Daahir Rayaale Kaahin Oo Xilkii Olalaha Doorashad Ka Wareejiyay Cismaan Hindi

Daahir Rayaale Kaahin Oo Xilkii Olalaha Doorashad Ka Wareejiyay CIsmaan Hindi Ka Dib MArkii Uu Maanta Magacaabay Guddida Dardar gelinta Ololaha Doorashada.

(Hargeysa, Somaliland Somaliland.ORG)  Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Maanta Magacaabay Guddi loo Xilsaaray Hawlaha Dar-dargelinta Doorashooyinka Madaxtooyadda ee Xisbiga UDUB. Oo uu Gudoomiye u noqondoono Madaxweyne Ku Xigeenka JSL.Mudane, Ahmed Yuusuf Yaasiin, ku xigeen uu u yahay Xoghayaha Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin. Gudidan ayaa lagu soo darin Gudoomiyihii Olalaha doorashada ee UDUB Mr Cismaan Cabdilahi Cigaal “Cismaan Hindi”. Waxaana arintan la filayaa in ay ka danbaysa khilaaf mudooyinkan danbe kala dhexgalay Xoghaya Xisbiga UDUB Mr Jaamac Yaasiin iyo Cismaan Hindi, iyada oo khilaafkoodaasian dibada usoo baxay wakhtigii ay safarka ugu joogeen gobolka Togdheer.

Arintaasina waxaa la filayaa in ay dhalisay gudiddan cusub ee Madaxweyne Riyaale sameeyay, oo la filayo in ay la wareegto hawshii Gudoomiyaha olalaha doorashada ee UDUB hore ug hayay Xisbiga UDUB. Wax wara wali lagama hayo Mr Cismaan Hindi, waxa uu ka yidhi magacaabista gudiddan cusub, ee laga dulsameeyay. Waxaana maanta u raacday in gacanta la saaray Cismaan Hindi, oo  mid ka mid taageerayaasha UDUB budheeyay,  isaga oo ka cabanaya in lacagtii gunada ee muraaqbnimada ahayd la siin. Ka dibna isaga oo arintaa ka cadhaysayn budheeyay Mr CIsmaan Hindi oo xafiiska Goljano soo booqday.

War Saxaafadeedkii Madaxtooyadu soo dirtay oo faah faahsan waakan.

Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, go’aankaasi uu ku Magacaabay Guddiga Abaabulka Doorashooyinka Madaxtooyadda ee Xisbiga UDUB,waxaa u ku sheegay in iyada oo Maalmo koobani ay ka hadhsantahay Olalihii Doorashooyinka Madaxtooyadda in ay lagama Maarmaantahay in la Sameeyo Guddi ka hawlgasha Ololaha Doorashooyinkaasi ee Xisbiga UDUB.

Guddidaasi oo uu Guddoomiye u noqondoono Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Ahmed Yuusuf Yaasiin, Ku Xigeenkiisana uu noqondoono Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UDUB Mudane Jaamac Yaasiin Faarax, waxaa ay ka Masuul Noqondoonaan Arrimaha ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga oo Maalmo yari ka hadhsanyihiin

wakhtigii la bilaabi lahaa.

Waxaa kale oo Madaxweynuhu uu amar ku bixiyey in iyana ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl gelidoonaan dhamaan Xubnaha sar-sare ee Xisbiga UDUB Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan wakhtiga la bilaabo ololaha Doorashooyinka”

ALAA MAHAD LEH

AF-hayeenka Madaxtooyadda

(Siciid Cadaani Mooge)