Xukuumadda K/M/G Iyo Udub waan in ay ka dayaan Carqalada Hawsha Beddelaadda kaadhadhka cusub.

….in Shacabka Somaliland , K/ Doorashooyinka , Xisbiyada Qaranka iyo Beesha Caalamkuba ay la socdaan oo ay ogyihiin qorshe kasta oo ay Xukuumadda Udub ee Ku-meelgaadhka ku fadhida Heshiiskii …..ku suurtagelinayso in ay ku fashilinayso hawsha socota….. iyo weliba waxii qorshayaala ee ay la maagan yihiin ……

Hadaba Madaxweyne Rayaalow wanaaggii iyo sharaftii ummaddu ku huwisay ha ugu bedelin xumaan iyo danta guud oo aad xannibto, hawlahan ay wadaan Wasiiradaada iyo Masuuliyiinta Udub Gobolada dalka waa arrin muuqaal Xun ka bixinaysa Xigmadii Dawladnimo, milgihii iyo habdhaqankii ummadnimo, ama himilooyinkii …..hiigsanaysay iyo sumcadda ay Somaliland ……….

Madaxweyne hadaad xilkas tahay ha ku dhibto, xumaanta iyo waxyeelaynta ay wadaan xaynta Wasiirada iyo kuwa kale ee Udub oo ummadda….., kana daaya carqaladeynta ,hawsha Diiwaangelinta Iyo fargelinta qaawan iyo cagajugleynta aad ku haysaan Guddida………

Madaxweyne Maxaad doonaysaa in ay Taariikhda kuu gasho, oo laguugu xasuusan doonaa? Sowdigii lahaa Doorashooyin badan ayaan qabtay,,.. iyo umadda aniga ayey I dooratay…..
Mise waxaad Garwaaqsatay in Xisbigaaga Udub uu Cimrigiisii idlaaday oo aad lumisay kalsoonidii iyo karaamadii ……

Iyadoo weli lagu gudo jiro hawshii beddellaadda kaadhadhka cusub, ayaa waxa gobolka kasta ka soo yeedhaysa in masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda K/M/G ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Xisbigiisaa Udub ay hagardaamo ku hayaan geeddi-socodkii hawshaasi Qaadashada kaadhadhka diiwaangelinta ee cusub ama codbixinta oo wejigeedii 2aad oo weli Degmooyinka Somaliland ka socda.

Hadaba Waxaana jirta in maalin kasta Dadweynuhu ay khatyaan ka taaganyihiin wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga Udub oo lagu soo yaaciyey Gobolada dalka oo dhan kuwaas oo faragelin qaawan ku haya hawshii diiwaangelinta, iyadoo qasdigooda ugu weyn yahay khalkhal gelin iyo waxyeelayn loo geysanaayo habsami-u-socodka qaadashadaasi kaadhadhka diiwaangelinta iyo qadiyo kale Musuqmaasaq iyaguna salka ku haya.

Hadaba Guddiga Doorashooyinka ayaa muddadii ay hawshan wadeen waxay soo bandhigeen ama ay muujiyeen dulqaad aad u badan iyo weliba inay dheg u dhigin faragelintan qaawan ee Xukuumadda K/M/G ee M/weyne Rayaale iyo xisbigiisa Udub si toosa weysada ugu soo biyeysteen fashilinta hawshaasi Diiwaangelinta.

Waxaa iyaduna garab socota hawlahan hagardaamada ah ee Xukuumada iyo xisbigeedu ay ku hayaan shacabkooda in ay iyadana warbaahinta madaxa-banaan iyo ta ay kootada ku haystaanba ka baahiyaan hadalo aad loola yaqyaqsoodo oo ay ku canbaaraynayaan Guddida Doorashooyinka Qaranka ama in aanay sinaba ula dhacsanayn hawshan diiwaangelinta ee socota iyo natiijada ka soo baxdayba , waxaana weliba garab socday farogelin farabadan oo toosa oo Masuuliyiintaasi noockasta oo ay yihiin ku sameeyeen Xarumaha Qaadashada kaadhadhka ee Gobolada iyo degmooyinka Somaliland dhan, ilaa iminkana weli socda, oo cid kastaa ogtahay, oo nidaamkahawsha socotana ay markasta khalkhal ku sameynayan , siiba hawlwadeenada shaqaalaha komishankana cabsi iyo cago jugleyn u geysanayaan.

Iyadoo ay gaadhay xitaa heer Masuuliyiinta Udub aanay sharci ay wax iska tiranayaan aanu jirin oo ay si badheedh hub ula soo baxaan markasta siiba xubnaha Komishanka qaar ka mida ,iyagoo gudanaya wajibaadkoodii hawsha beddelaada kaadhadhka codbixinta oo ka dhacday gobolada qaar ka mida.

Waxaana hubaala in Shacabka Somaliland , Komishanka Doorashooyinka , Xisbiyada Qaranka iyo Beesha Caalamkuba ay la socdaan oo ay ogyihiin qorshe kasta oo ay Xukuumadda Udub ee Ku-meelgaadhka ku fadhida Heshiiskii 6Qodob ka koobnaa ee caalamku ku dhexdhexaadiyey Somaliland in ay wado ama dariiq kasta oo ay ku suurtagelinayso in ay ku fashilinayso hawsha socota ee Beddelaadda Kaadhadhka cusub iyo weliba waxii qorshayaala ee ay la maagan yihiin inay khalkhal ku geliyaan ilaa Waqtiga Doorashada loo cayimay ee fooda inagu soo haysa.

Hadaba Madaxweyne Rayaalow wanaaggii iyo sharaftii ummaddu ku huwisay ha ugu bedelin xumaan iyo danta guud oo aad xannibto, hawlahan ay wadaan Wasiiradaada iyo Masuuliyiinta Udub Gobolada dalka waa arrin muuqaal Xun ka bixinaysa Xigmadii Dawladnimo, milgihii iyo habdhaqankii ummadnimo, ama himilooyinkii ay ummaddu hiigsanaysay iyo sumcadda ay Somaliland bulshada caalamka ku leedahay.

Madaxweyne hadaad xilkas tahay ha ku dhibto, xumaanta iyo waxyeelaynta ay wadaan xaynta Wasiirada iyo kuwa kale ee Udub oo ummaddii la yaabantahay, kana daaya carqaladeynta ,hawsha Diiwaangelinta Iyo fargelinta qaawan iyo cagajugleynta aad ku haysaan Guddida doorashooyinka Somaliland.

Madaxweyne Maxaad doonaysaa in ay Taariikhda ku gasho, oo laguugu xasuusan doonaa? Sowdigii lahaa Doorashooyin badan ayaan qabtay,,.. iyo umadda aniga ayey I dooratay…..
Mise waxaad Garwaaqsatay in Xisbigaaga Udub uu Cimrigiisii idlaaday oo aad lumisay kalsoonidii iyo karaamadii umaddaada……

-ALLAA MAHAD LEH-

By Written, Adan Yusuf Elmi.