GORFEYNTA WARGEYSKA: Argagixisadu Waa Dembi Culus, Ee Warkaagu Ma Cad Yahay, Mise?
ska Hor-Imaad Magaalada Ceerigaabo Ku Dhexmaray Taageerayaasha Xisbiyada Kulmiye Iyo UDUB
“Maanta aaska ayaanu ka qayb-gelaynaa, beritona fagaare ayaanu dadka kala hadlaynaa, si balaadhan baana naloo soo dhoweeyey, Kulmiyana halkan…” kuxigeenka Kaambaynka gobollada Bari ee xisbiga KULMIYE, Eng: Cali Siciid Raygal
Ceerigaabo, Somaliland, May 8, 2010 (Saxafi) – Hal qof ayaa dhintay, tiro dad ah oo aan xaddigooda la hubina way dhaawac-meen, ka dib markii uu magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sool iska hor-imaad dhexmaray taageerayaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB, waxayna taasi ka dambaysay markii ay maalintii shalay halkaa gaadheen wefti ka socda xisbiga KULMIYE oo uu hogaaminayo madaxa kaambaynka gobollada bari ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayna ka mid yihiin, kuxigeennadiisa dhinaca kaambaynka Eng: Cali Siciid Raygal iyo siyaasiga caanka ah Axmed Xaji Cali Cadami.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag waxa uu iska hor-imaadku bilaabay markii ay kooxo dhalinyaro ah oo uu soo abaabulay xisbiga UDUB soo weeraray xafiiska Kulmiye ee magaalada Ceerigaabo, dabadeedna ay dhagax-tuur ku bilaabeen, xiligaana waxa xafiiska ku sugnaa weftiga Kulmiye. Intaa ka dibna taageerayaasha xisbiga Kulmiye ayaa iyaguna dhinacooda dhagax-tuur iyo iska difaacid ugu jawaabay taageerayaashii xisbiga UDUB, halkaas oo ay markii dambe bilaysku soo kala dhex-galeen, waxaana dhagax-tuurkaa ku dhaawacmay tiro dad ah oo aan xaqiijin inta qof ee ay yihiin, waxaana dadka dhaawacmay ka mid ah dhawr dumar ah oo ay halleeleen dhagxaantii la tuurayey.
Sida la sheegay qofka dhintay oo ah wiil dhalinyaro ah waxa ku dhacday xabbad loo malaynayo inay ka mid tahay rasaastii ay bilaysku ridayeen markii ay dadka kala dareerinayeen. Laakiin sida ay wararku sheegeen inmuddo ah ayey magaalada dhexdeeda is-baacsanayeen taageerayaasha labada xisbi, iyadoo ay wararku intaa ku dareen in xataa markii dambe la shiiday xafiiska xisbiga UDUB, waxyeelona loo geystay qalabkii dhex-yaalay.
Sida uu ku soo waramay sanqadha rasaasta ayaa la maqlayey markii uu iska hor-imaadku socday, rasaastaana waxa la rumaysan yahay inuu inta badan bilaysku ridayey, laakiin lama hubo inay rasaas kale dhacday iyo inkale.
Markii ay rabshaduhu bilaabmeen waxa socotay munaasibad isu soo-bax oo lagu soo dhowaynayey weftiga xisbiga Kulmiye, munaasibadaas oo ka socotay xafiiska Kulmiye ee magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay weftiga Kulmiye ugu diyaar-garoobeen boqolaal dad ah oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee magaalada Ceerigaabo, iyadoo la sheegay in sanqadha soo dhowaynta weftiga xisbiga Kulmiye ay si weyn u ruxday magaalada.
Kuxigeenka madaxa kaambaynka xisbiga Kulmiye ee gobollada bari EnG: Cali Siciid Raygal oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo Ceerigaabo jooga ayaa noo sheegay inaanay weftigooda wax dhibaato ahi soo gaadhin, si weyna loogu soo dhoweeyey magaalada Ceerigaabo.
“Waxoogaa ciyaal ah oo ay UDUB soo abaabuleen ayaa xafiiska Kulmiye inta ay ag-yimaadeen shiiday, dabadeedna taageerayaashii Kulmiye oo boqolaal ah ayaa baac-sadday, aakhirkiina ciidanka bilayska ayaa soo dhex-galay arinta, xisbiga Kulmiyena halkan (Ceerigaabo) taageero aad u balaadhan oo aan la qiyaasi karin ayuu ku leeyahay”, sidaa waxa yidhi Kuxigeenka madaxa Kaambaynka gobollada bari Cali Siciid Raygal, isagoo intaa raaciyey inuu weftigoodu maanta ka qayb geli doono aaska marxuumka ku dhintay rabshadda halkaa ka dhacday, isla markaana ay ilaa maanta ilaa caawa dhisi doonaan guddiyadii kaambaynka gobolka Sanaag ee xisbiga Kulmiye, beritona ay meel fagaare ah kala hadli doonaan dadweynaha reer Ceerigaabo.
“Maanta waxaanu ka qayb galaynaa aaska iyo tacsida marxuumka dhintay, beritona meel fagaare ah ayaanu dadka kala hadli doonaa, waanuna tacsiyadaynaynaa qoyskii iyo ehliyadii uu ka geeriyooday wiilka dhintay” ayuu yidhi Cali Siciid Raygal.
Weftiga Kulmiye ee uu horkacayo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose waxay socdaalkooda ka bilaabeen gobolka Togdheer, halkaas oo iyana si weyn loogu soo dhoweeyey, balse ay sidoo kale la sheegay inay dhalinyaro la soo abaabulay inay iyaguna waxoogaa dhagax-tuur ah halkaa ka sameeyeen.
Weftiga Dr. Gaboose waxa kale oo ay sii mareen degmooyinka Caynaba, Gar-adag iyo Ceel-Afweyn, halkaas oo intaba si weyn loogu soo dhoweeyey.
GORFEYNTA WARGEYSKA
Argagixisadu Waa Dembi Culus, Ee Warkaagu Ma Cad Yahay, Mise?
Gaboose, M.Xaashi iyo C/casiis, hadda iyo ka hor.
Kooxaha ama ururrada loo yaqaan Argagixiso muddo badan ayey dunida ka jireen, waxaana dunida soo maray kooxo ama ururro badan oo xiliyadii ay jireen loo yaqaanay Argagixiso, ururradaas oo marka la eego dhinaca diimaha waxay qaarkood ku abtirsadaan diinta Kiristaanka. Qaarna dunida Islaamka, qaarna dunida diimaha Macbudka ah aaminsan, tusaale ahaan ururkii la odhan jiray IRA, ee uu hogaamin jiray ninkii la odhan jiray Jerry Adam oo waqti hore ka dagaalami jiray gobolka Arish-ka ee dalka Ingiriiska waxa muddo loo yaqaanay Argagixiso, hogaamiyahooda Jerry Adam-na argagixiso ayuu ahaa oo xataa saxaafadda mamnuuc ayey ahayd inay aqoonsato.
Kooxaha ama ururrada loo yaqaan argagixisada ee ka dagaalama meelo badan oo dunida ka mid ah, waxay isticmaalaan tabo-dagaal oo ay ka mid yihiin, Dad lagu xidh-xidhay walxaha qarxa oo meel isku qarxiya, miinooyin iyo alaabooyinka qarxa oo meel lagu xidho, ka dibna ay meeshii olosho dad-na ku le’do IWM, sidoo kale waxay isticmaalaan dilal qarsoodi ah oo ay la beegsadaan shakhsiyaadka muhimka ah ee had-ba cidda ay la dagaalamayaan.
Marka la eego waqtigan xaadirka ah ururrada ama kooxaha dunida ka dagaalama ee caalamku ku tilmaamo argagixiso waxay intooda badani sitaan magacyo Islaamiya, sidaa darteedna dagaallada ay dunida ka waddaan waxay ku tilmaamaan Jihaad, laakiin taa inta badan culimada caalamka ee islaamku way ka soo horjeedaan, waxaana ka taagan dood adag oo diimeed.
Si kastaba wax haw jireene, marka lagu soo dhowaaddo waqtigan xaadirka ah, summadda argagixiso waa dembi caalami ah, hadii ay heer dunida oo dhan ah iyo hadii ay tahay heer gobol iyo hadii ay tahay heer wadan-ba, sidaa darteed urur-kasta, koox-kasta iyo qof-kasta oo lagu sunto argagixiso waxa la dul-sudhayaa laambad aad u iftiimaysa oo dhawaaqa ay bixinaysaa yahay “Dembiilaha qabta”. Laakiin taa macneheedu ma aha inay cid waliba iska odhan karto ururkaasi, kooxdaasi ama qofkaasi waa argagixiso ee waa inuu jiro fal ama falal ay ciddaasi samaysay oo ku abtirsanaya dembiga culus ee argagixiso. Masalan marka la leeyahay ururkaasi, kooxdaasi ama qofkaasi waa argagixiso waa inay jiraan caddaymo ka marag-furaya eedaha loo jeedinayo, sida qaraxyo uu geystay, ama kooxo argagixiso oo uu abaabulay ama hogaamiyey, sida dhaqaale uu ku bixiyey ururrada ama kooxaha loo haysto dembiyada argagixiso IWM, taas oo macneheedu yahay, qofka lagu eedaynayo argagixiso waa inuu jiro fal-dembiyeed cad oo galay, marka ay taasi jirto oo keliya ayaa kooxda, shakhsiga iyo shakhsiyaadkaba loogu yeedhi karaa ama lagu eedayn karaa argagixiso.
Waxa mudooyinkan dambe dhinaca warbaahinta dawladda ka soo yeedhayey dhawaaqyo odhanaya “xisbiyada mucaaradka waxa ku jira rag argagixiso ah”.
Dhawaaqyada caynkaas ahi waxay inta badan ka soo baxayeen war-baahinta dawladda iyo qaar loo tiriyo inuu macaamil dad-badani ka dhexeeyo, iyaga iyo xukuumadda, marar dhawr ah way soo noq-noqdeen. hase yeeshee tii u dambaysay waxay ahayd war faaqidaadiisa lagu nuux-nuuxsaday oo toddobaadkii aynu ka soo gudubnay laga baahiyey idaacadda Radyo Hargeysa, faalladaas oo daqiiqado badan socotay waxa nuxurkeedu ahaa xisbiga Kulmiye oo ay qaar ka mid ah hogaamiyayaashiisa waaweyni argagixiso yihiin.
Ragga la magacaabay waxa ka mid ahaa, Maxamed Xaashi Cilmi, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo C/casiis Samaale.
Dhawaaqa caynkaas ah xisbiga Kulmiye markiiba jawaab kulul ayuu ka bixiyey, waxayna sheegeen inay dacwad arintaa ku saabsan u gud-bin doonaan maxkamadda, iyadoo ay hogaamiyayaasha xisbiga Kulmiye dhinacooda marar badan ku cel-celiyeen inaanay waxba ka jirin eedaymaha caynkaas ah, laakiin marka laga yimaaddo is-difaaca Kulmiye, waxa nuxurka meesha yaal yahay, waa arin muhim ah hadii ay xukuumaddu hayso ama ogtahay shakhsiyaad ka tirsan kooxaha argagixisada, waxaase daba-taal hadii ay taasi jirto hala keeno caddayntii eedaynta culus ee laga sii daayey war-baahinta qaranka.
Inta aynaan iswaydiin su’aasha ah dawladdu ma haysaa caddaynta eedaynta culus ee ay u jeedisay masuuliyiinta ka tirsan xisbiga Kulmiye, waxaynu marka hore iswaydiinaynaa, saddexna nin ee la carrab-dhebey waa kuwama ?.
Marka hore Dr. Maxamed Cabdi Gaboose xilal badan ayuu soo qabtay, siyaasaddana maraaxil kala duwan ayuu ka soo maray, laakiin hadii aynu soo qaaddanno qaar ka mid ah, mar waxa uu ahaa xog-hayihii guud ee shirkii beelaha Somaliland ee Hargeysa ka dhacay intii u dhaxaysay 1996-1997-kii, shirkaas oo madaxweyne iyo madaxweyne-kuxigeen loogu doortay Alla ha u naxariistee Marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale kaahin. Sidoo kale Dr. Gaboose waxa uu mar ahaa wasiirka arimaha gudaha Somaliland, sidoo kale waxa uu mar ahaa hogaamiyaha mid ka mid ah ururradii ka qayb galay doorashooyinkii golayaasha degaanka, laakiin markii uu ururkii uu hogaaminayey ee SAHAN ku hadhay doorashadii Dr. Gaboose iyo raggii uu hogaaminayey waxay ku biireen xisbiga UDUB ee talada haya.
Sidoo kale Maxamed Xaashi Cilmi, isaguna xilal badan ayuu dalka ka soo qabtay, wuxuuna soo maray marxaladdo badan oo siyaasiya, balse hadii aynu soo qaadanno qaar ka mid ah mar wuxuu ahaa maayarka caasimadda Hargeysa, waxaana xiligaa la siiyey billad caalami ah, sidoo kale waxa uu ahaa wasiirkii ganacsiga ee xukuumadda madaxweyne Rayaale, isagoo dhinaca kalena xiligaa ka tirsanaa xisbiga UDUB.
Sidoo kale C/casiis Samaale waa gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland, isla markaana waa xildhibaan laga soo doortay gobolka Hargeysa. Laakiin marka si kale loo micneeyo waxa uu ka mid yahay madaxda sar-sare ee qaranka.
Su’aasha aynu hadaba iswaydiinaynaa waxay tahay, Maxamed Xaashi iyo Dr. Gaboose ma markii ay xisbiga Kulmiye ku biireen ayey ar-gagixisada noqdeen, mise hore ayey u ahaayeen.
Ta kale miyaan la fahamsanayn inuu gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee golaha wakiiladu ka mid yahay madaxda ugu saraysa ee qaranka, sidaa darteedna uu huwan yahay karaamadii iyo sharaftii qaranka, taasna uu macneheedu yahay in wixii yahayba aynu la wadaagno. Ta kale C/casiis Samaale markii uu sannadkii dhowaa ee 2005 u tartamayey golaha wakiilada maxay dawladdu u siisay war-qadda dembi la’aanta ee u xidhi-wayday hadii uu argagixiso ahaa, Yaab!!, ma anagaa waallan, mise Caddan baa laga heesayaa.
Warka laga sii daayey idaacadda Radyow Hargeysa markii uu eedayntaa tilmaamayey waxa uu xiganayey warar iyo xogo laga helay Maraykanka, laakiin hadii ay sidaa tahay waxa la iswaydiin karaa, Dr. Gaboose markii uu kal horen booqashada ku dhex-mushaaxayey gobollada waaweyn ee Maraykanka ee uu ka qayb gelayey shirarkii fagaarayaasha ka dhacayey muxuu Maraykanku u qaban-waayey, yaab !!!. Sidoo kale gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee wakiilada C/casiis Samaale intii uu xilka hayey toddoba-sideed goor buu debedaha u dhoofay oo uu socdaal ku maray dalalka reer galbeedka, maxay markaa u qaban-waayeeen ee ay ugu dari-waayeen maxaabiista ku jirta xabsiga Guwantanamo-bay. Sidoo kale Maxamed Xaashi markii uu ahaa wasiirka ganacsiga waxa uu safarro ku galaabixiyey dalal badan oo dunida ah, isna maxaa markaa loo qaban-waayey.
Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa rumaysan inaanay sheeg-sheegista arintaasi ka badnayn Bara-bagaande siyaasadeed oo ay xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB uga dan leeyihiin inay ku durraan xisbiyada mucaaradka ee kula loolamaya sidii ay talada uga qaadi lahaayeen, laakiin xeel-dheerayaasha shuruucdu waxay si adag ugu hoosta uga xariiqayaan inaanay eedaynta caynkaasi ahayn wax si hawl-yar la isaga odhan karo hadii aan loo hayn caddayn iyo marag-fur, waayo qofka eedda caynkaas ah loo xanbaariyey waxba kama duwana qof loo qorsheeyey khaarajin, ama ha suurtagasho ama yaanay suurta-geline.
Ta kale marka la eego saska, baqaha iyo aragtida caalamiga ah ee waqtigan xaadirka ah laga haysto weedha Argagixiso iyo nuxurka dembi ee ay ka turjumayso, ma aha wax qunyar lagu kaftami karo hebel waa argagixiso ama ciddaasi waa argagixiso, sidoo kale ma aha wax loo isticmaali karo baro-bagaande siyaasadeed, sidoo kale ma aha wax la odhan karo hebel ku xummee ama ciddaa ku xummaa, waayo qofka aad ugu yeedhayso argagixiso waxba kama xigaan in saacadaaba la khaarajiyo, sidii ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee badhtamaha Somaliya, halkaas oo hogaamiyihii ururka Al-shabaab Xaashi Cayrow mar keliya lala eegtay Sayruukh laga soo gannay markab dagaal oo taagan badweynta Hindiya.
Marka lagu soo dhowaaddo ma aha dhiillo ama wax lala yaabo in shakhsi ama shakhsiyaad lagu eedeeyo dembi oo la yidhaahdo dembi ayuu hebel ama hebello galeen, waxaase biyo-kama dhibcaan in qofkaa la daba-siddo caddaymihii ka marag-kacayey eedda loo xanbaariyey, sidaa darteed hadii ay run yihiin eedaha laga baahiyey idaacadda qaranka, waajibka qaanuuniga ahi waxa weeye in miiska la soo saaro caddaymihii ka marag-kacayey dembiga lagaga dhawaajiyey, taasna waxa laga sugayaa cidda eeddayntu ka soo yeedhay. Hadii kale ninkii ku dhawaaqay eedayn aanu caddayn u hayn, isagaa u magac-bixin.
Barnaamijka Bixinta Kaadhadhka Cusub Ee Diiwaangelinta Cod-Bixiyayaasha Oo Somaliland Ka Bilaabmaya Iyo Dareemada Ku Gaddaaman
Hargeysa, Somaliland, May 8, 2010 (Saxafi) – Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay 10-ka bishan aynu ku gudo-jirno ee May, 2010 dhamaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland ka bilaabayaan hawl ku saabsan bixinta kaadhadh cusub oo loogu talo-galay dadka u diiwaangashan cod-bixinta doorashooyinka, hawshaas oo sida ay sheegeen komishanka doorashooyinku goobaha cod-bixinta ka socon doona muddo toddobaad ah, isla markaana hawsha bixinta kaadhadhka cusubi waxay xarunta degmo-kasta ka sii socon doontaa muddo toban maalmood ah.
Arinta ku saabsan bixinta kaadhadhka cusub ee cod-bixiyayaasha oo waqtigan xaadirka ah dhaqdhaqaaqeeda iyo u diyaar-garawgeeda si weyn looga dareemayo gobollada iyo degmooyinka dalka ayey dad badani u arkaan hawl ka sii culus diiwaangelinta oo mar kale ka mid noqotay hawlaha ad-adag ee loogu diyaar-garoobayo doorashada madaxtooyada ee foodda inagu soo haysa, sidaa darteedna waxa meelo ay ka mid tahay ka baxaya dad badan ou ka kooban hogaamiyayaal kala duwan, kuwaas oo u kala baqoolaya gobollada iyo degmooyinka dalka si ay uga qayb qaatay hawsha bixinta kaadhadhka cusub ee cod-bixiyayaasha diiwaangashan.
Inkasta oo guud ahaan loo diyaar-garoobayo in la qaato kaadhadhka cusub, hadana waxa jira dareemo ku gadaaman bixinta kaadhadhka cusub, waxaana dareemadaa ka mid ah xisbiga UDUB oo saluug-weyn ka muujinaya natiijada uu Seerfarku soo saaray, taas oo ay ku dacwiyayaan inaanay sax ahayn. Waxa kale oo meelaha qaarkood ka soo if-baxay murran ku saabsan xulista shaqaalaha ka hawl-gelaya arimaha doorashooyinka, gaar ahaan bixinta kaadhadhka cusub.
Sida ay sheegeen komishanka doorashooyinka qaranka samaynta kaadhadhka cusub ee cod-bixiyayaasha waxa soo diyaarisay shirkad ka diiwaangashan dalka Koonfur Afrika, waxayna kaadhadhkaasi dalka soo gaadheen badhtimihii toddobaadkii ina dhaafay.
Sida ay komishanku sheegeen shirkadda Koonfur Afrika waxa qandaraas lagu siiyey inay soo kala shaandhayso diiwaankii lagu kaydiyey macluumaadkii diiwaangelinta ee seerfarka loo yaqaan, taas oo sida la sheegay soo kala shaandhaysay, soona samaysay kaadhadh cusub oo lagu bedelayo kaadhadhkii hore ee diiwaangelinta ee ay dadku haysteen.
Sida la rumaysan yahay hawsha la xidhiidha bixinta kaadhadhka cusubi waa hawl culus oo u baahan diyaar garow iyo in waqti ku fillan la siiyo, hase yeeshee sida muuqata hawshaasi kaabbiga ayey timi iyadoo aan loo diyaar garoobin, isla markaana waqtiga ay haysataa uu cidhiidhi yahay, waxaase dhinaca kale muuqata in loo diyaar garoobayo oo ay dadku diyaar u yihiin inay qaataan kaadhadhka cusub, ilaa haddase lama oga inay hawshaa caqabaddo ka hor-imman doonaan iyo inkale
Marka la eego natiijada ka soo baxday aalladda Seefarka waxay komishanka doorashooyinku sheegeen inaanay wax badan iska bedelin natiijada hore loogu dhawaaqay ee xaddigeedu ahaa ilaa hal milyan iyo dheeraad, natiijadaas inkasta oo ay komishanka doorashadu sheegeen inay tahay natiijadii saxa ahayd ee doorashada lagu gelayey, hadana xisbiga talada haya ee UDUB ayaa walaac ka muujiyey natiijada cusub ee soo baxay, iyaga oo muujiyey inaanay raali ka ahayn natiijada soo baxday, hase yeeshee komishanka doorashooyinka qaranka ayaa ku adkaystay inay arintu sidaa tahay oo aanay jirin wax laga bedelayo qorshaha socda, taas oo macneheedu yahay inaanay komishan ahaan waxba ka bedelayn qorshe hawleedkooda, xisbiyadana keliya looga baahan yahay inay doorashada u diyaar garoobaan, sidoo kale xisbiga talada haya ee UDUB waxa uu walaac ka muujiyey xiliga ay doorashadu dhacayso ee ay komishanku ka dhawaajiyeen, taas oo ay sheegeen inay dhacayso bisha Juun ee foodda inagu soo haysa, dabadeedna markii ay komishanku ka dhawaajiyey mudada caynkaas ah waxa xisbiga talada haya ee UDUB ka soo baxay dareen ah inay mudadaasi aad u dhowdahay oo loo baahan yahay in mudada dib loo dhigo, laakiin waxay u muuqataa inaanay komishanka doorashooyinku cidna waxba ka waydiinayn qorshohooda la xidhiidha qabashada doorashada madaxtooyada, taasina hadii ay rumowdo inay doorashada madaxtooyadu qabsoonto bisha Juun ee foodda inagu soo haysa waxay soo afjari doontaa muddo dheer oo uu dalku doorasho u figaysnaa, lana sugayey inay mar uun doorashada madaxtooyadu dalka ka dhacdo.
Sida la ogyahay ilaa saddex doorasho oo aan wax badan kala dambayn ayaa dalka ka dhacay, kuwaas oo kala ahaa doorashadii golayaasha degaanka ee qabsoontay dabayaaqadii sannadkii 2002 iyo tii madaxtooyada oo qabsoontay horaantii sannadkii 2003 iyo sidoo kale tii golaha wakiilada oo qabsoontay sannadkii 2005, laakiin mar keliya ayaa hakad galay geedi socodkii hanaanka doorashooyinka, waxaana mar keliya dib u dhacay doorashadii golayaasha degaanka oo muddodhaafay, tii madaxtooyada oo muddo-dhaaftay, tii golaha guurtida oo muddodhaaftay iyo tii golaha wakiilada oo kaabbiga soo saarran. Sidaa awgeed hadii ay qabsoonto doorashada madaxtooyada oo ugu soo horaysa waxa ku xiga doorashooyin tallantaali ah, kuwaas oo ay qaban doonto xukuumadda uu soo dhiso xisbiga ku guulaysta doorashada madaxtooyada.
Yaa Wax Ku Waayey, Kumaase Ka Faa’iideystay Safarka Madaxweyne Rayaale Dalka Kaga Maqan yahay?
Faallo – Maxamed Cumar, Weriyaha Saxafi ee Gobolka Awdal
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa weli dalka kaga maqan safar uu ku kala bixiyey qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika, Carabta iyo Yurubta galbeed.
Inkastoo Madaxweyne Rayaale intii uu xukunka dalka hayey sideed sano ku dhawaad ka hor safaradiisa debedda la buunbuunin jiray, isla markaana ka bixitaankiisa caasimadda Hargeysa iyo soo gelitaankiisuba ahaayeen kuwa guuxooda laga dareemi jiray daafaha magaalada iyo gudaheedba, hase yeeshee doorkan aanay cidi dareemin socdaalkiiisa.
Safarada madaxweynaha oo inta badan saamayn jiray dan yarta ku shaqaysata agagaarka jidadka cidhiidhiga ah ee caasimadda, ayaa sidoo kale doorkan ka raystay siigadii, boodhkii, iyo hanjabaadihii ay u geysan jireen ilaalada madaxtooyadu, iyadoo aanay doorkan ka garab muuqan wasiiradii, iyo masuulyiintii dawladda ee sii dhaweyn ama soo dhaweyn jiray, isagoo doorkan ka tegay wasiirradii sida aadka ah ugu xidhnaa, qaarkoodna aaminsanaayeen inay madaxweynaha turjumaan uga ahaayeen, ama kaga xarrifsan yihiin dalalka uu booqan jiray, isagoo doorkana kaxaystay wasiirro qaarkood aanay weli kala baran golaha wasiirada, xildhibaanada, iyo golayaasha kaleba.
Haddaba markaad eegto qaabka madaxweyne Rayaale uga baxay dalka, ujeedada safarkiisa, iyo sanqadhyarida uu dalka kaga baxay wakhtigan xasaasiga ah ee ay ku soo foolleeyihiin doorashooyin malaha uu kursiga kaga tegi doono, ama ku sii fadhiyi doono, ayaa dad badan oo reer Somaliland ahi ka bixiyeen afkaar kala duwan, balse badi ka mideysnaa in socdaalkiisa doorkani ahaa mid shakhsi ah, oo uu ku soo arkayey ubadkiisa ku kala baahsan meelaha uu booqanayey.
Haddaba markaaad eegto socdaalkaas iyo raadka uu kaga tegey xisbigiisa UDUB, dawladiisa, iyo xisbiyada mucaaradka ah, ayaa si wanaagsan loo arki karayaa in socdaalka Rayaale ee maantu ahaa mid aanu ka sii faashan, isla markaana aanu ka fiirsan guusha iyo guuldarada kaga iman karta ka bixitaankiisa dalka wakhtigan, waxaadse mooddaa in Rayaale u badheedhay ama aanu sidaaba maanta u jeclayn inuu jilbaha u aasto loollan siyaasadeed oo uu mar kale xilka dalkan ku sii hayn karo.
Wax yar kaddib markii uu dalka ka baxay, waxa aamusay durbaankii iyo sawaxankii xisbiga UDUB ku soo dhaweynayey ama ku aflagaadeyn jiray xisbyada mucaaradka ah siiba xisbiga Kulmiye. Waxa yaraaday raadkii, ama ku sii socodkii wasiirada Somaliland qaarkood ee madaxtooyada, kagana dhuuman jireen xafiisyadii loo xilsaaray, waxa yaraaday salaadiintii warbaahinta dawladda iyo TVga madaxtooyada ka cambaareyn jiray qaybo ka mid ah dadka ay masuulka ka yihiin, waxa kale oo la waayey weedhihii qaabyaaladda iyo gobolaysigu ka muuqday ee lagu odhan jiray “Kulmiyoow Hargeysa ka bax”, waxana yaraatay lacagtii faraha badnayd ee ka soo bixi jirtay madaxtooyada.
Cismaan Hindi iyo Muj. Cali Guray ayaan sidoo kale waayadan uu Rayaale maqnaa laga waayey fagaarayaasha iyo warbaahinta madaxtooyada marka laga reebo kuwa Muj Cali Gurey ka jeediyey xus loo sameeyey Marxuum Cigaal. Waxa kale oo iyaguna meesha ka baxay qaar ka mid ah wasiiradii ugu awoodda badnaa dawladdiisa, sida Cawil, Sulub, Warabncadde iyo kuwa kale oo shacbiga u sheegi jiray in madaxweyne Rayaale awood beeleed ku fadhiyo kursiga, taasina muuqato in siyaasiyiintii, wasiiradii iyo masuulyiintii xisbiga UDUB ee uu dalkan kaga sii tegayba laydhku ka damay Rayaale la’aantii, waxayna arrimahaasi muujinayaan in hadaladii diiranaa ee wasiiradaasi, masuulyiinta xisbiga UDUB, iyo qaar kaleba ku weerari jireen xisbiyada mucaaradku ahaayeen hadallo afka baarkiisa ah oo ay maqashiinayeen madaxtooyada si loogu sedburiyo, loogana farxiyo madaxtooyada.
Waxa kale oo wax lala yaabo ahayd sida guddoomiyaha xisbiga UDUB, iyo xoghaya guudba mar keliya Baariis u wada tegeen, dalkana loogaga sii tegey madaxweyne ku-xigeen uu weli ka muuqdo xanuun noloshiisa khatar gelin gaadhay, loona baahnaa inay sugaan inta madaxweyne ku-xigeenku nasanayo.
Intii uu madaxweyne Rayaale gaaf-wareegayey dalalka debedda, waxay xisbiga Kulmiye u ahayd fursad siyaasadeed oo aan weligii soo marin, taas oo uu ku kasbaday codadka iyo taageerada kumaankum qof oo reer Somaliland ah, gaar ahaanna dhallinyarada, ardayda, aqoonyahanada iyo siyaasiyiin kaleba. Dhinaca kale maqnaanshaha madaxweyne Rayaale wuxuu xisbiga Kulmiye ka dhigay mid maanta isagu haya talada dalka, laguna iloobay ciilkii iyo cadhadii ay badeen ciidamada xukuumadda Rayaale sideed sano ku dhawaad ka hor, xukuumaddana maanta u geyeysiisay habdhaqanka mucaaradka dalalka qaarkood.
Isku soo wada duuboo safarka madaxweyne Rayaale ugu baxay debedda doorkan ayaa dad badani ku sifeeyeen inuu ahaa mid uu isku illawsiinayo welwelka siyaasadeed ee hadheeyey madaxtooyada, itaal-darada taageerayaasha iyo masuulyiinta xisbiga UDUB, iyo walaaca doorkan uu ka qabo doorashooyinka soo socda maadaama aanay garabkiisa maanta taagnayn ragii kursiga geeyey sideed sano ku dhawaad ka hor, kuwaas oo qaarkood ka yaaceen xisbiga, qaarna ajasha Illaahay u timid, halka kuwo kalena ku biireen xisbiyada mucaaradka, qaar kalena iskaba casileen xilalkii ay UDUB u hayeen.
Ugu dambayntiina socdaalka madaxweyne Rayaale ku tegey Afrika, Carabta iyo Yurub ayaa la odhan karayaa wuxu ahaa safarkii uu ugu farxadda yaraa, uguna rajada xumaa, ee abid soo foodsaara madaxweynaha, balse dhinaca kale isagu uu u arko in socdaalkiisu uga qiimo badnaa wax kastoo uu ku waayayo Somaliland gudaheeda. iyo siyaasaddeeda.
Guntii iyo gebogebadii intii uu madaxweyne Rayaale debedda kaga maqnaa dalka waxa dhammaaday badi barnaamijyadii suurtagelin lahaa doorashooyinka madaxtooyada ee loogu talogalay inay dalkan ka dhacaan bisha Juun, iyadoo haatan loo diyaargaroobayo bixinta kaadhadhka Cusub, iyo ku dhaqanka natiijadii serverka diiwaangelinta arrimahaas oo la ogyahay sida xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo xisbiga UDUB uga soo. horjeedeen ku dhaqankeeda, balse aakhirataankii shacbiga Somaliland, dalalka saaxiibka la ah Somaliland iyo adduunweynuhuba oggolaysiiyeen inay nidaamkaasi kaga qaybgalaan doorashooyinka soo socda.
Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Rayaale ayaa dalka ku soo laaban doona iyagoo wax waliba dhammaadeen, hadduu ogolaa iyo haddii uu diidanaaba waxayna isaga iyo xisbiyada mucaaradkuba iskugu iman doonaa ‘maxaa inoo dan ah” oo dalkan iyo dadkani ku sii jiri doonaa, waxase la sugi doonaa marka la gaadho maalmaha ugu dambeeya ee doorashooyinka madaxtooyada, markaas oo ay soo bixi doonaan tallaabooyinka qarsoon ee ay xukuumadda Rayaale kaga qaybgeleyso ama ku burburinayso doorashooyinkaasi, durbana la hayo raad ka mid ah raadadka burburinta doorashooyinka oo ay ku kacayaan taageerayaasha xisbigaasi.
Muwaadiniin Reer Djibouti Ah Oo La Sheegay Inay Barroosinka Dhigteen Xafiiska Xisbiga UDUB Ee Magaalada Saylac
Boorama, Somaliland, May 8, 2010 (Saxafi) – Wararka ka imanaya magaaada Saylac ayaa sheegaya in xarunta xisbiga UDUB ku leeyahay Degmadaasi ay shalay furteen xubno la sheegay inay ka yimaaddeen dalka Djibouti, laguna tuhunsan yahay inay ka tirsanyihiin ciidamada dharcadda ah ee dalkaasi.
Qaar ka tirsan dadka degaankaasi, oo uu weriyaha Saxafi ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh la xidhiidhay, ayaa u sheegay inay halkaa yimaaddeen saddex ilaa laba nin oo ka soo kicitimay dalka Djibouti, kaddibna ay xafiiskii xisbiga UDUB ee magaaladaasi iska furteen, una fadhiisteen qayilaad, intii aanay habeen badhkii habeen hore dib ugu laaban magaalada Djibouti ee ay ka yimaaddeen subaxnimadii.
Inkastoo ay noo suurta-geliweyday inaanu masuulyiinta degmadaasi wax ka weydiino waxay ahaayeen ragga furtay xafiiskaasi, isla markaana aanay jirin warar rasmiya oo caddaynaya ujeedadooda, hase yeeshee waxay dadka degaankaasi iyo qaybo ka mid ah shacbiga Somalilandba la socdaan faragelinta dalka deriska ah ee Djibouti ku hayo degaanada hoos yimaada maamulka Somaliland, arrimahaasi oo sii xoogeystay, tan iyo markii madaxweyne Rayaale Saylac u magacaabay magaalo-madaxda gobolka Selel, isla markaana dhawaan ama sannadkan bilowgiisii lagu caleemo saaray Ugaaska Beesha Ciise, muran badanina ka dhashay jasiiradaha saacaddiin iyo ceebaad.
Ciidamada Amniga Boorama Iyo Kuwa Miltariga Oo Guluf Ku Qaaday Dhallinyaro Lagu Tuhmay Iska Horimaadyo Amni-darro Dhaliyey
Boorama, Somaliland, May 8, 2010 (Saxafi) – Ciidamada Bileyska iyo kuwa milateriga ee ka hawlgala degaanka Boorama ayaa shantii habeen ee ugu dambeeyayba magaalada Boorama ka waday weerarro ay ku qaadeen dhallinyaro la sheegay inay ka qayb qaateen iska horimaadyo khatar-gelin gaadhay xasiloonida magaalada labadii toddobaad ee ugu dambeeyay.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Saxafi ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, hawlgaladan oo ciidamadaasi ku soo qabqabteen tiro badan oo ka mid ah dhallinyaradaas, ayaa inta badan dhaca goor habeennimo ah, iyagoo magaalada ku soo gala safaf raxan raxan isku daba socda.
Gulufka ciidamada amniga iyo kuwa, milaterigu ku hayaan dhallinyarada laga dareemay inay ku lug leeyihiin iska horimaadyada, dadweynaha magaaladuna soo dhaweeyeen ayaa waxa uu ka dambeeyey toddobaadyo dhallinyaradaasi iska horimaadyadoodan u dambeeyey isku adeegsadeen budhadh, faashash iyo weliba hub ay isku adeegsadeen toddobaadyadii aynu soo dhaafnay, iyadoo weliba xaafadaha qaarkood albaabada ugu xidhay shiid iyo burburin hantida dadweynaha iyo guryahaba, dad badanna dhaawacyo ka soo gaadheen.
Iska hor imaadyadan oo ka duwan kuwii hore loogu yaqaannay Boorama, ayaa waxa ka qaybqaata dhallinyaro ka waaweyn kuwii hore falalkaasi u geysan jiray oo ilaa 15 jir ah, lamana ogga ilaa imika sababta keentay iska horimaadyadan ka soo laba kacleeyey magaalada Boorama.
Gabadhii Ugu Horeysey Ee Muslim Ah Oo Ku Soo Baxday Baarlamaanka Ingiriiska
London, UK, May 8, 2010 (Saxafi/Wararka) – Haweenaydii ugu horeysay ee Muslin ah ayaa doorashadii doraad ka dhacday dalka Ingiriiska ku guuleysatay xubin ka mid ah aqalka Baarlamaanka ee dalka Ingiriiska.
Haweenaydan oo Magaceeda la yidhaa Rushana Cali ayaa iyadu noqotay Gabadhii u horeysay ee Muslin ah ee ka mid noqota Baarlamaanka dalka Britain, taas oo ka soo baxday xaafada Tower Hamlets oo ka mid ah Magaalada London.
Rushwana Cali oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Bangaladhesh ayaa shalay Jimcihii lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay Xubinta Baarlamaanka ee Xaafadda Tower Hamlets, iyada oo haweenaydani ka sharaxnayd Xisbiga Shaqaalaha.
Rushana Cali ayaa waxa kursigan kula tatamayey laba Nin oo iyaga laftoodu ahaa Muslin, kuwaas oo ka sharaxnaa labada Xisbi ee Mucaaridka ah Conservative iyo Liberal Democrats, kuwaas oo ay Rushana Cali kaga adkaatay tartankii Baarlamaanka ee doorashadii dhacday maalintii khamiistii.
Kursigan ayaa doorashadii tan ka horeysay waxa ku guuleystay Ninkii sida weyn uga soo horjeestay dagaalkii Ciraaq ee la odhan jirey George Gallaway, kaas oo isagu hore uga baxay Xisbiga Shaqaalaha, ayaa waxa uu u soo sharaxay nin kale oo Muslim ah, hase yeeshee waxa kaga guuleysatay gabadhan Rushana Cali oo ay isku dal ka soo wada jeedaan Ninka tartanku ka dhexeeyey, waxaana xusid mudan in saddexda xisbi ee waaweyni ay kursigan u soo sharaxeen saddex qof oo Muslimiin ah.
Haweenaydan ayaa mar ay la hadashay sheegtay inay dagaalkii ciraaq oo sababay in xisbiga shaqaaluhu kursigan hore u waayo, ay iyadu aad uga soo horjeedey.
Dhinaca kale waxa hadda cad in aan si toos ah loogu kala bixin doorashadii shalay ka dhacday waddanka Ingiriiska, inkasta oo Xisbiga Conservative-ku ay helleen codadka ugu badan, haddana ma sameyn karaan dawlad keligood ah, waxaanay u baahan yihiin inay iskaashi la sameeyaan xisbiga kale ee Liberal Democrat-ka oo ay aad xagga fekerka u kala fog yihiin. Taasi waxay keeni kartaa in Labourka iyo Liberalku heshiis gallaan, inkasta oo ay weli u baahan karaan xsibiyo yar yar oo kale sida Green Party oo helay hal mudane.
Walow ay weli codadkii hadhsan yihiin oo aan lagu wada dhawaaqin natiijada doorashada ayaa haddana waxa iska cad inaanay axsaabtu midina gaadhayn aqlabiyad uu kelidii ku dhiso dawlad.
“Jaamac Dalkom Wada-Hadal Baa Noo Socday, Laakiin Waxaanu Ku War Helnay Inuu Dalka Joogo Markaanu Joornaalka Saxafi Ku Aragnay”
Wareysi khaas Ah – Mr. Maxamed Taani Cabdalla oo ka mid ragga hadda ku hawlan Mashruuca Cable-ka Isgaadhsiinta ee badda hoosteeda ee la doonayo in Berbera la keeno
Hargeisa, Somaliland, May 8, 2010 (Saxafi) “Cable-ladda badda cas maraa waa ilaa shan, laakiin waxay iskugu jiraan kuwo ganacsi iyo kuwo ay dunidu maalgelinayso, kan qorshihiisu dhawaan ka socday Somaliland waxa weeye mid uu maalgelinay baanka adduunku, isla markaana ay wadaan ururo samafal (NGOs), sidaasi darteedna markii hore qorshihiisu wuxuu ahaa in laga dejiyo Muqdisho, laakiin rag reer Somaliland ah oo ka shaqeeya shirkada Isgaadhsiinta ee Ingiriiska ayaa ila soo xidhiidhay, isla markaana iga dalbaday inaan gacan ka siiyo sidii looga soo dejin lahaa Berbera, arrintiina markii aanu xidhiidho badan ka samaynay waxa aanu ogaanay inay ku jirto Muqdisho, waxaananu meesha keenay in kharashka faraha badan ee ku baxaya in Muqdisho laga soo dejiyo oo dib dalkii la isku odhan jiray Somalia la inoogaga soo qaado inay ka fududahay in Berbera laga soo dejiyo, taasi oo ay arrinteedu socotay” Sidaa waxa yidhi, Mr. Maxamed Taani Cabdalla oo ah ninkii ka wakiilka ahaa shirkadii ugu horeysay ee xagga isgaadhsiinta telefoonada Somaliland keentay sannadihii sagaashamaadkii, oo lagu dirsan jiray minute-kii in ka badan 10 dollar.
Hase yeeshee, Mr. Taani oo Wargeyska Saxafi uga xog-waramay arrintaasi ayaa sheegay in shirkadda magaceeda la yidhaahdo Dalkom ee uu leeyahay ninka la yidhaahdo Maxamed Axmed Jaamac oo u dhashay dalka Somalia, uu warqad ogolaansho ah uga soo qaatay dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taasi oo sheegata inay ka taliso dhulka Jamhuuriyadda Somaliland. “Markii aanu ogaanay in ninkaasi ku hawlan yahay, isla markaana uu ruqsad uga haysto dawladda Sheekh Shariif ayaa lana xidhiidhiyay, sidii aanu uga wada arrinsan lahayn sidii Berbera looga soo dejin lahaa cable-kaasi oo magaciisa la yidhaahdo Easy (fududeeye), waxaananu (Smallglobe shirkad yar oo ay leeyihiin kooxda uu Taani wakiilka ka yahay) arrintaasi u samaynay sidii ay dadkeenu uga faa’iidaysan lahaayeen cable-kaasi oo inta badan wadamadii kale la wada dhigay, oo uu haatan ka shaqeeyo, halka ay mandaqadan aynu ku noolnahay ee ah inta u dhaxaysa Port Sudan ilaa Koonfur Afrika la doonayo in la dhamaystiro bisha October ee fooda inagu soo haysa, haddii alle idmo, waananu wada hadalnay ninkan Jaamac ee Dalkom, iyada oo ay wada hadaladii noo socdaan oo aanu annaguna xaggan Somaliland dawladda arrintaasi kala hadlayno oo aanu waraaqo arrintaasi la xidhiidha u soo dirnay ayaanu ku war helnay Wargeyskiinan Saxafi in ninkaasiba na daba furay oo uu dalka Somaliland haatan ku sugan yahay” ayuu Mr. Taani oo sharaxaad ka bixinaya hawlaha cable-kaasi yidhi.
Sheekada Cable-kan ayaa todobaadadii u dambeeyay Somaliland si weyn la iskula dhexmarayay, iyada oo ay yar tahay xogta rasmiga ah ee laga hayaa, hase yeeshee Mr. Taani oo uu Wargeyska Saxafi wax ka weydiiyay inuu sawir ka bixiyo si loo fahmo cable-kani waxa uu yidhi. “Horta Cable-kani waxa uu ka mid yahay aaladaha cusub ee Isgaadhsiinta waxaanu tartan kula jiraa isgaadhsiintii hore ee dunida ee mari jirtay qamara sanaaciga, waxaanu leeyahay wax la yidhaahdo Fibre-Optic oo ah sida Tinta yar ee timaheena oo kale, oo xambaaraysa macluumaad intaasi oo GB (Hal-beegga adeegga isgaadhsiinta lagu cabiro) tusaale ahaan, haddii ay tahay sawir, cod, qoraal iwm, taasi oo lagaga raysanayo qalabkii qamara sanaaciga ka soo qaban jiray ee waayirada waaweyn iyo cable-lada ahaa, sidaasi darteedna marka xadhkahaasi yar yar badda hoosteeda la dhigto waxa la rumaysan yahay inuu ka tayo wanaagsan yahay, kana cilad yar yahay, waxna ka tari karo adeega isgaadhsiinta ee caalamka”.
“Markaa Somaliland ahaan waxa aanu islahayn aad Berbera kala soo degtaan oo ama Cable-kii loogu talo galay Somalia ha laga soo dejiyo Berbera oo iyagu ha inagga qaataan, amaba mid cusub ha la siiyo Somaliland’e in ay dadkeenu adeegaasi helaan ayaa nagu weynayd” ayuu hadalkiisa ku daray Mr. Taani
Hase yeeshee, Mr. Taani mar la weydiiyay inuu jiro wax xidhiidh ah oo dhexmaray iyaga iyo Baanka Adduunka oo maalgelinaya sidii adeegani looga hirgelin lahaa mandaqada bariga iyo Koonfurta Afrika waxa uu yidhi. “Haa way jirtaa in aanu xidhiidh la samaynay, waxaanay noo sheegeen in dawladda SHariif ruqsad u siisay shirkadda Dalkom arrintaasi, isla markaana aanu Baanka adduunku awood u lahayn in Somaliland mid cusub loo sameeyo, haddii ay tahay in kii Somalia laga dejiyo Berbera-na ay tahay in kala xaajoodaan Jaamac Dalkom iyo dawladdaasi awoodda aqoonsiga haysata ee Shariifka, sidaasi darteedna markii lana xidhiidhiyay Dalkom, waxaanu isla garanay in xaaladaha jira awgeed loo baahan yahay in laga wada hadlo in Berbera laga soo dejiyo iyo in Somaliland loo helo mid gaar ah oo aan Somalia u soo marin, laakiin wixiiba waxa isku fuuqsaday waanagan Jaamac halkan ugu nimid”.
Wax yar uun baa laga ogyahay sheekadda Cable-ka iyo xogaha la xidhiidha iyo shirkadaha kala duwan eek u hawlanba. Haddaba sida ay kala yihiin iyo noocyada Cable-lada jiraba waxa aanu iyadana wax ka weydiinay Mr. Taani, waxaanu yidhi. “Way jiraan Cable-lo door ah oo baddeena mara, laakiin waxay u kala qaybsan yihiin laba nooc oo tusaale ahaan waxa baddeena mara oo jira mid la yidhaahdo Sea-com oo ay dalal door ah oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Faransiiska iyo wadamo kale leeyihiin, oo haatanba shaqeeya, isla markaana haddii la yidhaahdo Berbera ha laga soo dejiyo loo baahan yahay in meel dhexe laga soo qabto inta aanu gaadhin Djibouti oo kale lagaga soo qaato USB (Qalab la iskugu xidho aaladaha tiknoolajiyada), laakiin kaasi markaad qaadanayso lacag ayuu u baahan yahay waqti koobana wuu ku imanayaa oo waa mid ganacsi, hase yeeshee kan kale ee l ayidhaahdo EASY, isagu wuu ka duwan yahay, waxaana weeyaan mid loogu talo galay horumarinta ilaa dhawr iyo toban wadan oo ku yaala bariga iyo koonfurta Afrika, waxaana maalgelinaya baanka adduunka, sidaasi darteed ayaanu ugu aragnay inuu bulshadeena wax u tari karo” .
Waxa kale oo jiray warar sheegaya in Cable-ka soo jiididiisa qandaraas lagu siiyay ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi oo ah nin u dhashay Somaliland iyo Djibouti, isla markaana la sheegay inuu yahay ninka leh shirkad magaceeda la yidhaahdo SOmcom oo ku hawlan sidii Cable-kaasi Berbera uga soo degi lahaa. “Maxamed Aw Siciid haddeer ma jirto wax naga dhaxeeyay, laakiin mid waliba dhiniciisa ayuun buu hawlo kaga jiray, markaa haddii uu isagu soo dejinayo cable-kaasi waanu soo dhawaynaynaa oo isku ujeedo ayuun baanu nahay” ayuu yidhi, Taani.
Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa marka ay xasuustaan Mr. Taani waxa ay ku xasuustaan isgaadhsiin qaali ah oo telefoonadda ah oo uu sannadihii sagaashamaadkii Somaliland ka iibin jiray, mar la weydiiyay haddii uu haatan soo qaadana inay qaali uun noqonayso waxa uu ku jawaabay. “Kolay marwalba waxa taagan iyo qiimaha ay wax ku kacayaan ayay ku xidhan tahay, waxa aanuse doonaynaa waa uun in dadkeenu helaan isgaadhsiin jaban oo tayo leh”
Cashuuraha Berriga Hargeysa Oo Bilaabay Inay Ku Lacag Qaataan Waqti Dheeraad Ah Oo Aanay Shaqayn
Hargeysa, Somaliland, May 08, 2010 (Saxafi) – Waaxda Cashuuraha berriga ee Hargeysa ayaa bilawday inay lacag ku qaataan waqti dheeraad ah oo aanay shaqaynin (Over time) lacag dhan 20,000 oo Somaliland shillin maalin walba.
“Sideedii subaxnimo ayaa ka goostay waddo marista xafiiska cashuuraha beriga ee ku yaalla kastamka dhexe ee magaalada Hargeysa, intaa ka dib ayaa haddana la ii dhiibay rasiidh overtime ah ay ku qorantahay oo la igu yidhi, labaatan kun keen, markaan diidayna waxa la igu yidhi kuma siinayno hadaad diido tan rasiidhka waddo marista, waxaanan ku dooday maadaama oo aydaan ii shaqaynayn gelin dambe xaq la iiguma laha sharci dhigayaana ma jirto, mar haddii aan gelin hore imid oo ay tahay saacadihii shaqada aad sida caadiga ah u shaqaynayseen. Laakiin markii dambe waan ku khasbanaaday inaan bixiyo labaatan kun oo aan u arkay lacag sharci darro ah” sidaa waxa yidhi, muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisa ku sheegay C/Raxmaan Maxamed.
Haddaba lacagtan oo ah cashuur cusub oo qayrul sharci ah oo aan ku dhicin khasnada dawladda ayaa waxa ku takri fala oo maamula Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Beriga Hargeysa Mr. Maxamed Ducaale ayaa waxaan cadadka dakhliga ka soo galay lagu qiyaasay markaad ka qiyaas qaadato rasiidhkaasi lacag qabasha ee number-kiisu yahay overtime Receive No. 11730 lacag dhan 2,34,600,00 Sl Sh laba boqol afar iyo sodon milyan iyo lix boqol oo kun oo shillin Somaliland ah oo u dhiganta $35,545 dollar.
Lama oga xlliga takaaliiftani, hase yeeshee waxa lagu war helay uun socoshadeeda.
