Xisbiga KULMIYE oo baaq u diray Madaxweyne Rayaale iyo Bulshada Somaliland

Sidoo kale waxa munaasibaddaas ka hadlay Guddoomiye-xigeenka 1aad ee KULMIYE Muj. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye-xigeenka 1aad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan ku eedeeyay in ay la siman yihiin cadowga dalka. “Waxa laga yaabaa dad Madaxda Somaliland ka mid ah oo maan gaaban oo laga yaabo inuu dantiisa iyo kursigiisa oo keliya eegayaa, inay ka fikirayaan qalaanqal-rid, si doorashadu u xumaato oo ay la mabda’ yihiin kuwaa soo duulaya ee doonaya inay Somaliland waxyeeleeyaan. Laakiin, nin masayrsan oo leh kursibaa kaa tagi doona oo maan gaab ah waxa laga yaabaa inuu kuwaa mawqif la mid ah qaadanayo oo uu doonayo inuu qalaanqal ka rido dalka oo uu wax ku oogo.” Ayuu yidhi Muuse oo ka mid ahaa masuuliyiin Xisbiga KULMIYE ka tirsan oo shalay ka hadlay munaasibad ay abaabuleen dhalinyarada Xaafada Goljano ee magaalada Hargaysa oo ay ku sheegeen in ay Xisbigaa ku taageereen.

Guddoomiye-xigeenka 1aad ee KULMIYE wuxuu baaq u jeediyay Xukuumadda. “Xukuumadda ku meel-gaadhka ah ee maanta joogta, waxaanu ugu baaqaynaa marka hore difaaca wadanka waanu idiinka horeynaa. Laakiin waxa ku dhex jira shaqsiyaad wada qalaanqal si doorashadu dib ugu dhacdo, waxaanu xukuumadda u sheegay intooda xilkaska ah ama wadaninimadu hayso inay shaqsiyaadkaa ina qasaaya ka digtoonaadaan, odhan maayo xukuumaddu way wada xun tahay waa dad badan oo kala garasho ah oo kala wadaniyiin ah oo kala aqoon ah, waxaan in badan oo ka mid ah ama u shaqaysa ogahay inay qabaan dareenka wadaninimo, inay qabaan dareenka wadaninimo ee ah inay doorasho dhacdo.” Ayuu yidhi Muuse Biixi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxa jira shaqsiyaad xukuumadda ku jira oo jahwareeray oo naftoodana u talinayn, dalkana u talinayn imikana fadhiya mansabyo saamayn kara taariikhda qaranka ama mustaqbalka qaranka. Sidaa darteed, inta xilkaska ah oo aan filayo inay labada ugu sareeyaa ka mid noqon doonaan, waxaan jecelahay shaqsiyaadkaa wax qasaya inay aad uga feejignaadaan oo ay inaga hakiyaan”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com