Taliyihii Booliska Dila oo loo xidhay inuu is-hortaagi waayay taageerayaal KULMIYE u soo baxay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Dila ee gobolka Awdal Mr. Maxamed Aw Ciise, ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii sida la sheegay uu horistaagi waayey shalay isu-soo-bax boqolaal qof oo ka soo jeeda Degmada Dila ku soo dhaweeyeen wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi soo gaadhay.

Sida ay baahisay Idaacadda Radio Horyaal amarka lagu xidhay Taliyaha ciidanka booliska ee degmada Dila ayaa la xaqiijiyey inuu bixiyey Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Awdal Maxamed Sh. Cabdillaahi (Indho-qarshe), kaasoo ku eedeeyey Taliyaha Dila inuu horjoogsan kariwaayey dadweynaha reer Dila ee sida wayn ugu soo baxay taageerada xisbiga KULMIYE. Sidoo kale waxa la tilmaamay in Taliyaha Qaybta Booliska Awdal uu ka cadhooday waqtigii soo dhaweynta masuuliyiinta KULMIYE socotay oo halkaasi uu soo maray Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, kaas oo dadweynihii halkaa ka qaybgalayey soo-dhaweyntu qaylo diidmo ah ku qaabileen, arrintaasina dhalisay in lagu xidho Taliyihii Ciidanka Booliska degmada Dila.

Weftiga KULMIYE ee uu hoggaaminayo murashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay weheliyaan masuuliyiinta heer gobol ee xisbiga u qaabilsan Gobolka Awdal, siyaasiyiinta Prof. Ismaaciil Muumin Aar iyo Axmed Xuseen Oomane iyo weliba xildhibaano ka tirsan Baarlamanka oo muddo toddobaado ahba socdaalo ku marayey gobollada Awdal iyo Salal, waxa degaanada ay socdaalka ku soo mareen ka fureen xafiisyo badan oo xisbigu ugu diyaargaroobayo doorashada Madaxtooyada ee loo qoondeeyey inay dalka ka qabsoonto 26-ka bisha June ee foodda inagu soo haysa. Waxaana masuuliyiintaasi maanta cambaareeyeen xadhiga Taliyaha Ciidanka Booliska ee la xidhay.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com