Cismaan-Hindi oo xubin Xisbigooda UDUB ka tirsani Dhaawac gaadhsiiyay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga talada dalka haya ee UDUB Mr. Cusmaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi), ayaa la sheegay inuu shalay dhaawac gaadhay.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahaan xisbigu arrintaa ka soo saaray, haddana siday ilo xogogaal ahi sheegeen, Mr. Cismaan-Hindi waxa uu ka jabay mid ka mid ah labada gacmood ka dib markii wiil dhalinyarada xisbigaas ka mid ah oo ay xurgufi dhexmartay uu Bakoorad ku dhuftay.

Warku wuxuu intaa ku daray, in guddoomiyaha lagu dhaawacay xafiis uu xisbigu ugu talogalay ololaha doorashada Madaxtinimada oo uu subaxnimadii shalay ka furay xaafadda Goljano.

Waxa la sheegay in xurgufka guddoomiyaha iyo ninka dhaawaca u geystay dhexmartay ay ka dhalatay arrimo la xidhiidha lacagta muraaqibiinta ee hawlaha qaybinta kaadhadhka, isla markaana uu wiilkaasi gacanta ka jabiyay Mr. Hindi.

Sidoo kale, waxa la sheegay in dhaawacyo kale gaadheen guddoomiyaha ololaha doorashada ee xisbiga UDUB.

Siday sheegtay shabakadda wararka Internet-ka ee Hadhwanaagnews, markii gacan-ka-hadalku dhexmaray ka dib waxa Bastoolad la baxay Mr. Cusmaan-Hindi, isla markaana waxa la sheegay inuu riday rasaas aan khasaare dhalin.

Shabakaddu waxay sheegtay, in sidoo kale koox uu ninkaa dhaawaca geystay horkacayay ay dhinacooda hub la baxeen, isla markaana rasaas rideen, taasoo sababtay in dad ku soo ururaan goobtaas.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com