Komishanka oo ka hadlay wajigii labaad ee doorashada kana digay in la faafiyo warar caydhiin

Hargaysa, (Somaliland.org)-Komishanka Doorashooyinka ayaa shacabka, axsaabta, taageerayaasha axsaabta iyo warbaahintaba  uga digay in la faafiyo warar mala awaal ah iyo natiijooyin caydhiin, taasoo sida ay sheegeen abuuri karta buuq iyo arrimo amni darro.

Komishanka oo goordhaweyd shir-jaraa’id ku qabtay xaruntooda ayaa tilmaamay inaan la tukhaatukhin wixii wanaagsanaa ee aynu soo qabanay,

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi:

“Waxaanu hambalyo u diraynaa dhamaan dadweynaha reer Somaliland ee shalay sida wacan u gutay waajibkoodii,hawl wadeenadii ka qayb galay doorashada ama kuwii Komishanka ama goob-joogayaashii axsaabta iyo dhamaan dadkii kale ee ka qayb galay hawshii tirinta amaan wayn baanu u haynaa, waxaanan leenahay shalay Somaliland waad u wan qasheen” ayuu yidhi Guddoomiyuhu waxaanu  intaa raaciyey oo yidhi: “Waxa inoo bilaabmaya wajigii labaad oo ah inaan tirino hubino yeedhino jawaabtii ka soo baxday doorashadii shalay aynu galnay, si ay u suuro gasho waxaanu doonaynaa dhamaan dadweynaha reer Somaliland, axsaabta, taageerayaasha axsaabta iyo saxaafada inay ka digtoonaadaan inay sheegaan natiijo caydhiin oo ay ciddi guul sheegato, taasoo keeni karta hadhaw inay buuq inagu abuurto, wixii wacnaa ee aad soo qabateen yeynaa tukhaantukhin wixii wiiqaynaya aynu ka ilaalino, insha alla” sidoo kale wuxuu ballan qaaday guddoomiyuhu inay sida ugu wanaagsan jawaabta doorashada u soo gudbin doonaan “Wixii wanaagsanaa ee aad qabateen anaguna lumin mayno siday tahay baanu uga soo baxaynaa siday tahayna jawaabteeda waad u helaysaan sidaasaa inoo ballan ah”