SUUGAANTII IYO HAL-KU-DHEGYADII XILIGII HALGANKA SNM

Maadaama oo dadka Somaliland hodan ku yihiin suugaanta Afka Soomaaliga inta badana dadyowga Soomaaliyeed u daba fadhiistaan arimaha suugaanta. Ayaan waxaan Jeclaystay inaan xusuus ka sameeyo maskaxda dadkana dib ugu celiyo halku dhigyadii iyo suugaantii xiligii halganka sida xooga ah uga soo burqanaysay maskaxda dadkii halganka ku jiray iyo shicibkoodaba.

Inta badan abwaanadu suugaanta waxay u adeegsadaan inay dareenkooda ku cabiraan, wax ku waaniyaan, caadifada dadka ku kiciyaan, wax dhacay kusoo tabiyaan iwm. Sidaas oo kale, ayay barbaartii halganka shamaca u siday u adeegsadeen suugaanta sidii ay u kasban lahaayeen taageerada shacabkooda uguna kicin lahaayeen si ay uga gilgishaan xukuumada kalitaliska ah ee tacadiga iyo gumaysiga la daba taagan.

Suugaantaa wakhtigaa la curiyay waxay isugu jirtay noocyo badan oo suugaanta Soomaalida ka mida sida gabayo, geeraaro, heeso, jiifto iyo buraanburba. Qaybta ugu tirada badnayd ee sida laxaadka leh uga soo burqanaysay maskaxda abwaanada waxay ahayd gabayada, sidoo kale waxa iyaguna si aan xadlahayn loo aliffay heesaha oo qaybwayn ka qaatay madadaalada iyo mooraalkii dhalintii hubka siday.

Taabo galkii suugaantii halganku waxay ku sinayd, markii dadkii alle ku uumay magaalooyinkii waawaynaa ee goboladii Woqooyi ee Soomaaliya lagu khasbay inay barokacaan, naftoodana kala cararaan madaafiicdii iyo diyaaradihii xasuuqa ee aan cidnaba hambaynayn.  Dadkii ka qaxay magaalooyinka iyo miiguba waxay hoy, badbaado iyo gabaadba ka heleen dhulkii ku teedsanaa xuduuda dalka Ethiopia.

Kol hadii dadkii isugu yimaadeen xeryihii qoxoontiga iyo furimihii dagaalka iyadoo laga midaysan yahay halganka iyo guubaabin tiisaba, waxa qof walba maskaxdiisa kasoo baxay ereyo suugaaneed (xataa hadanu abwaan ahayn) oo uu ku cabirayo dareenkiisa, kagana dhiidhinayo dhibta iyo daranyada taal xeryaha qoxoontiga, iskuna guubaabinayaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen halgankooda. Halkani waxay ahayd halkii aan ku barbaraaray wakhtigii caruurnimadayda qayb ka midana ku qaatay, suugaantii halganku waxay barbaartii wakhtigaa kacday u ahayd school rhymes ay had iyo jeer ku maararoobaan.

Marka laga yimaado gabayga iyo heesaha oo intooda badan qoraal iyo codba lagu hayo, dadka in badanina maskaxdooda ku xardhan, bal aan qormadan kusoo qaadano tuducyo gaagaaban oo dadku halku dhig ahaan ugu isticmaali jireen xaga halganka, dhibootooyinka qoxoontinimada, alle bariga, maaweelada iyo xifaaltanka dhalinyarada guurdoonka dhexdiisaba.

Ugu horayn marka furimaha hore ee dagaalka la joogo waxa caado ahayd in laysdhiiri galiyo iyadoo la isticmaalayo suugaan. Bal aynu eegno baydadkan soo socda oo iskugu jira alle bari iyo dhiiri galinba iyadoo lagu qaadi jiray luuq iyo siiqo aad u macaan, qalbiyada dadkana dhaqaajin jirtay kuna beeraysay ad-adayg iyo wadaniyada.

Ragyoow hubka qaata

Holciya cadawgiina

Wixii aad rabtaanba

Rabbaad ka heshaane.

Allaahuma salli wasallim calaa

Xabiibi Muxamed Calayhi salaam

Adoo dhimanaaya

Dhaqaalena haysan

Dhulkiina la haysto

Maxaad uga dhuuman

Ku dhiiro dagaalka.

Allaahuma salli wasallim calaa

Xabiibi Muxamed Calayhi salaam

Waryaa hanta laawe

Hashaad dhaqanaysay

Hadaad u han waynayd

Ragbaa kugu haysta.

Allaahuma salli wasallim calaa

Xabiibi Muxamed Calayhi salaam

Intaad dhiidhidaan

Warmaha dhufsataan

Caloolaha dhaansan

Ku dhaaba walaal.

Allaahuma salli wasallim calaa

Xabiibi Muxamed Calayhi salaam

Dhaqaajiya dhiiga dhalinyaradaay

Dhurwaaga dhulkiina kasoo dhiciyaay.

Allaahuma salli wasallim calaa

Xabiibi Muxamed Calayhi salaam.

Dhanka kale, dadkii markii ay ku adkaatay noloshii dibad yaalka iyo silica ahayd waxay ku tiraabeen maansooyin duco ah iyagoo alle ka tuugaya in guryahoodii oo xorra ay dib ugu laabtaan, waxay ku tiraabeen:

Allihii dulcad iyo daroor na dhigoow

Dalkiiyoo nabadiyo,  dadkoo xoraba

Adaa Daa’imee dib noo celi

Iyo mid ay dhibaatadu dhib u xasuusisay oo ahayd

Kariimka allow na kaalmeeyoo

Sidii koongo(Congo) xamar na kala goo

Dhibtu kaliya kumay koobnayn hoy la’aanta balse dadku waxay kaloo khaati ka taagnaayeen noloshii deegaankaa inteedii badnayd sida cuntada, biyihii wada dhoobada ahaa, dulinkii qoxoontiga miciinka biday, dabayshii aan kala go’a lahayn iyo waliba dhooqadii xilliyada roobka kabaha u darnayd. Sidaas darted ayay hooyo ka yaabtay cuntadan ku cusub nolosheeda waxay ku cabatay:

Waddiyeey wadnahaad na haysaa

Shuurooy mid aan shuufay baad tahay

Sidoo kale, suugaantan waxa an ka maqnayn maaweelada iyo kaftanka dhalinyara haasaawaysa. Raga gaashaan qaadka ah marka lagu arko xeryaha qoxoontiga iyagoo jooga, aan dhaawacna ahayn halkii ay heegan kaga jiri lahaayeen dhufaysyada, iyadoo loo arkayay rag gabbay kaalintoodii . dumarku waxay ku ilaaqi jireen:

Raggaa dulcal Joogee

Daqiiqda xashaaya

Iyaba cilmi weeyee

Calaamo ha fuusho

Kolay qalin laguma soo koobi karo suugaantii halganka iyo marxalihii kala duwana eey kusoo aroortay, laakiin intani waxay u noqon kartaa bilaw wanaagsan oo albaabada u fura xusuus aan dhamaad lahayn. Qof wal oo suugaantan wax ka hayaana waxa la gudboon inuu qoro umadana usoo tabiyo.

Alle ha u naxariisto mujaahidiintii naftooda u huray xoraynta wadankan iyo mustaqbalka jiilashii ka dambeeyay. Inta noolna sharaf iyo abaal aan duugoobayn ayaan qalbiyada ugu haynaynaa.

Qalinkii: Suleiman Ismail Mohamed

Email: duale136@hotmail.com

Hargeisa, Somaliland