Haween magacyo la-yaab leh u bixiyay Caruur ay ku umuleen Safafkii codaynta Doorashadii Itoobiya

Addis-Ababa (Somaliland.Org)- Haween ka mid ahaa cod-bixiyayaashii Doorashada Baarlamaanka ee dalka Itoobiya, ayaa la sheegay in ay magacyo aan hore dalkaa loogu arag ay u bixiyeen saddex Caruur ah oo ay dhaleen, ka dib markii ay ku umuleen Safkii codaynta ee ay ku jireen.

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA, laba ka mid ah saddexda Caruura ayaa subaxnimadii hore ee Axaddii ku kala dhashay laba goobood oo kuwa codaynta ah, kana tirsan Gobolka Oromada ee Dalkaas. Wakaaladda oo soo xiganaysa Agaasimihii goobaha Codaynta ee Caruurtu ku dhasheen midkood Mintesinot Yilfu, ayaa sheegtay in Caruurtan midkood loo bixiyay magaca Dawlad, halka ilmaha kale oo Gabadh ahaydna loo bixiyay magaca Cod-bixiye. Waxaanu sheegay in markii ay labada Haween ahi ku umuleen goobta, ay dadku ka caawiyeen in ay codkooda dhiibtaan, imikana xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay.

Dhinaca kale, Telefishanka Dawladda ee ETV, ayaa baahiyay in ilmo saddexaad uu ku dhashay isla maalintaa Axadda ee Doorashada Baarlamaanka Itoobiya magaalada Makele ee Waqooyiga dalkaas, taas oo Hooyadeed ku umushay meel aan ka durugsanayn Gurigooda, wakhti ay ka soo laabatay goobtii codaynta, isla markaana ay codkeeda soo dhiibatay. Waxaana Warku intaa raaciyay in Ilmahan yar oo gabadh ah loo bixiyay magaca Doorasho.

Somaliland.Org News Desk