Doorashadii Oo Si Habsami Ah Uga Bilaabatay Somaliland & Wararka Soo Dhacaya

Hargeysa (Somaliland.Org) Waxa saaka todobadii subaxnimo ka bilaabatay dhamaan gobolada Somaliland doroashada Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Somaliland. Saaka subaxnimadi markay saacadu ahayd todobadii ayaa caasimada Hargeysa waxa wararku sheegayaan in dhamaan gobaha oo dhan si habsami ah u socoto doorashadu, marka laga reebo xaafadda 26ka Juun oo shaqalaha komishanku u shaqaynayan si cag jiidid ka muuqato.

Dhinaca magaaladda Burco ayaa yadna sidoo kale waxa laga soo warinaya in ay si habsami ah u socoto doorashadu. Sidoo kale gobolka Sanag ayaa doorashadu ka bilabatay saaka, walow laga soo warinayo warar sheegaya in degaanka Badhan iyo Hadaaftimo ay masuuliyinta xisbiga UDUB iyo xukuumaddu ay saaka subaxii hore boobeen dhowr sanduuq, kuwaas oo imika lagu daba jiro.

Dhanka gobolka Sool ayaa waxa wararku sheegayan in ay si habsami ah u socoto doorashadu, marka laga reebo degaanka Kala Baydh oo la sheegay in xukuumaddu isku dayday inay xaddo sanduuqyo, taasoo keentay isku dhac rasaas. Warku waxuu intaas ku darayaa in arrintaasi imika degtay.

Dhinaca goboladda Awdal iyo Saaxil ayaa yagana ay si habsami ah uga socotaa doorashadu, lagamana soo sheegayo wax dhibatoyin ah.

Waxii war ah ee kasoo kordha doorashada iyo sawiro la xidhiidha arrimahas kala soco somaliland.org

(c) Somaliland.org 2010