Maxaad noo xadi weyday?

‘Immika ayuu kabo’la-yahay, imisaanu lahayn intaan duca-qabbedu ku soo gaadhin ka fara-qabso. Waar qof maaha, waa mid liita oo aan loo hoyan.’
Weedhahan marar kalla duwan oo badan ayaa laga yaabaa inaad maqasho ruux si hiifleh wejiga looga saarayo ama lagu xamanayaba. Haddaad maqasho qof sidaas la leeyahay, waxaa lagu haystaa waa ‘Maxaad noo xaddi weyday! Haa, maxaad noo boobi weyday intii aad maamulka ku jirtay ee meel dan-guud ah xilkeedu gaar kuu saaraa oo aad u fara madhantahay ayaa lagu eedaynayaa;
Waxaynu ka hadlaynaa, xatooyo aan la iska waanin, balse, la isku guubaabiyo; waa qiso aan muran ku jirin in wiilka ama gabadha loo diro hawl umaddeed, tusaale ahaan hay’addaha kala duwan ee dawladda midkood in lagu dhiiri-geliyo xatooyadda xoolaha dadweynaha; haa’ weliba inta uu is-leeyahay wanaagaaga ayay rabaan ayaa ku boorisa inuu ka urursaddo xaaraan badan. Muhmal kumma jiro in ruuxa reerkoodu la raadiyo meel dhac-dhac leh. Haa, meel balaayo iyo naari ka soo dhacayso oo ay og-yihiin in aan la mahaddin haddii maalmo la nuugo, ayaa haddana lala doonayaa oo lagula dagaalamayaa;
Eedaysanuhu waa saaxiibkey hebel, sanad ka hor ayuu shaqo cidhiidhi ah ka helay, laan ka mid ah. Wasaaradda maaliyadda, mushaharkiisa kooban ayuu ku ekaaday laakiin, halkii uu amaan iyo dalacsiin filayay ayaa loo tartamay xilkii uu hayay. Waayo, markiiba, waa la isla arrkay; haa, waxaa lagu arrkay doqoniimo, Kan ka sareeya, ma sooryeeyo, kan ka hooseeyana santi umma dhiibo, Odayadii meesha u ergeeyay imtixaan ma jirin elayne, iyagana maalin shilin uma uu dhiibin. Muxuu u dhiibaa, isba naftiisa ma siiyo’e. laakiin, taas ma ku joogayaa meesha waxa lagu ciqaabay dadkiisu diiday inuu dhinac ka raaco, haddii markii horeba musuq ku raadiyay shaqo, muxuu maasuq inta uu sameeyo caruurtiisa maal ogooneed ugu korin waayay. waa kan maqaaxidii soo fadhiistay ee weliba la leeyahay, awalba meesha wax aan cidhiidhi ahayn kumma aad kordhine, Bagaa laguu soo eryay.
Hala yaabin, akhriste, waxa laga yabaa in adiga laftaadda lagugu canaantay maxaad noo xaddi weyday, haddii aan lagugu canaanana, aad qudhaadu qof kale, ku dhaliishay sababta uu kuu dhici waayay. Haddii aanad ku hiifina, la arrkee inaad ogtahay oo aanu kaa fogeyn ruux fara-madhan oo lagu tilmaamo ma shaqeyste aan faa’iido lahayn. Maadaama oo aanu gaar u oodan xoolo aynu wadda lahayn oo inaga dhexeeyay.
Waxaase iga su’aal ah tuugu miyuu kalla sareeyaa’ ?
Maxaan jawaab kaaga sugayaa’ haddii aanu kalla sareyn maxaad ka gurriga u soo dhacana u dishaa, u xidhaa unna yastaa. Kan gurriga kaa dhistayna u ammaantaa, u buunbuunisaa, unna jecelahay inuu fara-guudkood inagaga laaluusho waxeena:
Ma tuugii tolkaa kan danbe ee aynu amaanaynaa, ka horena waa belaayo soo dhacday? Mise, wuxuu ku sharfan-yahay xoolaha badan ee uu sifaha khaldan u qaatay; kan gurriga u dhacayna, nacasnimaddiisu waa inuu soo guday goor madow oo uu qof kalli ah baadhay, halkii uu ummadda oo dhan saameyn lahaa;

Ma filaysay in casrigu noqon doono tuuga oo la kala naqaysto iyo in qofku diido in kellidii la xaddo, balseuu ku farxo in si guud ummadda loo baadho; ku tiigaali maayo,’ waxaa igaga fillan shacbiga inaan u soo qabto bayd Abwaan Hadraawi ku leeyahay’ “Xilkii dadnimay gabeen

Xuquuq dadnimay rabaan

Naf daallina bay rabaan

Inaan dulmigeedu qaban

Dawgii noloshay rabaan

Inay shar ku daydayaan

Xumaan qof ku daalayaa

Wanaag damaciis hayaa”

Hadraawi waxaan ka fahmay, oo uu tilmaamayaa haddii si kale loo dhigo murtidiisa, is diidanaanta ku jirta, ruux Maxkamadda la taagan Laaluush ee haddana raba oo ku doodaya in cadaalad loo xukumo. Marka horeba caddaalad darro ayuu wax ku doonayay haduu eex doon ahaa, markaa malaha waxaa haboon in aanu sharci raadin;

Ta kale, haddii aynu ku waanino ubadka inay inoo soo boobaan shacbiga, maxaynu ku doonaynaa wanaag;

Kan labaad ee ku dhaqma waanada dadkiisu ugu jeediyo inuu wax dhaco, isagana waxaan u soo qabanayaa tuduc Islamaansaddaas Dabahuwan ee Hadraawi ka mid ah, waxa uu yidhi’ “Damiirku hadduu qallalo

Hadduu dufan-raadis yahay

Daliilka hortiisa yaal

Waxaa kaga beegan daah

…… ………. …

Denbay kala boobayaan

Dushooda ma eegayaan

Dux bay kaga fooraraan

Si bay u dar-jiidhayaan

Dunuunuc bukay liqeen

Dalqay wax ku eegayaan

Dil bay u hamuumayaan

Dibnay la haliilayaan

Dedaal ma haleelayaan

Daryeel ma hanbaynayaan

Dardaaran ma dhuuxayaan

Digniin ma dhabaynayaan

Dharaar kama doodayaan

Halkay ku dambaynayaan

Dayow kama toosayaan.

Wax-diiddo markay jirtaa

Wax-doonkuna meel-mar yahay

Naftana dabar baa xaslada

Dibsooduna waa ammaan”

Qalinka; Mustafa Sh. Cumar