilweyn iska saaray qabsoomid doorashada iyo hogaamiyayaasha xisbiyada oo iyana muujiyay kaga dhabaynta habsami usocodka hawsha doorashada ciidanka amaanka waxaanan leeyahay waa guul soomaliland usoo hoyatey ee halagu fara adaygo

  15. salaan ka dib walaalyaal

    ilaah baa mahad leh

    Doorasho fiican baa inoo dhacday, lakiin yaan lays dhigan weli shaqo badan baa inoo hadhay. waxaan hanbalyo u dirayaa dhammaaan gudiga iyo shacabwanaha somaliland dadaalkaa ay muujiyeen ee xilkasnimada leh.

    maanta cadawgeeni wuu dawakhsanyahay oo ay khalkhaleen way ku soo xidhantay.

    Allaa guul leh

  16. Waxaan hambalyo iyo bogaadin udirayaa dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan khaas ahaan kuwa dalkii hooyo jooga ee si xaq iyo xalaal ah uga qayb qaatay codaynta dalkooda iyo bahda saxaafada somaliland.org.

    Nasir, Sweden

  17. Ugu horeyn mahad waxa iska leh Ilaahay. kadibna waxaan hambalyo u dirayaa shacbi waynaha somaliland, gaar ahaan inta codkooda sida xilkasnimada iyo xadaaradu ku jirto u codeeyay. waxaan kaloo hambalyo taa la mid ah u dirayaa gudida doorashooyinka oo sameeyay hawl aan odhan karo waxay ahayd mucjiso… waxaanaan uga fadhinaa inay hawsha inta ka hadhayna si daacadnimo, wadananimo and professioalism ah u dhamaystiraan, si ay taariikhda baal dahab leh uga galaan

    Eng Jama Adam Gurrey, Dubai, UAE

  18. HANBAALYO DHamaan shacabka reer somaliland meel walay joogaan gaar ahaan kuwa nasiib u yeeshay inay codkooda dhiibtaan guul iyo gobanimo
    Waxaan Anigu ku talin lahaa komishanka qaranka in lasiiyo bilad sharafeed waa niman u qalma ama howshoodii masuuliyada la saarey ka soo baxay

  19. HANBALYO KU SOCOTA DHAMAAN MUWAADINIINTA XALAASHA AH EE REER SOMAALILAND SIDII DAACAD NIMAD IYO GEESI NIMADU KU DHEEHNEYD OOAY UCODEEYEEN IYOGO ILAALINAAYA DANTA GUUD EE DALKAN JSL KANA FOOJIGNAA CADAWGA SOMALILAND UNA DIIDEY IN AYE FIRAAQO SIIYAAN WAXAAN UMAHADA CELINAYAA CIIDAMAD KALDUWAN EE JSL GUDIGA DOORASHOOYINKA MADAXDA SADEXDA XISBI EE TARTAMAAYA IYO GUUD AHAAN UMADA REER SOLAALILAND
    GUUL IYOGOBNIMO ILAAHEY AYAA MAHADLEH

  20. waxa mahad iska leh ALLAAH, kadib waxan u hanbalyaynayaa dhamaaan shacabka somaliland meel kastoo ay joogaaan,
    waxa mahad gaar ah iga mudan dhamaan hawlwadenada doorashooyinka qaranka ilaaa heer tuulo, degmo, ilaa gobol,
    waxaan marlabaad iyo mar sadexaadba u mahad celinayaaa, komishan ka qaranka oo suura galiyay inay doorosho xor iyo xalaal ah kadhacdo guud ahaan wadanka somaliland 98%(boqolkiiba 98), waxay ahayd maalin qaran oo aynu u dabaal degaynay sanadguuradii 50aad( 26 june 1960-26 june 2010) ee ka soo wareegtay malintii xornimada somaliland ee aynu ka qadanay wadanka engriiska, iyadoo mar labaad inoo gu suntanaanaysa malin kale oo weyn taasi oo ah markii 4aad ee doorosho hab democratic ah aynu waxa u doorano, waxaana xusuus mudan habka nabad gelyada, iyo kala danbeyntii dadka reer somaliland ay codkooda u dhiibteee, iyagoo tusaya ilbaxnimada weyn ee soo jireenka ah ee ay dadkanni iyo dalkaniba leeyahay ayna mudan tahay in dhamaan dadka ku nool mandaqada geeska africa iyo badiba afirkada kale in lagaga daydo
    waxanan amaaan balaadhan usoo jeedinaya dhamaan ciidanka nabadgelyada oo si heer sare ah ba u sugay dhamaan amniga dalka, waxanan kula dardaarmaya dhamaan sadexda madaxweeyne, hadba kii ku guulaysta doorashada somaliland, inay dalka horimar iyo isbadal ka sameyaaan,

    guuul iyo gobonimo somaliland

    M A mulac

    gudoomiyah jaaliyada somaliland
    ee malaysia

  21. Waxan halkaan Hambalyo uga diraya Dhamaan Shicbiga Iyo Asxaabta Qaranka waxana ugu hambalyeeyn doorashada iyo weliba Sidaa wanaagsan ee aya u dhacday, Waxan aallaah ka rejyn inay sii khayr ku soo dhamaato, Waxan ugu baaqaya shacabka in nabada la ilaashado Mid kasta oo ku guuleysta Doorashada Mas’uuliyiinta Waxan ugu baaqaya in ka kale u hambalyeeyo, sii nabad ah, Horumarku ha sii socdo, Barwaaqo ayaa la gaari doona Insha allaah

    Eeba Weyna Mahad leh

  22. salaan,mahadnaq,hambalyo ayaan leeyahay dadwaynaha reer somaliland,komishanka ciidamada nabadgalyada talow yaan ilaabay haa waxaa iyana hambalyo mudan xisbiyada mucaaradka ah ugu horayn muj. siilaanyo faisal a.waraabe iyo riyaale.
    ilaahayaw waa mahadaa aamiin……………………………..

    nabadgalyo.

  23. Eebe ayaa ugu horeyn mahdani iska leh.waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiweynaha reer s/land ee sida xilkasnimada leh ee xalaasha ah codkooda udhiibtey EEBENE waxaan ka beryayaa ineyna codkooda ka calaacaalin maadaama
    uu yahay masiirkoodii,inbadan ayaa loo samrey oo shaki badani dadkaa ku dhashey shakigaasoo nooc walbaa laahaa
    ALXAMDU LILAH.Waxan sidoo kale u dirayaa hambalyo gudiga doorashada oo xilkoodii gutey,ciidamada oo nabada xoojiyey, iyo in aliyaalo intii ku hawshootey qaabsoomida
    doorashada .ALLAA MAHADLEH.

  24. salamualaikum to all somalilanders i would like to congratulate for somalilanders the amazing election that held in 26th jun 2010 in somaliland. Iam very happy to see how my people made historic election.This is history for this country and also all the horn of Africa countries.

  25. waxan habalyo kal iyo laba u dirya dhaman shacbaka reer somaliland gaar ahaan tageeryasha xisbiga kulmiye waxan leeyahay dadaalkii aad samayseen insha alaha waxan rajeyanay in xisbiga kulmiye ujeedooyinkii aynu u doraney ka heli doono isla markaan nolosha iyo waaqacba wax ka bedeli doonana. waad waxan kaloo aman usoo jeediyanay iyo hambalyo komishanka qaranka gaar ahan cisa xamari gudoonka gudida oo ah halyey isla mrkaana cadaalada yaqaan oo ah nin nadiif ah.

  26. waxaan leyahay Hanbalyo soomaliland waxan ada ugahelay sida
    wanagsan iyo dgananta ay codkoda kudhiibanay taas umuujinasa abaisalka siyasadeed waxan oranla soomaliyee kudayad walalihiin soomaaliland karkale hanbayo anigo kuhadlaya magaca Beesha caabud waaq dhabad

  27. ilaah baa mahad leh marka hore
    marka labaad waxaan salaamayaa shacabka reer soomaaliland ee doorashadu ugu dhammaatey sida nabadgelyada ah waxaana u rajeynayaa inay si nabadgelyo ah ugu dhamaato natiijadana.
    wxaan hambalyo iyo bogaadin gaara u dirayaa shaqaalihii hawlwadeenada ka ahaa gaar ahaan ardeydii jaamacadda hargeysa ee ka howlgashey deegaanada burco waxaan ugu hambalyeynayaa sida xilksnimada leh ee ay hawshooda u gudanayeen waxaan idin leeyahay mustaqbal fiican.
    ismaaciil cali gollis Burco yamani@hotmail.com

  28. HANBAALYO HANBAALYO RUNTI WAXA KA DHACAY SOMALILAND WAA TARIKH CAAD O AN LA DAFIRI KARIIN MANTA WANA WAX AAY MANTA KU DAYANDONTO AFRICA O DHAN BAAN QABA WALALAHEN SOMALIYEDD NAA WAA IN AAY HANEYAAN OO WAAY KU FARXAAN WAXA AY QABSADEN SHACABKA SOMALIAND OO ISKU DUBAN O QABSADAY DORSHO XOR AH O XALAAL AH.

  29. WAXAAN UGU BUSHAARAY NAYAA GUUSHA AY SOO HOOYEEN DHAMAAN SHACABWEYNKA SOMALILAND, WAXAAN KALOO U MAHADNAQAYAA TODOBADA GEESI (COMMISSIONKA DOORASHOOYINKA)OO SIDA WANAAGSAN U DHAMAYSTIRAY DOORASHADA SOMALILAND, WAA ILLAAHAY MAHADII. WAXAAN GOONI UGU MAHAD NAQAYAA CIIDAMADA SOMALILAND EE SUGAY AMAANKA ADKEEYAYNA, WAXAAN KALOO UGU U MAHADNAQAYAA MUSHARAXIINTA JAGADA MADAX WEYNAHA SOMALILAND. GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL.
    SOMALILANDER JECEL DADKIISA IYO DALKIISA
    MOHAMOUD JIRDEH

  30. ugu horeyn waxaan halka dhambaal hambalyo ah uga diraya adhamaan shacbi waynaha reer somaliland,marka xigtana waxaan halka aan ugu hambalyeynayaa koomishanka doorashooyinka qaranka ee somaliland oo aan leeyahay waa rag waajibkoodii saarnaa si xilkasnimo ah u gutay waanaan rag u qalma in bilad sharafeed la gudoonsiiyo,insha alaah natiijada doorashada sida ugu dhakhsaha badan ayeynu u rajaynayiinaa xisbigii ku guulaystaba,somaliland manata waa ay dhaqaaqday cadowgeediina laf dhabarta ayuu ka jabay insha alaha da next step aynu sugnaaba waa icitiraafkii oo albaabada taagan i wish u all da somalilanders good luck.

  31. Alxamdulillah, waa Illahay mahadii fartaan wadnaha ku haynaye, mar hadii ay si guul iyo nabadgelyo ah ku dhamatay.
    waxaan leeyahay, hore u socda shacbiga, gudiga doorashada iyo dowlada somaliland.
    guul baan idin leeyahay
    kanaxow nafta waa!

  32. Shacabka xalaasha ah ee reer Somaliland waxaan u dirayaa hanblayo aan lasoo koobi karin, waxaanan u rajaynayaa guul barwaaqo iyo badhaadhe ilaahay ha inooga dhigo doorashadan tii aynu ku af lixi lahayn, waxaa ii farxad ah in doorashadii dhowrka goor dib u dhacday inaynu maanta ka midha dhalinay masha allah waa guul usoo hoyatay dhammaan shacbi waynaha Somaliland. Waxaan kaloo hanbaylo gooniya u dirayaa Hawl wadeenada komishinka qaranka oo iyagu si aad u heersaray oo dedaal badani ka muuqda uga midha dhaliyay inay wadanka doorasho ka qabtaan, Koomishinkani waa kuwo alla ha daayee mudakariina waxayna mudan yihiin bilad sharf la gudoonsiiyaa, inkastoo ay haddana waajibkooda gudanayeen way u qalmaan.
    Waxaan kaloo hanbalyo taa la mida u dirayaa bahda website ka somaliland.org

    Somaliland guul iyo gabanimo

  33. marka hore waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa shacab-weynaha jsl,dadaalkii dheera ee ay muujiyeen iyo sida nabad galyada leh ee ay ugu soo gabagabowday codbixintii doorashada madaxweyne-nimada somaliland.

    waxaan sidoo kale hambalyo u dirayaa gudida komishanka iyo hawlwadeenadooda karti iyo dadaalka ay muujiyeen.

    ugu danbayn waxan sadexda murashax ka codsanayaa xasuusinayaana in hawshaa quruxda badan iyo xilkasnimadaa shacabka iyo komishanku muujiyay ay ku xidhnaan doonto haddba sidaad u aqbshaan natiijada doorashada.waxaanan idiin rajaynayaa in ka ku guulaysta loo haneeyo lana gacan qaado wada shaqayntiina halkeedii ka sii socoto.

    ilahay wanaagaa ha inoo dhawro ,shacabka nabada jecel-na ha barakeeyo nabadooda iyo amnigoodana ha u siyaadiyo.AAAAAAAamiiiiiiiiiin

    mmm909@hotmail.com
    mohamed.
    sanca -yemen.

  34. Hambalyo hambalyo hambalyo ummada reer somaliland meel kasto ey joogan khaasatan somalilanderka dulkoodi jooga ee gooansade masiika ee weliba sida nabadgelyada iyo nidaamka dhowrey waxaan kale cidii kasta ee hawshaa doorashada sida ey ufuli lahaad qeyb kaqaatey waanu umahad naqeynaa somaliland hanoolato

  35. Somaliland Americans in the USA are so proud for what Somaliland people have accomplished over the last few days. Somaliland is located in a very rough neighborhood and this is major accomplishment. Kudos to Somaliland people.

  36. waxaan markay hore salamaaya dhamaan umad islaamka gaar ahaan dadwaynaha somaliland waxaan aad iyo aad ugu hanbaleyeenaya guusha uuso hoyate shacabka somaliland sida nbad gelyad leh uu codeyeey doraashadi madaxtooyada waxaan rajeenaya guusha ine noqon doonto mid taarikh ah reer somaliland uso hoyate waxaan hanbaleeye mar labaad gudidada koomishanka ee sida geesinimad leh uugute wajibkooda waxaan rajeenaya guul wanaagsan uu so hoyata dhamaan umad somaliland iyo xisbiga kulmiye

  37. Bismilaahi Raxmaani Raxiim,

    Marka hore waxaan dhamaan umada muslimiinta ah kusalaamayaa salaanta islaamka ee Asalaamucalaykum waraxmatulaahi wabarakaatu.

    Bacda salaan,

    Ugu waxaa mahad iyo xamdi noqba ay usugnaatay Rabigeena Subxaanahu Watacaalaa ee inagu galadays tay fadligiisa iyo nimcadiisa ina siiyayna maanta nabada iyo kala dambaynta ay umaa Somaliland kunooshahay.

    Marka labaad waxaan halkan ka hambalyaynayaa dhamaan umada reer Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaanba sedexda xisbi qaran, komishanka doorashooyinka, shaqaalihii sida haboon u qabtay, muraaqabiinta iyo dhamaanba codbixiyayaashii. Waxaanan Alle Subxaanahu Watacaalaa ka baryayaa in natiijadana uukadhigo mid uhorseeda umada Somaliland cadaalad, sinaan, horumar iyo barwaaqo Iinsha Allah.

    Wabilaahi tawfiiq, Wasalaamucalaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu.

    Qore: C/Qaadir C/Raxmaan (Qase)

  38. dhamaan shacbiga somaliland waxaan udirayaa hanbalyo sida layaabkale ee ay isu dhaafiyeen hawshaas laakiin nimay ku hadhay hawli haysaa waa sadexda nin ee utartamay xilkaas

  39. marka hore waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa shacbi waynaha reer Somaliland iyo gudida doorashooyinka waxaan leeyahay waxaad qabateen hawl aad u baaxad wayn oo aduun waynuhuba idiinku hanbalyeeyay,waxaabad kaga nixideen cadowga somaliland iyo kuwa cuqdada qaba,marlabaad waxaan leeyahay gudiga komishinka taariikhda waxaad kagalaysan meel aan la ilaawi doonin,waxaanan idiin rajaynayaa in aad kudhaqida natiidada uun aydun u dhamays tirtaan sidii fiicnayd ee aad hawshii hore ugudateen, waxaan kaloo salaamayaa dhamaan shaqaalaha Website ka Somaliland.Org

  40. Marka hore ILAAHAY baa Mahad iska leh,marka labad waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa dhammaan dadweynaha reer Somaliland sida fiican ee dadnimada leh ee ay u guteen codbixintii Dalka ka dhacday maalintii 26ka June.
    Waxaa wax lagu farxo ah in ay dadku xil weyn iska saareen sidii ay si nabadgelyo leh codkooda ugu dhiiban lahaayee,iyadoo aan qofna qofka kale riixayn oo qofwaliba sugayay ka ka horreeyaa inta uu ka dhaqaaqayo.
    Waxa iyaduna xusid mudan oo aan marnaba la illaawi karaynin sida fiican ee ciidanka qaranka iyo boolisku ay iyaguna dadka u ixtiraamayeen iyo sida fiican ee ay u tilmaamayee ammaankana ay u ilaalinayeen.

    Waxa Iyaguna baal dahab ah ka galay taariikhda Somaliland oo aan marnaba la illaawi karaynin kalinta ay ka qaateen Komishanka qaranku ,weliba waxaan odhan lahaa dadweynaha ree somaliland ha soo sheegeen wixii loogu abaal gudi lahaa anigu waan garan waayaye..
    Guntii iyo gebagebadii tani waa guul somaliland usoo hoyatay Ilaahayna haynala Garab galo,waxaanaan ku Guubaabinayaa in Xisbiyadii laga guulaystaa ay si fiican ugu habalyeeyaan kii ku guulaysta,waa inta guushii innooga hadhay oo noqondoonta MUCJISO ADDUUNKOO DHAMI LA YAABO.

    Maxamed Ismaaciil cabdi -LAYDH
    Berbera

  41. HANBALYOO HANBALYO

    Waxaan uhanbalyenaya dhamaan shacabwenaha reer somaliland iyo guddida kumushanka,sida habsamida leh ee dadku codkoda udhiibteen iyo sida guddidu umamushay, waxaan leyahay guul guul

    Marakaan arkay sawirada dadka leenka kujira ee tirada badan, waxay isoxasusisay dorashadii xamaasada lahayd ee kadhacday wadanka Ameerica ee lagudortay OBAMA, oo runtii dadku jibesnayeen codkoodana dhiibteen xitaa kuwa aan waligood codeen,iyaga oo nacay taliskii horee ee dalka haystay ee BUSH, markaa waxaan filayaa in taas okalee kadhacday somaliland,

    somaliland hanolato hanoolato

    c/fataah s daroor

    USA

  42. “Hambalyo Reer Somaliland” idinku waad dadaasheen waajibkiiniina waad ka soo baxdeen si nabadgelyo leh. Waxaan ilaahay ka rajaynaynaa in xisbiga aad aqlabiyad ugu codayseen noqdo mid horumar idin gaadhsiiya daacadnimona idiku maamula. Guul iyo Gobanimo..AAMIIN

Comments are closed.